Harowo.com

Gadabuursi iyo Dawlad Soomaliyed Raadinteed (Maqal xasuus ah 2010)

Maqaalkan waxan qoray bishii Oct 2010 waxanan bulshadayda Awdal State ku dhiirinyey inay raadiyan Dawlad Somaliyed o laga baxo riyada khayaliga ee 20 jirtsatay .Wakhtigaas weli ma ay dhalan Awdal State hase yeeshe waxay hordhac u ahayd fikirkii dhalyey Awdal state iyo in midnimo qaran la raadiyo.

Runtii 2 sano ka dib riyadaasi waxay u egtahay mid soo dhaboobaysa sidaas ayaan maqaalkan idiin ku soo qaatay xasuusin.Maanta o ay bisha May Tahay 5/5/2012 waxa magaalado madaxdii somaliyeed ka bilowday shir Taariikhi ah oo la isku keenay madax dhaqameedkii Somaliyeed marki ugu horaysay 20 sano.

Waxay madax dhaqamedkan soo xuli doonaan xubnihii barlamaanka cusub ee Somaliya oo saldhig u noqondoona Dawladda midnimo qaran ee dhalan doontaa August 2012.Waxa kaloo madax dhaqameedkani ay soo magaacaabi doonaan 1000 qof ama xubnood oo dood ka yeelan doona Distoorka cusub ansixiintiisa.

Waxan u rajaynayaa in shirkaasi guulaysto oo ay dhalato Dawlad Somaliyeed oo ku dhisan midnimo qaran.Waxa jira xoogag isku bahaysanaya in Somalia markale ay guul daraysato si loogu jiro xaladihii ina soo maray 20 kii sano sida:Warlodism,Alshaabaab iyo Gooni Goosasho gabalkeedii dhacay.Waa kan hoos ku qoran maqaalkii ee ka bogo.

Viva Somaliya viva Awdal state of Somalia

Gadabuursi waa inuu Dawlad Somaliyeed Raadiyo,oo aan ahayn Dawlad Goboleed (like Somalilnd).(Oct 2010). Waxan shalay qornay qaybtii hore ee maqaalkan, Waxana aad ku soo qadanay ka dib Burburkii magalo madaxdii Saylac iyo Harar. Waxa Gadabuursi uu ukala guuray Jabouti oo bedeshay Saylac.Qaybtii kalena waxa ay asaasaaeen Cassimadda Gadabuursiga maanta Borama oo ku soo Horaysay J-Horato qarnigi hore awalkiisi.

Qaybtii Jabouti waan soo sheegnay halkii uu ku istaagay Hamigoodii iyo hogaaankii siyasadeed ee ka soo bilaabmay Xaaji Diide ilaa Sanator Jaamac Saylici 1949.Waan ka hadalnay dagaalkii sokeeye iyo sababihii ay u lumiyeen kaalintaas iyo hogaankas higsanayey inuu ka sameeyo dal somaliyed Xeebta Somaliyeed ee Jabouti.Waan ka hadalnay dagaalka cidda ka dambaysay oo ahaa gumaysi iyo afkii LIBAAX ee uu dalkii galay ila la helay Xoriyadii 1977.

Haddaba sabab kastaba ha ku timadee Gadabuursi kaalintaa wuu lumiyey dibna uma soo noqon xataa xoriyadii ka dib. Waxay ku dambaysay hal wasiir oo la isku bedelo,inkastoo uu yahay dal Somaliyeed oo dad badan oo Gadabuursi ahi si fiican ug noolyihiin,hadana way jireen dhibaatooyin ka soo maray Gadabuursiga wakhtigii Madaxweyne Xasan Guleed. Qaybtii labaad ee samaysay Caasimadda Borama oo ah Somaliland ayaan imika ka hadli donaa.

Gadabuursi iyo Somaliland.

Qaybtii labaad ee Gadabuursi e ka soo haajirtay burburkii Saylac waxa ay degaan ka dhigtaan ugu horaystii Jara-horato.Waxa qaybtaasi hogaaminayey Ugaas Cilmi,Xaaji Obsiiye , Sheekh Muse Cadde oo isna ka soo haajiray Harar oo Jamacadii u horaysay ka furay ka Furay J-horato ,isla markaana baray dadkii xoolo dhaqatada ahaa qodashada beeraha isago sameeyey xarun cilmiga diinta iyo Quranka lagu Barto oo la yaqanay JAMAACO. Muddo ka dib waxa loo guuray Borama halkaas oo noqotay Xaruntii( first Gadadbuursi disrtict in the Protectorate1920.)

Borama waxay noqotay xarun ka mid ah todobadii District ee ingiriisku ka sameeyey gobolka Somliland.Lixda kalena waxay kala ahayen Hargaysa, Burco, Berbera,Ceerigabo, Laascaanood iyo Saylac. Kadib xoriyadii ilaa iyo Burburkii dawladii Somliyeed 1991 waxa gobolada woqoyiga ka samaysmay shan gobol oo ku salaysan todobadii district ee ingiriisku sameeyey kuwii ugu muhiimsanaa.

Awdal, Hargaysa,Burco, Cerigabo iyo Laascanood.

Kaalinta Siyaasdaa Gadabuursiga Somaliland.

Gadabuursi markii Gumaysigu yimid dalkeenna waxay Saylac ka saxeexeen Saan mucahado loo yaqaanay Anglo-Gada Treat of 1884.Halgankii gobanimo doonka way ka qayb qaaten oo waxay fureen axsaab siyaasi oo ugu Dameeyey USP xoriyadda ka hor oo keenay israacii iyo gobanimadii 1960 kii intaba.

Waxay ka mid ahaayeen Wafdigi afarta nin ahaa ee ingiriiska la saxeexday gobanimda 1960 kii. Waxa wafdigaa oo Cigaal hogaaminayey dhinaceenna ku jiray X.Ibraahim nour Jamac.Intii xukuumadda Somaliyeed jirtay Gadabuursi waxa ay marwalba ku lahayeen wasiir muhim ah. Ragga jagooyinkaas soo marayna waxa ka mid aha Cabdi xasan Buuni Deputy Prime minister,Aden Isaaq,Muse Rabiile iyo Bashir Farah Kaahiye.

Burburkii Dawladii Somaliyeed 1991.

Markii ay burburtay dawladii Somaliyeed11991, waxa bedeley mamulkii dawladdii Somaliyeed dawlad Goboleedyo ay ka mid tahay Somaliland, Puntland.Gadabuursi waxa u qaatay qayb libaax si nabad iyo xisiloonaan looga dhex dhalin lahaa dadkii ku nolaa gobolada woqooyiga. Maamulkii dawlad goboledkii Somaliland Gadabuursi waxa uu ka soo qaabtay xilal muhiim oo isku jira madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeeno Somaliland.

Laakiin Gadabuursi kuma qanacsana dawlad goboleed ee waxa uu raadinyaa meelkastaba ha ka dhaltee Dawlad Somaliyeed oo la aqoonsanayahay cidii dawlad goboleed ku qanacsan ee ay cabsi hayso ka hayso midnimada umadda Somaliyeed ee Geed isku soo xidhaysa iyaday u taala. Hadii aan ka dhalin kari weynay dawlad Somaliyeed gobolada woqooyi (Somaliland) 20 sano wa inaan ka qayb qadanaa dawladda Fedaralka ah ee la damacsanyahay inay Dhalato 2012.

Tasoo ku salaysan sida distoorku cusubi qorayo 18kii Gobol ee Jamhuuriyadii Somaliya oo intii is ogoli ay habka Fedrealka uga soo qayb geli karaan Dawlad Goboleedyo.Awdal waxa ay ka mid ahayd 18kii gobol ee Somaliya ,Distoorka Cusubi waxa uu siinayaa inay Awdal kaligeed ka mid noqon karto Xukumadda Federalka Somaliyed iyo inay ku timaaddo dawlad Goboleed sida Somaliland ama Puntland.

Ka akhri distoorka Cusub ee dawladda Federalka Somaliya Marka Caadey Website.

Gebo gebo: Gadabuursi si fiican ha u tashado gudo iyo dibad ba hana iska ilaaliyo inuu markale Sameeyo Gaf siyasadeed ee hore uga soo maray( Political Plunder). You have a chance Again. DONT MISS IT.

Mohamed Dhiirane

Email: mohameddrn@hotmail.com


This post has been viewed 315 times.

camud

23 Comments for “Gadabuursi iyo Dawlad Soomaliyed Raadinteed (Maqal xasuus ah 2010)”

  1. maasha alaah eesh calaa gabdho waaryaadhahee intaan maqaalkan arkayay wali labadan hablood cidkafiican maan arag talow ma mutacalimiinba,,BURCOGIRL IYO SAAMIYA,,,waliba aan idiinkordhiya fikrada eh ,,,,,,,,,,sh isxaaq iyo sh samaroon iskumaryay wadanka yimaadeen iskumeelna wayku asanyihiin markaa
    lakiin suaashu waxa weeye ISAAQU mataageero buubaa jamacyare ina oomar iyo kuwakale tona lakin samaroon maxay utaageeraan kuwa xagaa kajooga ,,,,,mida kale hada sheekh shiriif muxuu wasiiro usiin waayay samaroon ,,,waxan filayaa samaroon in marka isaaq meeshaa qabsado ay wasiiro badanka helayaa lakiin hawiye waxay yaqaanaan majeerteen mareexaan jareer iyo wixii lamida markaa yaan lacolaysin smaroon iyo isaaq

  2. Saamiya

    Gabadhii Burcaadeey, , walaashay si wanaagsan ayaad dhigtay, ereyadaadana sida aad u afeefatay, mushkilad u arki maayo qaarkood.
    laakiin su’aashu waxay tahay innagu Isaaq ahaan iyo Samaroon ahaan, waxaynnu nahay xaafad xaafad, waxaynnu leenahay siyaasiyiin iyo aqoonyahanno badan oo dunida dacaladeeda iyo dalkaba ku nool.
    Waxay qabai karaan fikrado ay u madaxbannaan yihiin oo ula muuqda tubta toosan ee samaha lagu gaadhi karo.
    Tusaale Ismaaciil Buubbaa, Cusmaan kalluun, Sifir, Maxamuud Jirde, Ina oomaar, kuwaas iyo kuwa lamid ahi oo isku hayb ahi waxay u ololeyaan Somaliwayn qaybna way ka yihiin , ama waslad Quudheed ha qataan ama Waslad Gobeed ha qaataan.

    Odayaashaas afkaatooda hadday qoraan iyo hadday TV ka hadlaanba , Samaroonku shiddo uma arko, iskumana hawlo in uu naqdiyo ama kuma yiraahdo , Waar Isaaq maxaa idin waalay Somailandtan aad xuurtada ku haysataan miyaa idin deeqi wayday iwm.

    dhanka kale , Dr. Dhiirane, Prof Samatars , prof Dogusiye waxay qabaan afkaar taas lamid ah sida maqaalkani Comments laga bixinayaa kamid yahay.

    Marka Walaashaydii caqliga Fayoobaydeey Maxaa kalifaya in la Aflagaadeeyo, ama lagu doodo waxaasi dan idiima aha, Goormuu Samaroonku Safiih taalada loo toosiyo , oo loo sheego halka rayska leh noqday.

    Gobanimadu waxay ku jirtaa isqadarinta, is tixgelinta , qofka oo aan loo yeedhin.

    Ugu danbayn Samaroon iyo Isaaq iyagaa is xiga , waxaan arkayay Arrinttii Ceelbardaale 25 Oday ee dhinaca reer Maxamuud Nuur Ka socday dhammaan waxaa dhalay isaaq, 25 ka socday dhinaca Jibril Abokorna 23 waxaa dhalay Reer Nuur.

    Waa sidaas, waxaan leeyahay Bulshada qolyahani ku abtirsata ( Samaroon Iyo Isaaq) waa looga wacan yahay in ay isku habsaamaan. aakhiro iyo Adduunba.

  3. BurcoGirl

    Saaxiibayaal;
    S/Alaykum, Dhamaan reer Awdal iyo qofkii kale ee socoto ku yimaada HAROWO.com waa salaman tihiin, Salaan kadib, waxaan idinka raaligaliyaa haddii Eray aan qoray QADAF ka yimaado.
    Intaas kadib;

    1. Samaroun Saed waa reer jirra oo muran ma kujirro taas, wixii DAN-ta Samaroun ah xag ayuu u leeyahay ayuu ka tashado, balse waa maxay DAN Samaroun Djabouti iyo Hargeisa ka wayday ee XAMAR u taal?.

    2. ISAAQ colaad SAMAROUN ku midsaysani ma jiraase?, Ku darso oo SANAAG iyo SAHIL iyo GALBEED-ka TOGDHEER, M/weyne Daahir Riyaale 2-dii Doorashaba wuu kaga adkaaday….

    3. Arrinka J/Abokor iyo reer Nuur waa arrin SOKEEYE dadna intii wax wadaagta iyuuba waxna is yeesha, waa wiil iyo Abtigii – WAX iska dhicin iyo wax is taridba waa wadaagaan.

    4. Reer Awdal State waxaan odhan lahaa, Bal inta maanta SAMAROUN shaqaysatay ee Sheekh Goodaad (AHN), Sheekh Abdillahi Sh ALi Jowhar, Xildhibaan A/lahi Dheer, Brof Saleebaan, Muj A/rahman Aw Ali iyo M/W Dahir riyaal soo dhiseen,…………. WAX KU SOO BIIRIYA ama wax dhaama KEENA, ee aan XAMAR dhiso oo AWDAL dab geliyo TALO MAAHA.

    5. Bal waxa ISAAQ MUQDISHO ka waayayo ee SAMAROUN ka helaysaa waa maxay……..? Maantadaa haddii SIILAAYO tago maxay kula tahay inuu helayo?, 22 Sanno ayey labadda prof ee ilma SAMATAR taagnaayeen SHIR kasta ee maxaa xitaa WASIIR loo siin waayey.

    Anigoo idin raali gelinaya EREYGAN, waxay ila tahay In SAMAROUN ka tahay HARGEISA LIBAAX (ASSAD),,, balse DJabouti iyo MUQDISHO waa ka MUKULAAL (BISAD)…

    Samaroun CAQLI iyo AQOON ayaa lagu majiirtaa EE haloo noqdo….. XAMAR Haddii ALLE ka dhigo wayn tegi,,,, EE iska sugga.

  4. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk waxaa layidhi NINKAAD KABO KATOLANAYSID KABIHIISAA LA EEGAA waxaa iswaydiinle sabaroonta madaxwayne somaliyeed lasiinayo hada maa wasiir qudha lasiiyo sh shiriif hada wuxusiiyay wasiirudawle magac uyaal ah markaa ma ninka hada kuquudhsaday ayad ku ordaysaa,,,, waa yaab tasi bal isaaqa eeg somaliya waxykuleeyihiin 3 wasiir iyo gudomiyaha maxkamada sare CAYDIID ILKAXANAF hadana marabno waxaasoodhan lakiin markii riyaale wanagii odhanjirnay waa DHABLIBAAX manta maxaad mujaahidka utaageeriwaydeen ma gun ayaad tihiin mise waxbaad tabanaysaan oo wasiiradaanu idiin kordhinaa ina ismaaciil samatarkan adsheegaysaan waxaa kahoreya nin layidhaahdo MUSA SUUDI YALAXAW,,,,,ooyidhiadeerkabokawayn ayaad xidhantay markaa hakudaalin xagaas nabadey byyyyyyyyyyyyy

  5. Waxaa iswaydiin Mudan Ninka Dhibka lagu sameeyay kadhiidhiyay ee ninkii yiraahda sidaa ima qabato oronaya waa fidno wade isagaa cirka roob ku og, shalay reer waqoyi iyagaa lahaa siyaad barre ayaa nalaayay maantana ninkii doonaya inuu aayihiisa katashado hortaagan waan arki doonaa halkii ay cagodhigato.

  6. waxaad aad u salamaayaa shabakada warbaahinta xorta ah ee harowo.com marka xiga waan u hanbalyaynayaa, intaas kadib mr dhiirane waxa uu soo qoray waa wax loo baahanyahay waanan ku raacsanahay sababtoo ah maanta gadabuursi cadkooda hasoo dhacsadaan, yaana la isku halayn somaliland oo ah meel ama makhaayad aan masaariifta reeraha kala soo baxayno oon ku sugayno dawlad somaliyeed oo cadaalad iyo xaqsoor fiican reer walbana cadkiisa siinaysa.
    marka isaaq maanta xero uu isa siiyay kaligii oo boqol qabiil oon jirin uu la baxay ..waatii 1960 gii mid cusub maaha ee gadabuursi hurdada ka kaca oo meel walba gala shirkaasna waa kii lagu dooran lahaa madaxwayne gadabuursi waayo maanta waxaa la ogaaday maadaama uu daahir rayaale somaliland horumar gaadhsiiyay oo nabadii sugay … somaliyana waan gaadhsiin karnaa meel fiican hadii lagu tashado dadka caqliga u saaxiibkaa ee wanaaga ku dhiirada ee ay ka midyihiin prof. axmed ismaciil iyo cabdi ismaaciil …. wabilahi towfiiq …

  7. asc horta inaadeer aad ayaad ucaqli fiicantay

    raalina ahaw laakin inaadeer ninkan dhiirane layidhahdo dee wax usheeg ee samaroon ayaa xamar faa iido utaalaa leh
    mida kale anigu waxan ahay nin isaaq ah manarab go.itaanka somaliland waxan rabaa federal lakin

    inader inagoo iskudhan inaynu xaqeena doonano ayaa fiican lakiin in qolaba gaar loo shukaan sado mafiicna inagoo iskuduuban inaynu

  8. Hanad

    Inanka Halaag Sheegatayow, Su;aashaada Jawaabteedu waa :- Isaaq waa reer Balaadhan, oo Alhu Sharaf dhammaantii, marka aan ka sooco, kuwa dulsaarka ah ee Haybtooda aan kalsoonida ku qabin, iskuna daya in ay ku xaqiijiyaan Jiritaankooda Aflagaaddo aan buurnayn.

    Midda Jibriil Abokor Waa abtiyaal aan deris nahay, Gaar ahaan haddaan Nahay Reer Maxamuud Nuur.

    Mar mar waa is dilnaa qaybo kamid ah, waana dabiici , ama caadi in la is dilo, lakala guursado. Marka waa dad xalaala waxa na dhexyaallaana waa wax Soomaali oo dhan ka dhex dhaca.

    Kalana Guuri maynno, isna dayn maynno, Taasina Mushkilad ma aha. Waxaanan hambalyaynayaa intooda Samaha ku taagan

  9. isaaqa xalaasha ahi ma jibriil abokor baa

  10. Hanad

    Waa Yaab, Kolka Mid qayilsan oo waladul firaash ahi ku doodo waxbaan Dili.

    Dunidan la joogo , waxaa ka dhamaaday Sheekada Waxbaan Dilli, Ceelbardaale Reer Nuur Faataxo Kuma Joogo.

    Isaaqna sida khibraddu inna bartay waa laba , dad Xalaala oo aan Codkooda Xumaanta la maqal, iyo caruurtii Fucking-ka oo gidaar walba la taagan Foolxumo iyo Cay idayn waxay sugayaan Jinsiyaddooda waxayna u haystaan markasta oo ay aflagaadoodaan in ay tirsan yihiin.

    Marka Waxaannu leenahay Isaaqa Xalaasha ah magaciinna ka dhawrta ku ku aqdaamanaya ee Gidaarada laga urursahy,.

    Waayo afkay ku hadlaanba waa waxbaan dili , waar dab soo hindhisa aydun aragtaane , yaa Abnaa’al Firaash.

  11. kkkkkkkkkkkkkkkk waar huunadii waykibirtay

    markii riyaale laga guulaystay ayaad kibirteen

    waa laydinkarbashi waliba somaliyana matagikartaan

    ceelbardaale ayaad tagikarin ma xamar ayad tagikartaa

  12. waar qabyaalada iska daaya meel idingaynmeysee
    somali wax idinmahayso hadaad kibirtaan waxaanu idika goosan wixii aad samaynjirteen xiligii faqashta

    ileen waanu idin saamaxnaye oo waliba mujaahid

    cabdiraxmaan tolwaa ayaa laydinku samaxaye bal waa kibraysaane hadaanu jibriil abokor ama sacad muuse idinkusiidayno sawkayaacimaysa xataa borama yaa wax idinka celinaya waa kibirteene hadaa waliba iswaashan waalaydin qabqaban maxkamadana walaydingayn madax waynuhunawaa nin mujaahida oo idin og waxaa samayseenkkkkkkkkkkkkkkkkk ISAAQ HANOOLADO

  13. Jaamac

    olyahan somaliland-ta ku waashaynna, ee iyagu la dhacsan kollay waan garan karnaa oo Samaroon ma aha. Samaroonka halkaa joogaana dee wuu u shaqo tegay, Maamuus, iyo Milgo la garan karana kuma haysto.

    Marka

    Hadday dhici waydo, in aad comments gunnimada joojin waydaan , oo aad Sama sheegga diiddaan, waxaan u arkaynnaa Calaamad kale oo wayn oo tusaysa in aad ummad wanaag isku sheegaysa ka bukoonayssaan.
    Markaan Waxaan idin leenahay, Bukaan kiinna ku dhinta, idayn Af waxba nagaga qaadi maysaane.

  14. Jaamac

    Dhhiirane, Mahadsanid.

    Qolyahan somaliland-ta ku waashaynna, ee iyagu la dhacsan kollay waan garan karnaa oo Samaroon ma aha. Samaroonka halkaa joogaana dee wuu u shaqo tegay, Maamuus, iyo Milgo la garan karana kuma haysto.

    Marka Kuwa Comments bixinaya ee Anti-Samaroonka ah , ee Reeraha aan dersika nahay ka soo jeeda, waxaan leenahay , Casharkani cidda isku dhigaysaa waa Samaroone , Fasalka edebdarada ka daaya .

    Hadday dhici waydo, in aad comments gunnimada joojin waydaan , oo aad Sama sheegga diiddaan, waxaan u arkaynnaa Calaamad kale oo wayn oo tusaysa in aad ummad wanaag isku sheegaysa ka bukoonayssaan.
    Markaan Waxaan idin leenahay, Bukaan kiinna ku dhinta, idayn Af waxba nagaga qaadi maysaane.

  15. Faa'iza

    Mohamed Dhiirrane , Inaa Adeer markasta ood Qalinkaaga ku xaragooto, Maskaxdaadana Umadda aad ka dhalatay uga faa’iidayso.

    Runtii Waan ku farxaa, Waxaan ku leeyahay , halkaa kaga wad wax u sheegga Tolkaa iyo Xussuusinta Waayohoogii wanaagsanaa.

    Un baccio

  16. Geelle

    Allay Lehe, Mohmamed Dhiirrane Waa Qoraa iyo lafagure Taariikh yahan ah.

    Waxaan ku raacsanahay Samaroonku inuu wax ka barto Sooyaalkiisii Tariikheed, Dunidanina sida Sunnada Ilaahay tahay 100 sanoba, isbeddel ayaa dhaca, Hadduu Samaroon Xaddaaraddaas Guunka ah lahaan jiray, Geeskan Afrikana Reer Muuqaalle ahaan Jiray,Maanta marka la odorosso waa xilligiisii , sababtoy tahay Boqol sano oo ilduuf iyo khasaara siyaasadeed ah ayuu u soo samray Samaroonku .

    Waxaan Maqaalka Dhiirane ku xoojinayaa waa dhab Maanta Samaroon Waa Chance kii sii, ee haka faa’idaysto, . Waayo Hadda kaddib Samarroon Sallaanka Horumarka ayuu cagta Saarayaa, Dadyow kala Sallaanka Hoos u dhac ay cagta Saarayaan, Waxaana keenaya Dulmiga ay iska qaba waayeen, kibir qooqa, Iyo xattaa In ay Ilaahii sameeyayba Aflagaadeeyeen , .

    Ilaahow inta Samaha Jecel , Wanaagg ugu abaal gud.

  17. waar ninku sheekaxumaa mawadankaad 8 sano hogaminaysay ayaad waxas ugu abaal gudaysaa marki xilkii kadhamaaday RAYAALE

  18. waar ninku sheeka xumaa makaasaa aqoonyahana
    mawadankaad hogaminaysay ayaad marki xilka lagaqaday
    RIYAALE ayaad waxaas ugu abaal gudaysaa

  19. Marka gadabuursi iyo arab xaqooda la simo meeshaa waxa kuu yaala soo sheeg ninkan leh madax Wayne ku xigeenbaan leebagay ma ninka magac u yaalkaa ee maqaska sita ee taladii uu hayn lahaa wasiirkii ka hooseeyay hayo waar cad quudheed lama qaato aakhirana meelatago lehe

  20. kkkkkkkkkkk runtii maqaalkani waa waxlagu qoslo oo cuqdad iyo qabyaladi kabuuxdo reerkana waxan siinayaa xaal runtii reerka GADABUURSI waa reer ad ubalaadhan dhulabadan daga siyaad bare wuu yasay wanu dulmiyay waayo reerka intaa leeg hal wasir uma qalmo waa yasitaan wayo isaaq darood hawiye iyo jareer waxay lahaayeen wasiiro badan xataa OGAADEEN
    oondeegaan lahayn iyo gobol waxaylahayteen wasiirobadan INA CUMARJEES 2 ADAN GABIYAW 3 XAJI MASALE,,, markaa samaron waxay dani ugu jirtaa wa somaliland dawlada sheekh shiriif wasiir kumalaha waxay leeyihiin wasiiru dawle muxu sh shiriif wax usinwayayt haduu sharaf uhayo sl 8 SANO ayay xukumayeen hadan way xumuman dibna way xukumi doonaan lakiin somaliya ayagii ayaa naf isuhayn ee inaga daa saxib ina ismaciil samatar waad maqalaysay sidu muuse suudi ulahadlay lakiin hargaysa wadal kaagii

  21. war wad riyonay naysa

  22. Hazma

    Maxamed Dhiirane, waa qoraa caalimi ah, waxyaabaha uu ka hadlayna waa wada run,

    Mahadsanid

  23. Maxamed Dhiranoow waad fiican tahay, laakiin waxaad meesha ka saartay in Gadabursi lagu soo duulay oo laga adkaaday, awklhtigii ciisaha ee jaamac saylici iyo wakhtigii ay burburtay dawladii soomaaliyeed oo ahayd markii u horaysay ee gadbuiursi laga adkaado lana qabsado Boorame.

    Mida kale Gadabuursi Jabuuti wasiir buu ku leeyahay, Mudishana wasiir buu ku leeyahay, laakiin somaliland madaxweyne ku xigeen iyo wasiiro ayuu ku leeyahay, ma ku doorsan doonaa wasiir ama wasiir ku xigeen.

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH