Harowo.com

Goormaa Indho-indho uga lexe-jeclo batay Axmedyasiin Sh.Cali Ayaanle Somaliland

Marka hore waan salamaaya dhamaan shacabka reer somaliland . Marka xiga waxaan maanta qalinka uu qaatay in aan wax ka idhaa xildhibaanada reer Sool ee uu jawaabay xildhibaanada gobolada galbeedka Somaliland ka soo jeeda ee umada tusay cadaaladarada somaliland ka dhacday intii uu xilka qabtay SIILAANYO
Waxa wax laga xishoodo ah nin xildhibaan ah oo dadkiisi la arko in aanu tiro ugu jirin ama aanu qaadi karin masuuliyadooda inuu U jawaabo xildhibaan xalaal ah oo dadkiisu soo doortay .
Maaha wax qof caqli leh ka qarsoon in somaliland maanta ay gashay cahdi cadaaladaro, cahdi la soo nooleeyay qabaayalada cahdi umada lakala fogeeyay shacabka wada daga dalkan .
Waa yaab,  maanta miyaa mise waa berri.  Waa goorma, goorta uu Harti uga lexjeclo batay somaliland Gadabuursi .
Nimankaa waxaan leehay dib iskugo noqda,  reer awdal waxba idiinma diidana,  dalka xaq ayaad ku leedihiin ayaan idin leehay lakiin maaha inaad ka jawaabtaan hadal aan idinka idin khuseyn,  mise wixii la sheegayay ayaa dhab ah oo E-voucher ayaad tihiin .
Hadaan uu soo laabto Axmed siilaanyo waxaan odhan kara waa hogaamiye ku sifoobay cadaalad daro, kalaqaybin, nin jeclaysi ,qabyaalad , dulmi.  Waxan odhan kara waa shakhsi ay maskaxdu joogsatay waliba iyada oo dhinaca xun u shaqeeynaysa .
Reer Awdal iyaga waxa horyaal in ay xaqooga ku helaan sida ugu macquulsan iyaga oo waliba ilaalinya qarankan curdinka ah . Shacabka somaliland mid ayaan leehay dhamaantood ha uu hiiliyaan midnimada , cadaalada, wadajirka ,iyo badbaadinta qaranka.

AHMED JIINJE OMER somali001@live.com

Tell: 4457615


This post has been viewed 314 times.

camud

Comments are closed

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH