Harowo.com

Geeraarkii Abwaan Cali Bucul Ee Ammaanta Faraska oo laga dhaqaajin waayay kaalinta koowaad

HAROWO.COM

Gamaan Waa Magac Guudoo
Sanga aan Gabanayniyo
Magaankii Godanaa iyo
Geenyadii Dhadigayd baa
Gabigood ka Dhaxaysoo
Haybta way isku Gartaane
Guulwadaw Faraskaygu
Hadii aan Galadiisiyo
Gedahiisa Tilmaamo
Waa Gal Maaxanayoo
Gaadhi Mayno Xogtiisoo
Waan ka Gaab-Sanayaaye
Rag allow Gaf Miyaa ??

Almis Goodiyadeediyo
Bulaxaar Gudubkeediyo
Galihii Harowaad iyo
Gureys Reeraha Yaala
Galab buu isku Maraaye
Ma Daruur Gudgudaa ??

Gabangoodi Abaaroo
Dadku Guunyo ka Quustay
Geel Buu soo Tu’iyaaye
Ma Gob reera Dhacdaa
Goluhuu Miranaayay
Gurxan Dhowrta Fogeeyiyo
Gooh Wayn Baa ka Baxayee
Ma Aar Goosan Wataa ??

Goluhuu ku Xidhnaa
Nacab soo Gardaraystiyo
Gaas Laxaadliyo Guutiyo
Guluf Weerar ku Qaadiyo
Gaado Goonya Wareegiyo
Guhaad buu ku Xijaaboo
Rugtiisa Ma Gaydoo
Aad baa loogu Gamaaye
Ma Ganuun Nin Dhamaa ??

Gudcur Roob Gibil Saarayoo
Gufaacadiisiyo Gaydha
Naftaydii Gilgilaysa
Tuugga soo Gabanaaya
Laydhiisuu ka Gartaaye
Ma guhaan Garab daar loo
Faalka Guun ku Noqdaa ??

Hal garaadka Guntiisiyo
Guudkiibuu ka Cadaadee
Ma Galool Ubaxlaa ??
Fanku suu u Dhitoobay
Ma aroos Dhumuc Waynoo
Duleedkuun Dhacandiidoo
Dhiinle Loo Alyayaa ?

Tagoogaa Dhanbacaada
Ma Libaax Dhalanteedoo
Cad Geel Dhuunyanayaa
Dhasalaalaq Ciyaarka
Ma dhallaan Rugtii Joogaa
Soo Dhaandhaansaday Uurkoo
Dhibic Roob Helaybaa ?

Sayntiisuu ka Cisiine
Ma Sayruuq la Ganaa
Afartiisa Cagood iyo
Cududaa Dib u Laabiga
Ma Camoodiga Haadoo
Samadaa ku Carceerayoo
Meel casaanle Arkaayoo
Hoos U Caaridayaa ?

Halka Lowgiyo Laabtiyo
Ladanow Badhi Dhawrkiyo
Leemaadhuhu iska Galeenbaa
Ladnaan Loogu Gam’aaye
Ma Aroos Ladan Baa ?

Helmiyay oo Helmiyay oo helmiyay
Oo ammaantiisii Heli Waayee
Hoosiisow Midabkaagu
Ma Habeenkiyo Waagoo
Kala Haayirayaa ?????


This post has been viewed 97 times.

camud

Posted by on Jan 16 2013. Filed under Xulka Qoraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

3 Comments for “Geeraarkii Abwaan Cali Bucul Ee Ammaanta Faraska oo laga dhaqaajin waayay kaalinta koowaad”

  1. cali bucul walee nindheh ilahay ha u naxariisto lakiin waxaa loo bahan yahan in lagu codeeyo hadii kale inta laxado ayaa ninkaleh loogu magac dari

  2. Maxamed cumar cali

    Raboow janadii ka waraabi, AAAAMMMIIIINNN.

    cali bucul ilaa hada lama hayo mana dhalan hadaan uurka lagu sidin nin uu eebe abuuray oo loo dhigi karo ama ku gaadhi kara gabaygaas uu ku amaanayey faraskiisa ( fardaha ).

    M. Omar ( sanca )

  3. Maxamed cumar cali

    Raboow janadii ka waraabi, AAAAMMMIIIINNN.

    cali bucul ilaa hada lama hayo mana dhalan hadaan uurka lagu sidin nin uu eebe abuuray oo loo dhigi karo ama ku gaadhi kara gabaygaas uu ku amaanayey faraskiisa ( fardaha ).

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH