Harowo.com

Mareykanka iyo Midowga Yurub oo soo faragaliyey arinka Kismaayo
Muqdisho ()Waxaa caawa ku hoyanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose wafdi ka socda Maraykanka iyo Midowga Yurub, kuwaasoo maanta halkaas gaaray.

Wafdiga ayaa la sheegay in markii ay ka dageen garoonka Kismaayo, waxa ay halkaas kulamo kula yeesheen madaxda maamulka Jubbland gaar ahaan madaxweyne ku-xigeenka maamulkaasi, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.

Sidoo kale waxa ay galabta la kulmeen Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo madaxweynaha maamulka Jubbland, laakin wax yaabaha ay ka hadleen lama oga waayo saxaafadda banaanka ay ka joogtay, wuxuuna kulanka ka dhacay garoonka diyaaradaha.

Ammaanka magaalada ayaa caawa aad loo adkeeyay, waxaana magaalada lagu arkayaa ciidamo badan oo gaaf wareegaya in kastoo xaallada magaalada ay tahay mid fiican.

Wafdiga maanta gaaray Kismaayo, waxaa kaloo ku jirra wakiilo ka socda dowladda Shiinaha, waxaana iyaga iyo xubnaha kale ee ka socda Maraykanka iyo Midowga Yurub la sheegay in socdaalkooda uu  la xiriiro qiimeyn ay ku sameynayaan doorashadii lagu doortay madaxweynaha cusub ee Jubaland Axmed Madoobe iyo ku-xigeenkiisa.

Sidoo kale wafdiga inta ay joogaan Kismaayo waxa ay kulamo la qaadan doonaan ergada soo doortay maamulka Jubbland iyagoona qiimeen doona xaaladda guud ee magaalada Kismaayo iyo sida ay suurtagal u tahay in mashaariic horumineed oo la xiriirta xagga aadanaha laga hirgeliyo gobalka Jubbada Hoose.

Waa markii ugu horreysay oo magaalada Kismaayo ay tagaan wafdi ka socda Maraykanka, Midowga Yurub iyo Shiinaha.

Taariikhda Waayaha Iyo Noloshii Aadan Ahmed Diiriye Oo Ka Mid Ah Lodkii U Horreeyey Ee 1950kii Galley Dugsigii Camuud. Qeybtii 5aad, By: Abdirisaq Mohamed Barkhad.
S. Markii aad dhammeysatey saddexdii billood ee aad Xalane ku jirtey maxaa dhacey?

J. Runtii waxa aan filayey in aan ku noqonayo shaqadeydii laakiin taasi ma dhicin waayo markii aan ka soo baxey Xalane waxa uu Siyaad Barre igu amrey in aan ka hawl galo mashruucii Bacaad Celinta.

S. Sidee ayey kuula muuqatey arrintaasi?

J. Magacaabistaasi way ii cuntami waydey waxaanan go’aansadey in aan xilkaas cusub iska casilo waannan iska casiley.

S. Markaas kadib maxaa kuu xigey?

J. Waxaa ii xigey cahdi iyo balan aan nafteyda u qaadey oo ah in aannan neefsan hawo uu xukumo Maxamed Siyaad Barre.

S. Go’aankaas aad qaadatey ma ka cabsi qabtey in uu kuu horseedo dhibaato kaaga timmaada dhinaca masuuliyiintii Tawrada?

J. Haddii lagu ciyaaro rajada iyo nolosha mustaqbalkaaga dhibaato kaste oo ku soo gaadha kuma cabsi galin karto.

S. Maadaama aad diblamaasiyadda dibadda ee Soomaaliya muddo dheer aad ka soo shaqeyneysay markii aad shaqadda ka tagtey wax xaq iyo xuquuq ah ma waydiisatey dawladii Kacaanka.

J. Wakhtigaas aan iska casiley shaqaddiis Bacaad Celinta ee uu Siyaad Barre ii magacaabey waxa Wasaarada Arrimaha Dibadda joogey oo Wasiir ka ahaa Cumar Carte Qaalib markaa wax ku sahabsan xaq iyo xuquuq toona maan waydiisan laakiin waxaan kaga dhabeeyey balan qaadkii aan nafteyda u qaadey ee ahaa in aannan neefsan hawo uu xukumo Siyaad Barre sidaas darteed waxaan dabayaaqadda sannadkii 1974kii gudo galey in aan ka tabaabusheyso gudaha dalka si aan ugu baxo dibadda.

S. Markaa ma waxa aad rabtey in aad dhuumasho ku baxdo?

J. Berigii dhuumashada lagu bixi jirey waxa ay ahayd wakhtigii Jabhaduhu billaabeen laakiin Anigu waxaan rabbey in aan si xor ah ku baxo haddiiba la i weydiiyo ujeeddada aan u baxayana waan sheegi lahaa in aan mustaqbal iyo rajo ka raadinayo dalka dibadiisa.

S. Markaas Adigu ma Kacaan diid baad ahayd?

J. Kacaankii Soomaaliya sawdigaa arkaya sidda uu maanta dalkii u burburiyey dadkiina maddaxa isugu xidhey.

S. Waayahay bixitaankii dalku ma kuu suurto gashey?

J. Haa waa ii suurto gashey oo bishii December sannadkii 1974kii ayaan u duuley dalka Imaaraadka Carabta halkaas waxa aan joogey lix billood kadibna waxa aan bartamaha sannadkii 1975kii u wareegay wadanka Sucuudi Carabiya oo aan muddo dheer ku noolaa.

S. Maxaad ka qabban jirtey wadankaas?

J. Wax yar Aniga oo jooga wadankaas Sucuudi Carabiya ayaa waxa aan shaqo ka hellay Shirkad weyn oo la odhan jirey Saudi Chemical Company waxaana Shirkada laga lahaa dalka Sweden laakiin sannad kadib oo ku beegan 1976kii waxaan u wareegay oo aan shaqo kale ka hellay Bangiga weyn ee Riyad Bank oo ku yaalla dalka Sucuudiga, shaqadaas oo aan joogey illaa iyo markii aan soo galayey Qaarada Yurub.

S. Bal ka waran shaqadaas dambe iyo shaqooyinkii hore ee aad soo qabatey?

J. Horta marka aad aqoontaada ugu addeegeyso dadka iyo dalkaaga wax ka sharaf badan ma leh laakiin marka maamulka dawladeed ee meesha joogaa kuu dhiibo shaqo aan taadii ahayn aqoontaaduna wax qabban mayso, Adiguna niyad ahaan kuma shaqeyn kartid habase yeeshee marka aan is bar bar dhig ku sammeeyo Aniga waxa boqolkiiba boqol iiga mishaar badnayd shaqadan dambe ee aan joogey Bangiga Riyad Bank.

S. Waxaad soo sheegtay in aannad neefsan hawo Siyaad Barre xukumo sidaas darteed ma ka dhabeysay balan qaadkaas mise fasaxyada waxaad tagi jirtey dalka Soomaaliya?

J. Oofinta balanta ee aad la gasho naftaada amma bani’aadamka waa wax weyn, markaa balantii aan u qaadey nafteyda waan oofiyey.

S. Wakhtiyada fasaxa halkeed tagi jirtey?

J. Fasaxa waxaan tagi jirey dalka Jabuuti laakiin inta badan waxa aan u bixi jirey wadanka Hindiya oo reerka iyo caruurteyduba wax ka baran jireen.

S. Goorma ayaad ku laabatey dalkii?

J. Markii dawladii Siyaad Barre dhacdey waa kii dalku burburey markaa waxa aan dib ugu laabtey sannadkii 1994kii sidoo kale waxa aan tagey mar labbaad oo ku beegan sannadkii 1996kii.

S. Halkee ayaad tagtay labbadaas jeer?

J. Magaalada Borama ee xarunta u ah gobolka Awdal baan tagey.

S. Goorma ayaad soo gashey Qaaradan Yurub?

J. Qaaradan Yurub gaar ahaan dalkan Britain ee aan ku noolahay, waxa aan soo galey sannadkii 1997kii illaa iyo immikana waxaan u deganahay si rasmi ah.

S. Muddadii aad joogtey Yurub ma ku noqotey dhulkii Hooyo.

J. Haa waan ku laabtey oo tiraba labbo jeer baan tagey.

S. Maxey kala ahaayeen labbaas jeer?

J. Waxa ay kala ahaayeen sannadkii 2000 iyo 2005.

S. Maadaama aad markii u horreysay dalka dibadiisa u soo dhooftey sannadkii 1961kii illaa haddana aad wali joogto ma la odhan karaa waxa aad qurbaha joogtey muddo 52 sanno ah.

J. Waa dhab taasi laakiin waxaan kuu sheegayaa tallaabada Illaahey baa tirsan oo qofna ma garan karo meesha uu ku noolaan doonno oo doorashada Illaahey baa iska leh waxaanan isaga ka baryeynaa in uu khaatumada khayr inooga dhigo.

S. Waayahay Aadan Ahmed maxaad jeceshahay in aad ku soo gunnaanado wareysigeena?

J. Marka hore Adiga ayaan aad kuugu mahadcelinayaa, marka xigana waxaan salaamayaa inta wareysigan dhageysaneysa amma akhrisaneysa waxaanan ummadda reer Somaliland ku waaninayaa oo aan ku dardaarayaa in Qabyaalada laga fogaado oo dadku ay walaalo wadda noqdaan, berigii hore Qabyaaladu siddan ay maanta tahay ma ahayn, tusaale ahaan wakhtiyadii hore meel kaste oo aan Anigu tago bariga illaa galbeedka Somaliland waxa aan wadda nooleyn dadkii aan isku Lodka ahayn oo reer walba leh markaas waxa aan ummadda reer Somaliland ku baraarujinayaa in dhaqankaas wannaagsan la soo celiyo oo laga wadda shaqeeyo harumarka dadka iyo dalka.

Dhammaad.

Abdirisaq Mohamed Barkhad

E- mail: rasiiqi07@hotmail.com

Gadabuursi iyo Harti hoosteennaan keennay hubkiina waan ka dhignay waxa inaga dhimani waa aqoonsi. Dhagarqabe Xasan Ciise
Xasan Ciise oo ka mid ah siyaasiyiinta Hargeysa ayaa ka hadlay Radio Hargeysa isagoo ka warbxiyay marxaladihii Somaliland soo martay,Xasan Oo hadalkiisa ku bilaabay.

:Maanta waxaa ii guul ah in aan anigoo nool soo gaadho guusha iyo xoriyada aynu haysano,22sano kadib,Dalkani qosol iyo farxad xoriyadiisa laguma keenin,dagaal iyo dhiig baan ku keenay. Waad ogtihiin burburkii iyo dhimashadii loo soo maray,ujeedadii Snm ayay ahayd in laga xoroobo dhiigmiiratadii Somaliya ee taliskii Siyaad Bare. Waad ogtihiin walaalayaal jihaadkeenii inuu guulaystay isla markaana aynu ka adkaanay cadowgii milaterigiisiina jabinay SNM na xoraysay dalka.

Waxaa la soo wada maray marxalado kala duwan waad ogaydeen shirkii Burco ee gooni isku taaga Somaliland lagu goostay,waxaa muhiim ah inaan bildhaamiyo in qabiiladii darifyada ee cadowga ahaa lagu jabiyay dagaalka isla markaana SNM soo fadhiisisay shirkii Burco markaana sida aduunka ka dhacda marka jabhadi guulaysato waa la,isku wada dhiibaa markaasi jabhadaasi ama way gumaadaa ama way saamaxdaa oo hoosteeda ayay keentaa. Walaalayaal beelaha cadowga ka mid ahaa ee la saftay Siyaad Barre markii SNM shirtay waxaan go,aaminay in la cafiyo hubkana laga dhigo maamulka aanu samaynana iyagoo SNM hoos tagaya wax laga siiyo. Sidaasi baan ku balaadhinay Golihii guurtida SNM oo beelihii kalena lagaga soo daray barlamankiina aan qabiiladii kale wax lagaga soo daray. Maanta waxa kaliya ee inaga maqani waa aqoonsi

Radio Hargeysa

SIDEED U ARAGTAA HADALKA ODEYGAN OO MAAMULKII SNM EE 1991KII BURCO LAGU SAMEEYAY M/WYNEXIGEEN KA AHAA?

Ma qabtaa in beelaha darifyada la qabsaday oo illaa imika xoog lagu haysto mise waxad aaminsantahay in la heshiiyay oo dawlad la wada leeyahay la wada dhistay?

Haddii beesha Isaaq sidaa aaminstahay oo ay diwaanada ugu qoranyihiin, taariikhda Somaliland-na ay ka mid tahay in lagu cafiyay oo wixii laguu garto uun lagu siiyo ma kasii mid ahaan kartaa maamulkooda?

Haddii  aad maanta xaqiiqda ogaatay maxaad yeelaysaa?

Hubka iyo dhaqaalaha in lagaa ilaaliyo maanta ma kuu caddaatay, in aqoonsi lagugu gaadhayo ma ogaatay?

Reer Awdal xageey ka keeneen sheekada tidhaahda Somaliland anagaa dhallay iyo anagaa dhsinay !!!  Xataa kuma jiraan kuwii saxeexay gooni isku taaga SL.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA OO KUSOO DIR     Harowonews@gmail.com

Halkan Ka Daawo Heesta Beelaha Reer Waqooyiga(USP)

MAXAAD KA OGTAHAY 17 ODAY EE SAXEEXAY GOONI ISTAAGII S/Land 1991 ee shirkii Burco.
Sida ay sheegayso warbixintan hoos ku qorani oo ku soo baxday Shabakadda Qaran News.

Waxa saxeexay gooni ustaaga Goobolada Woqooyi ee shirkii Burco 1991 kaliya xubno ka tirasan guurtidii SNM oo dhamaantood ka soo jeeda beesha Dhexe .Waxa weheliyey kaliya Garaad Cabdi Qani oo dhulbahante ah oo isna ka tirsanaa guurtida SNM.

In badan aya laga dooday inan go,aanaakaas goosahada aan loo dhanayn ee laga dhawaaqay shirkii Burco ee ku sabsanaa goosahada gobolada woqooyi ka dib burburkii dawladii dhexe ee Somalia.

Inkanstoo sida an wararka ku hayno ay joogeen madasha shirku ka dhacayey  odayal ka yimid  Awdal oo isugu jira cuqaal iyo saladiinba la yaqaan ,hadana kama ay qayb qaadan saxeexa sida ku cad dokumantagan.Sida aan waraka ku hayno saladiinta iyo waxgaradka shirkas ka qaatay waxa ka mid ahaa Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jowhar ,Suldaan Guray Nour ,Suldan suleyman Cali ,Suldaan sheekh Muse Godaad,Suldaan Maxamed Jaamac Samater ,Xaaji Abubakar iyo Xaaji Dahir Aw cilmi iyo Abwaan Xasan sheekh muumin iwm.Ragas oo dhan midna ka mid maaha saxeexayasha go,aanki gooni isutagga shirkii burco ee 1991.

Shaki kuma jiro inay Saladiinta iyo cuqaasha reer Awdal  shirkaas talooyin ka dhiibteen ku sabsan dhinaca amniga iyo in dadka walaalaha ah la isku soo dhaweeyo ,maamul iyo kala dambayn la sameeyo si amanka loo xasiliyo oo la soo afjaro dagaladii sokeeye iyo burburkii soo gaadhay dadweynaha ku dhaqan gobolada Woqqoyi.Hase yeeshee odayaasha Reer Awdal ma aha saxeexayashii go,aankas gooni isu taaga ee gobolada woqooyi ee loo bixiyey S/Land 1991.Sidaa awgeed hadii la doonayo in go,aankaasi sharci noqdo waxa haboon in shir kale ay isugu yimadan qaybaha bulshada ku dhaqan gobolada woqooyi oo ay dood ka yeeshan go,aankas.Hadii markas ay isku racaan goosaho wa inay wada saxeexaan dhamantood Bari ila Galbeed.

Halkan hoose ka akhri

Akhristeyaal iyada oo todobaadkani ay ahayd sannad-guuradii laba iyo labaatanaad ee la soo noqoshada Qarannimada Somaliland, waxa aynu maanta xusuusta dib ugu celinaynaa taariikh muhiim ah iyo magaalada Burco 18/May/1991-kii oo ahayd kolkii lagu dhawaaqay madax-bannaanida iyo gooni-isu-taagga aynu hadda hadhsanayno, iyada oo dulucdu tahay inaynu iftiiminno ciddii furaha u ahayd go’aanka maalintan iyada ah loo dabbaal-degayo.

Markii Somaliland laga saaray Ciidammadii dawladda Soomaaliya waxa shirar nabadayneed lagu qabtay Gobollada Awdal, Saaxil iyo Hargeysa, iyadoo ugu dambayntii lagu ballamay in Burco lagu qabto shir magaciisu yahay Shirkii Guurtida, Shirka Walaalaynta Beelaha Woqooyi, kaas oo qabsoomay muddadii u dhaxaysay 27/Abril/1991-05/June/1991-kii, waxaanu ahaa mid gaar u ah Guurtida SNM oo lagu dhisay shirwweynihii Lixaad ee SNM, Balligubadle, 1990-kii, oo lagu kordhiyay xubno ka socda Gobollada Awdal, Sanaag-bari iyo Sool. Waxa shir-guddoon ahaa Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf Sheekh Madar. Gebagebadii shirkan waxa ka soo baxay lix qodob oo kala ahaa:

1. In Woqooyi gaar isu taago oo aan la raacin Koonfur

2. In lagu dhaqmo shareecada Islaamka

3. In la sugo nabadgelyada Woqooyi

4. In si dhakhso ah loo dhiso dawlad Woqooyi

5. In golayaasha ururka iyo dawladda si caddaalad ah loogu qaybiyo Beelaha Woqooyi

6. Arrinta nabadgelyada Sanaag in si gaar ah wax looga qabto, loona saaro guddi gaar ah.

Magacyadii Guurtida saxeexday gooni-isu-taagga Somaliland ee ku qornayd warqaddii xambaarsanayd go’aanka la soo noqoshada madax-bannaanida waddanku waxay kala ahaayeen toddoba iyo toban qof oo uu weheliyo Xoghayihii Shirku, kuwaas oo kala ahaa

Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf Sheekh Madar, Guddoomiye

Suldaan Maxamed Suldaan Faarax

Suldaan Cabdi Sheekh Maxamed

Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir

Suldaan Yuusuf Suldaan Xirsi

Suldaan Saxardiid Suldaan Diiriye

Suldaan Ismaaciil Muuse

Suldaan Rashiid Suldaan Cali

Suldaan Ismaaciil Suldaan Maxamuud

Axmed Sheekh Saalax

Sheekh Daahir Xaaji Xasan

Axmed Xirsi Cawl

Suldaan Maxamed Jaamac

Xasan Cumar Samatar

Maxamed Warsame Shiil

Garaad C/Qani Garaad Jaamac iyo

Suldaan Cali Muuse iyo

Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Baradho) oo ahaa Xoghayaha Shirkaasi

Markii ergada shirka Burco uu Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Baradho) oo ahaa xoghaya shirku u akhriyay natiijada shirka madax-dhaqameedka, waxa ay mujaahidiintu soo jeedisay qodob toddobaad oo ah: In mujaahidiinta SNM la siiyo mudnaanta xagga shaqada, kaas oo la oggolaaday.

Waxa isaguna qabsoomay Shirkii Golaha Dhexe ee SNM, waxa la soo hordhigay go’aamadii shirka Guurtida, waxa Golaha dhexe culays lagu saaray in ay ansixiyaan go’aamada ka soo baxay Guurtida, gaar ahaan qodobka madax-bannaanida Somaliland, sidaas ayuu Cabdiraxmaan Axmed Cali “Tuur” ugu dhawaaqay la soo noqoshada xorriyaddii Somaliland ay Ingiriiska ka qaadatay 26/Juun/1960-kii. Waxa lala oogsaday sacab iyo mashxarad. Si weyn ayaa loogu diirsaday xorriyada kow iyo soddon kaddib la helay. Rasaastii farxadda awgeed meelaha qaar cirka loo ganayay ayaa sababtay in ay waxyeello ka soo gaadho dabaal-degayaasha.

Go’aannada ugu waawayn ee shirkaas ka soo baxay waxa ka mid ahaa

1. In guddoomiyeha SNM noqdo madaxweynaha Somaliland, Guddoomiye-ku-xigeenka SNM-na noqdo Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, xilkana ay hayaan muddo laba sanno oo kala guur ah

2. In muddaddaa labada sanno ah lagu diyaariyo dastuur afti lagu ansixiyo.

3. In Golihii dhexe ee SNM oo lagu kordhiyay xubno ka soo jeeda beelihii aan SNM ahayni noqdo Golaha Cusub ee Wakiillada Somaliland muddadaa labada sanno ah.

4. Waxa kal-fadhigii 2aad oggolaaday Golihii Wasiirrada ee Madaxweynuhu soo hordhigay.

Xus: Waxa aannu maqaalkan ka soo xigannay Buugga The Search For Peace oo ay soo wada saareen APD, Interpeace iyo Diiwaanka Dhaxal-reeb Horaad ee uu qoray Boobe Yuusuf Ducaale… Lifaaqa warqaddaasna ka eega cadadka dambe haddii Alle idmo.

Qarannews

QADIYADA GOONI-ISU-TAAGA SOMALILAND IYO CAQABADAHA DHABTA AH EE HORYAALLA (Qeybtii: 1-aad)
QADIYADA GOONI-ISU-TAAGA SOMALILAND IYO CAQABADAHA DHABTA AH EE HORYAALLA (Qeybtii: 1-aad)

Soomaaliya Soomaali Baa Leh

Midkii Kala Saar Lahoow

Midkii Kala Sooc wadoow

Midkii Si Xun U Fekeroow

Sareeda Hadeey Ku Waarto

Hadii Silac Iyo Dhib Gaaro

Samaanteed Iyo Xumaanteed

Soomaliya Soomaali Baa leh

HORDHAC/GOGOL-DHIG

Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Aqristaha sharafta badanoow, bal aan ku horeeyo’e, Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya waxaa daga dad walaalo Soomaaliyeed ah, Dhaqan, Diin, Luqad, Dad iyo Dalba aan wadaagno.Waa meelaha ugu nabada roonaa burburkii dalka kadib. In bandan oo Soomali ahna eey u hayaameen, kuna badbaadeen. Waa meelo ugu yaraan madaxdu xukunka isuku wareejineeysey iyadoo aan xabada la isa surin. Waxaa ka jira Maamul mudo soo jirey oo wanaagiisa iyo dhaliishiisaba leh, balse shaqeeya oo umad badani dugsato. Hadaan sookoobo, waxaa ka jira Gobolladaa Waqooyi ee Soomaaliya, in badan oo wanaag ah, oo eey tahay in aan ugu hambalyeeyno walaalahaa, Allaahna uga barino in uu ubarakeeyo, ileyn waa walaalo Soomaaliyeede oo wanaag dhamaan aan la jecelnahaye.

Balse mushkilada ugu weyn ee Gobolladaa ka jirta ayaa ah “Kala Goynta Dalkeena Hooyo”, ama waxa loogu yeero, “Gooni-Isu-Taag”, Cadaalad darro iyo “Sad-Bursi” baahsan oo gobolladaa ka jira. Hadaan toos u galo qormada, aqristoow waxaan ku jirnaa 2013, xaqiiqdiina Gobollada Waqooyi ee Soomaliya isbadal aad u xoog badan ayaa ka dhacay, maadaama iyadoo isbadalkaa xaqiiqiga ah ee aan la inkiri karin uu ka jiro Waqooyi ayaa “18-May” waxaa si gaar ah muhiimad dabaaldageed usiiyey “Qeyb gaar ah” oo ka mid ah walaalaha Reer Waqooyi la isku yiraahdo, ee waqooyiga wada daga gobolladaas, sidaa daraadeed waxaan is iri bal qormadan ka samee, ee Akhirtoow kusoo dhowoow dhuuxa qormadii adigoo mahadsan.

Waxaan rabaa in aan qaab Mandiq/Logic ama caqliyeysan oo cidkastoo caadifad ka fogi eey caqli nadiif ah ku garankarto, ee bal aan su’aalo iga dhex guuxayaahi idinla wadaago aqristayaashoow. Aan ku bilaabo’e, Dhulka Soomaaliyeed ee Gobollada Waqooyi waxaa wada daga Beelo dhowr ah (Isaaq/Beesha Dhexe, Dhulbahante, Samaroon/Gadabiirsi, Warsangali, Ciise, Gabooyo, iyo Faqashinni) oo Gumeystihii Ingiriisku uu midba si gaar ah/gooni-gooni ah heshiis ula galay, marka laga reebo Beesha Dhulbahante oo iyadu aan heshiis la galin Gumeeystaha.

Ma aaney jirin wax isku duuban oo ka maamul ahaan uu Ingiriisku heshiis ula galey. Magaca hada Gobollaa Waqooyi loogu yeerana waa mid uu Ingiriisku iskii ula baxey, micnahuna uu ahaa oo kaliya: “Dhulkii Soomaaliyeed ee Gumeystaha Ingiriisku Gumeysanjirey”, sidaa daraadeed, Hadii Beelihii dhamaan marka laga reebo Hal beel, “Beesha Dhexe”, oo iyadu danteeda u gaarka ah darteed Ictiraaf u raadsaneeyso, macquul ma noqoneeysaa iyadoo Beelihii kale ee gobolka la wada daganaa wada diidanyihiin in Aqoonsigaa la helo? Oo waliba waxa diidanna eey yihiin Odayaashii dhaqanka oo dhan, Aqoonyahankii, Siyaasiyiintii ugu caansaneyd iyo dhamaan Indheer-Garadkii Beelaha kale oo mideysan, kaba sii darane gobollada qaarna hadadan la taaganyahay eey xabbadu ka socoto, oo Nabadiiba gobolku ku caanka ahaa aaneyba maanta meesha oolin. Hadiise xaqiiqdu sidaa tahay, soow Xaalka dhabta ah ee “Ictiraaf” noqon maayo mid dhalanteed aan muran ka taagneeyn ah, iyo laablakac iska caadifadeed? Ileyn caalamku wuu garankaraa in “Hal Beeli” aaney dowlad noqon karine, iyadoo Aduunweynuhu uu waliba ka cabsi qabo in Beel kastaahi ee Soomaaliyeed iyana “Gooni-Isu-Taag” ku dhawaaqdo, oo kumanaan dowlado Soomaaliya ka wada dhexjira xaalku isu wada badalo, oo Albaabkii eey ku bilaabanlaheyd mushkiladaana fure u noqoto, taasoo cawaaqib xumadeena aaneey Soomaaliya oo kaliya ku ekaan doonine, u gudbidoonta Qoowmiyadaha faraha badan ee kala duwan ee dhamaan simideeysan ugu wada nool wadamada Deriska la ah Soomaaliya, iyo waliba guud ahaan kuwa geeska Afrika?

Caalamku wuxuu jawaab maqcuul ah u la’yahay sababta iyo logic-ga “Gooni-Isu-Taagan!” iyo “Ictiraf Raadintan!” Ma waa la ina laayeybaa? Ma cadaalad darro ayaan Soomaalida Koofureed katirsaneynaa baa? Ma kala Diin, Dhaqan, Luqad, Isir iyo Midab beynu nahay baa? Aan ku horeeye’e caalamku wuu ka dharagsanyahay in aan isku wada Diin, xitaa Mad-had, Dhaqan, Luqad, Isir iyo Midaba wada nahay, taasoo ah mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee “Gooni-Isu-Taaga”.

Hadiise xaalku Maamulbaa ina laayey tahayna, caalamku wuxuu taaganyahay Maamulkii dhibkaa geeystey wuu tagey, waliba waxaa la dagaaley Soomali oo dhan, isla Soomaalida Koofureed ayaa ridey, ee Waqooyi Madaxtooyada Muqdisho ma aaney ugu tagin, iyagaa Koonfureed ayuu laayey, oo cidkastoo maamulkaa mucaarada ayuu la dagaalamayey, waliba dadkii dad ugu dhawaa ayuu laayey, sida Beelihii Jabhadii ugu horeeysey ku aasaasey ee SSDF, iyo kuwii ku xigey sida: USC, SDM iwm. Caalamku wuxuu la yaabanyahay, hadii shalay “Beesha Dhexe” ee walaalaha waqooyi eey laheyd Maamulkii Millatarigii ayaa beel ahaan inoola dagaaley oo ina xasuuqey-Ileeyn waqooyi iyo koofur cidi uma aaney dagaaline-, soow xaqiiqdu ma aha in waxaa ka dhacay gobolladaa waqooyi eey ahaayeen laba Xasuuq: 1-Mid waxaa geeystey Dowladii Milletery-ga, oo eey shacab badan iyo Jabhadii hubeysneyd ee SNM ee “Beesha Dhexe” qeybo ka mid ah eey ku dhinteen, kadib markii dagaalku magaalooyinka noqdey, oo Jabhadu magaalooyinka soo dhex gashey, oo xaalku noqdey in shacabka lagu dhex dagaalo, taasoo sababtey in eey dhacaan qaladaad iyo gafaf badan oo xaqiiqdii dowladaa Millatery-ga ee markaa jirtey eey gashey, gaar ahaan isticmaalkii diyaaradaha IWM.

Qofkastoo Muslim ahna Maras dilkood ma ogolaankaro, kaba sii daran walaalo Soomaaliyeed’e. Balse waxaan dadka badanaa aan loo sheegin, in badanna ka qarsoon, da’yartuba ha u badnaatee, in uu jirey xasuuq kale oo isla Gobolladaa Waqooyi ka dhacay, midkan dambe waxaa geeystey Maleeshiyadii Jabhadii SNM, oo xasuuqdey Qaxootigii Galinka 5-aad ee “Ogaadeeniya” kasoo qaxey, oo dowladii Millitery-ga eey dajiyey Gobollada wooyi, maadaama eey aad ugu dhaweyd masaafo ahaan, iyadoo Jabhada SNM eey Gobollda waqooyi ku shaacisey in Dadkan aaney qoxooti aheyne dad dhulkan in eey idinkala wareegaan loo keeney yihiin.

Nasiib darada kaloo jirtey ayaa waxeey iyana aheyn in Dowladii Millitery-ga hubeysey qeybo xaqootigaa ka mid ahaa oo dagaalkana galisey. Khubarada qaar waxeey leeyihiin nasiib darro! Qaxootigii dhowrka Boqol oo qoys ahaa wax ka fakadeyba weey yaryihiin, oo qoysas dhan ayaa sidooda u go’ay, oo dhagta dhiiga si wadareed ah loogu darey iyagoo isugu jire Maras/Maato iyo Rag nuuckastaba leh, oo lafaha hey’ada caalamiga loosoo bandhigo inbadan oo ka mid ah waa qaxootigaas ayey leeyihiin, oo waxaa looga faa’ideeystaa, laba arin: A- Kuwii laayey ayaa joogaa oo garanaya meelihii eey ku xasuuqeen Maatidaa, B-lafahaa gaalada la tusayo, isma sheegayaan Reeraha eey u dhasheen, marka waa lagu badsankarayaa, si dareenkooda loo gilgilo, looguna sii xoojiyo qadiyada “Gooni-Isu-Taaga”.

Nasiib darada ugu weynse waa in Maanta iyadoo “Beesha Dhexe” wadata hubkii eey ka heshey Dowladii Millatery-gii Siyaad Barre, hubkii Ethiopia eey siiyey, iyo iyadoo isticmaaleeysa awood dhan ee maamul, hadii eey ku leeyneeyso Shacab isugu jira Caruur, Ciroole iyo guud ahaan Marastaa Biri-Mageeydada ah, kuwaasoo kasoo wadajeeda isla Beelaha Waqooyiga wax ka dagan, sababtuna tahay oo kaliya in eey diideen wax la dhoho “Gooni-Isu-Taag”, iyo in eey Maamul ka ahaadaan Raaciyeyaal oo kaliye, sidaa daraadeedna ku dhawaaqey in eey rabaan Midnimada walaalahooda Soomaaliyeed, iyagoo sida lawada ogyahayna halgan dheer oo taariikhi ah usoo marey u dagaalankii Soomaalinimo ee lagula dagaalamayey Gumeysigii Ingiriiska, rag badana hore ugu waayey, sidaa daraadeedna diidan in eey Taariikhdaa dheer ee Gobanimo-Doon eey maanta ka talaabsadaan, oo “Hal Bacaad lagu lisey” kasoo qaadaan. Xaqiiduse soow noqonmeeyso aqristow, in marka aad “Inaga” abuurto, aad sidoo kale qaab automatic ah u abuurtey, “Iyaga”. Xaqa aad u leedahay in aad cid baan ka go’ay u tiraahdana, soow cidkastaahina xaq uguma laha in eey adigana kaasii go’do?

Wuxuu caalamku sidoo kale leeyahay, hadii shalay cadaalad daro eey “Beesha Dhexe” ee walaalaha Reer Waqooyi ka tirsaneeysey Soomaalida inteeda kale, bal kawaran hadii isla iyadii eey kula dhaqmeysey waqtigii xoriyada Ingiriiska gobollada waqooyi ka qaadan rabeen, ee marka laga reebo sadex waziir maahane Jagooyinkii kaloo dhan “Beesha Dhexe” isku wada qaadatey. Nasiibdarona! Illaa iyo maantana kula dhaqmeeysa Beelaha kalee ladagan Gobollada Waqooyi, cadaalad daradii oo aaney waxba iska bedelin.

Video-ga Linkiga hoose waxaad ku arkeeygaa wareysigii Cali Saciid Xasan uu la yeelanayo Saraakiil kasoo wadajeeda Gobollada waqooyi Gaar ahaan Beelaha Samaroon/Gadabuursi, kala ah: Sareeye Guuto Yuusuf Talacle, Gaashaanle Sare Eng. Maxamed Mayrane Warsame, G/Sare Maxmad Nuur Faahiye, G/Sare Maxamed oo ahaa Gudoomiyihii Jabhaddii SDA, iyo Eng. Cumar C/llahi Handi, wareeysigaa uu kula yeeshay Farjano 11-kii Bishii Febraayo 1991. Gaashaanle Sare Eng. Maxamed Mayrane Warsame Wuxuuna yiri: “1959-kii Ingiriisku markuu Gobollada Waqooyi ka baxayey, wuxuu sameeyey wax la magacbaxey, “Shadow Ministers” oo 9-Bilood jirayey, Xisbigii Markaa jirey ee SNL ahaa oo “Beesha Dhexe” eey ugu badnaayeen, ayaa maadaama dadka Waqooyi wada xamaasadeeysnaayeen oo xoriyad loo dagaalayey bal loo dhiibey oo qeybiya la yiri, Nasiib darro! Ummadii kale oo dhan ayey ka sadbursadeen. Gobolka Owdal, oo markaa la dhihi jirey District Borama, waxaa laga siiyey Hal waziir, laascaanood waxaa laga siyey ma garanayo Hal mise Laba waziir, intii kaloo dhanna waxaa qaatey “Beesha Dhexe”. Nasiirdarro! Siyaasi weyn oo kasoo jeedey isla Beeshaa, Waqooyigana caan ka ahaa, lana wada garanayo ayaa yiri, “Ma jilibkeeyga oo aan waziir helin ayaa reer Awdal waziir helikaraan, sidii ayaa kiina looga qaadey Reer Awdal”, Markaa ayey beelihii kaloo dhan ugu wada dhibicdey in cadaalad daro iyo Sad-Bursi xaalku aanu ka baxeeynin, waliba markaa SNL oo beeshaa u badneyd, Ingiriiskuna uu aad u taageerayey, waxeey doonayaan “Federation”, ama in “Dowlad Gaar” ah la noqdo, oo iskubiirid marna ma aaneey rabin. Markaa Beelihii kale oo ka dharagsanaa in waxa kaliya ee xaqooda eey ku helikaraan eey tahay in la raadiyo Jamhuuriyad Soomaliweyn, si qeybtooda eey u helaan, oo waqooyiga aan loogu Dominate-gareyn, ayaa waxa eey Beelihii kale bilaabeen in eey sameeystaan Xirbigii Siyaasiga ahaa ee la dhihi jirey, “USP-United Somali Party” ula jeedadiisuna aheyd in aan waqooyi gooni isu taagin, ama Federalism aanan lagu maquunin beelaha kale, balse walaalaha Koonfur iyo Waqooyi la isku daro.

Doorashadii markii la galey, “Absolute Majority” weey heliweeysey “Beesha Dhexe” oo markaa wadatey urukii SNL, waxaana lagu qasbanaadey in Soomaaliweyn lagu darsoomo oo la raaco, maadaama aan inagu sidaa u ololeeyneeyney, Cigaalna rajo uu ka qabey in uu Ra’isulwazaare helayo haduu Madaxweyne waayo. Taas aad ayeey uga xumaadeen ururkii SNL, waxaana markaa la isku heeystey nin diidan in la yaso, oo hala ilatashado si cadaalad ahna aan waxkasta u qeeybsanno taagnaa iyo nin diidanaa. Hadadan oo 1991-kii aan joognana waxaa la ina leeyahay laba Xaaji Qamsiin ayaa ku filan oo lasoo saarayaa dhamaantood”

Akhiristoow, soow maantana isla tii uun waxa taagan ma aha, ileyn waxa keeney in eey Beelaha kale waqooyi wax kadaga in eey sameeystaan, maamul Goboleedyada kala ah: Awdal State of Somalia, Khaatuma State of Somalia, iyo Maakhir State of Somalia, kadib markii sidii horeba caadadu aheyn, “Beesha Dhexe” is laheysiiyey Jagooyinkii ugu sareeyey maamulka oo dhan, sida: Madaxweynihii, Hogaamiyeyaashii dhamaan Sadexda Urur ee ugu waaweyn ee Mucaaradka, (ileyn sadexdaa urur ee waaweyn hogaankooda ayaa uun fursad Madaxweynenimo heli kara’e) iyo xitaa dhamaan ururada kee jiraba, Bal u fiirso Deegaanada maamulka Gobollda Waqooyi waxaa 28/11/2012 laga qabtay doorashooyinka golayaasha deegaanka. Waxaana ku tartamaya doorashada labo xisbi iyo Shan urur siyaasadeed oo marka la isu geeyo noqonaya 7-urur siyaasadeed.

Haddaba waxaa muhim ah in la fahmo toddobada urur ee doorashadaa ka dhacday ka qeybgalay iyo hogaamiyaashooda Beelaha eey kasoo jeedaan oo iska leh, taageerana: 1- KULMIYE: Hogaanka xisbigan iyo taageerayaashiisuba waxay ka soo jeedaan “Beesha Dhexe”, gaan ahaan Jufada: Sacad Muuse/ Habar Awal. 2- UCID: Hogaanka UCID iyo taageerayaashiisuba waxay ka soo jeedaan “Beesha Dhexe”, gaan ahaan Jufada: Cidagale/Garxajis. 3- WADANI: Waxay hogaankiisa iyo taageerayaashiisuba ka soo jeedaan “Beesha Dhexe”, gaan ahaan Jufada: Habar Yoonis/Garxajis. 4- XAQSOOR: Hogaanka ururka Xaqsoor waxaa uu ka soo jeedaan “Beesha Dhexe”, gaan ahaan Jufada: Carab. 5- UMMADDA: Hogaankiisa iyo taageerayaashiisuba waxay ka soo jeedaan “Beesha Dhexe”, gaan ahaan Jufada: Habar Yoonis/Garxajis. 6- DALSAN: Dadka hogaamiya iyo taageerayaashiisuba waxay isugu biyo shubanayaan “Beesha Dhexe”, gaan ahaan Jufada: Sacad Muuse/ Habar Awal. 7- RAYS: Dadka dhisay iyo taageerayaashiisuba waxay ka soo jeedaan “Beesha Dhexe”, gaan ahaan Jufada: Habar-Jeclo. Waxaa intaa kuusii dheer, Waziirkii Arimaha Dibada iyo inta badan Waziirada, Hogaamiyaasha Ciidamada- Si beelaha kale isugu baqaan, “Intimidation”, looguna isticmaalo markii dani bido, sida gobollada qaar hadda ka socota- Maxkamadii Sare, Madaxdii Golayaasha Maamulka, Wakiilada iyo Guurtidaba ….IWM. Waa dhamaan awoodii dhabta aheyd ee Maamulka, iyadoo nasiib darro! Waxa kaliya ee Beelaha kalee Waqooyi waxkadaga loo ogolyahayba eey yihiin “Ku Xigeeno” in eey Maamulka ka ahaadaan. Dadbaa ku dooda in Mudane Riyaale Kaahin Madaxweyne mar ka noqdey Maamulka, isaga oo aanan u dhalan “Beesha Dhexe”, balse xaqiiqda dhabta ah ee dadkaasi iska indhatirayaan ayaa waxeey tahay in Riyaale ahaa “Ku xigeen”, fursada uu ku heleyna aheyd oo kaliya Geeridii ku timid (Allaha u naxariistee) Marxuum: Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. Makula tahay in Beelo dhan oo Cuqaal iyo Indheer-Garadba leh, in eey maamul waxa kaliya eey ka noqonkaraan eey tahay raaciyeyaal magac lagu badsado, iyagoo dad iyo deegaanba Ilaaheey siiyey, walibana muhiim u ah hadii “Ictiraaf” la raadinayo iyo hadii kalee la hor istaagayaba? Soow marka xaalku noqonmaayo, “Dulmi Diide, Dulmi Doona ah beeynu aragney”? Mase kula tahay in sidaa cadaaladu tahay, keeneysana wada jirka Beelaha maamulka wada dhistey, iyo in sidaa “Ictiraaf” lagu helayo, sidii la rabo “18-May” haloogu dabaal daga’e?

Hadiise Maanta eey Beelihii kale ee wax ka wada daganaa Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya, ee awal waxa kaliya oo eey ku heshiiyeen aheyd in Maamul lawada dhisto si nabad loo kala helo iyo in eey ka badbaadaan “Beesha Dhexe” oo hubkii oo dhan gacanta u galey, maamulkana hormuud u aheyd, beelaha qaar ee Waqooyina wax ka tirsaneysey, balse waligood aanan ku heshiin wax la dhoho “Gooni-Isu-Taag”, eey maantana si cad u wada taaganyihiin waxaan ka mid nahay inta u taagan midnimada Ummada Soomaaliyeed, oo eey gobolladooda uga kala dhawaaqeen, dowlad goboleedyada kala ah: Maakhir State of Somalia, Awdal State of Somalia, iyo Khaatumo State of Somalia, kuwaasoo dhamaantood wada ayidsan Midnimada Ummada Soomaaliyeed. Makula tahay arintii “Gooni-Isu-Taaga” In eey si xaqiiqo ah u dhimatey, oo eey meeshaa uga baxdey gabi ahaanteedba? Ileyn “Hal Beel” oo kaliya cidi ictiraaf siinmeeyso’e, iyadoo gobolladii Ingiriisku wada gumeeysan jireyna aaney u dhameeyne, waliba hadii Beelaha kale siyaabo siyaasadeed lagu qancinkari lahaa, qaar ayaa meeshii wada hadal nabadeed lagu qancin lahaa, xabbada la surey, oo Maatadoodii dhagta Dhiiga loodaray, waana xaqiiq jirta marka wiil aad Aabihii goowracdo, in aad iska sii fogeeysay, kana sii daran hadii wiilkaasi ku dhaganyahay, halgan hore oo dadkiisu magac iyo maamuus mujtamaca Soomaaliyeed uga dhexleeyihiin.

Ugu Dambeyn, hadii Dowladii Soomaaliya “Kumeel-Gaarkii” ka baxdey, oo Maanta Ummada Soomaaliyeed dowlad Rasmi ah eey heshey, taasoo January 17, 2013-kii uu Mareykankuna si rasmi ah u aqoonsadey, IMF-ta, hey’adihii kalee caalamiga ahaa, iyo dowladihii kalana ku wada xigsaden, iyadoo Madaxweynaheedana uu meelkasta ka leeyhay: “Waxaan ku dhaartey MIDNIMADA DALKA”-Waloow aan aad uga xumaado marka aan maqlo isagoo dhahaya cadaadis Diplomaasiyadeed isticmaali meyno, iyadoo kooxda dalka hala jaridiisa ku howlanina waxkastaahi isticmaalayaan-, Nabadiina eey si tartiib-tartiib ah usoo noqoneeyso, caalamkiina uu Safaaradihiisii caasimadii dalka maalinba mid kasii furanayo, kuwaasoo uu ugu horeeyo Ingiriiskii Ictiraafkaba laga raadinayey in uu hormuud u noqdo, iyadoo dhamaan caalamku wada muujiyey in Dalka Soomaaliya uu hal hogaan leeyahay, inta kalena Dowlad Goboleedyo yihiin, caalamkuna sidaa u tixgaliyey, soow taasi Arimihii Ictiraafka ugu dambeyn rajo beel ma aaneey kusoo gabagabeeynin?

GABAGABO, GUNAANAD IYO AFEEF

Marka aan leeyahay “Beesha Dhexe”, waxaan ka sariiganayaa in aan si toos ah afka magaca ugu dhufto, waxaana ula jeedadeeydu tahay “Qeyb ka mid ahe” qaarbaa midnimada taageersan. Hadiise aan dhaliil soo jeedino micnaheedu ma aha, in aan necebnahay walaalo Soomaaliyeed, oo ah qeyb ka mid ah dalkeena hooyo ee Soomaaliya. Ma aha in aan cadow kunahay. Mana aha in aan xumaan la dooneeyno. Waxa aan dooneeyno oo kaliya, waa in wixii khalad ah la soxo, si wax inoogu wada wanaagsanaadaan, dalkana aan marna lakala jarin. Waxaase intaa fahmikaraya inta dareensan in qofku xor u yahay ra’yigiisa, xaq buuxana u leeyahay in uu cabiro aragtidiisa, eeyna tahay in la isku xushmeeyo kala aragti duwanaashaha. Ugu dambeyn fadlan wixii talo iyo tusaale ah iigu soo hagaaji e-mailka hoose adigoo mahadsan.

Wabillaahi Towfiiq.

W/D: Cabdulqaadir Maxamed Cismaan “Cabdiboqor”

Bare/Macallin Jaamacadeed, Qeybta Maamulka iyo Dhaqaalaha

Al-Madinah International University, Malaysia

abdulkadirphd@hotmail.com

REFERENCE

BORAMA’S 18TH MAY SHAME CAUGHT THE MDIA HEADLINES AND THE MINDS OF THOSE WHO REASON AND THIINK.
BORAMA’S 18TH MAY SHAME CAUGHT THE MDIA HEADLINES AND THE  MINDS OF THOSE WHO REASON AND THIINK.

Welcome to the new world of insanity and shame !!! Did you see the eighty year old man and the demagogue young man in the Borama fiasco on 18th May? The relationship of the two is like a grandfather and his grandson. Did you also see the uniformed red-mouthed wolfs who looked in bleaky eyes?

There was no respect in age, humanity and freedom of self expression. The siilanyo system of dictatorship has turned a whole country into a big prison camp where no one can talk and where people interact in animalism instinct.

The wise man’s words, if allowed, could have exposed the cover-ups in that occasion..the lies..the forced few people who were lured to follow the procession. He could have the opportunity to tell the truth ahout the people’s true feelings. That was why they shamelessly snatched the micraphone from his hands. He stood tall and  bold to fight but was outnumbered. Anyway, what we have is seen enough. one picture is worth millions of words. That is called bravery.

Bravery is standing up for our rights and for having the courage to stay true to ourselves,  to our convictions and to our morals. That brave old man is a true leader of his people who strived to realize immortal beliefs,  of his people, which are solidly built on their aspirations. He is is indeed the  advocate for the people’s inner dreams and for their true essence.

It is reported that inside the hall of the meeting was filled with security and police forces. Not only that. The building, itself, was encircledby soldiers from outside. What were they afraid of? These ignorants will soon understand that the will of the people is a force that no one can stop it. Dictators with the strongest aresenal at their disposal could not resist people’s pressure.

This horrifying situation reminds me when Abdirahman Abdilqadir, vice chairman of Kulmiye was attacked in the middle of his party’s genreral conference. The circumstanes surrounding the two cases are, of course, differrent but they share one important theme.. the denial of the basic human rights of self experession.

That recent case in Borama stage, also rampant in many parts of the country, was a true example of Silanyo’s Psychological whipping to gain control and to show who is the real boss there. Psychological and physical torture is what totalitarian systems use to achieve compliance. On every 18th May, Borama residents are phsically and mentally tortured. Hundreds of young people are put in jail and many old men are humiliated in public.

That is called oppression… when, no matter how much what we feel, how we talk and what taxes we pay…..all the wealth created ends up in the hands of a handful of people whose only law is to offend all and to enforce laws of inequality. That is Silanyo’s current strategy of governanace.

If at all we could learn anything from our past, the current cruel prevailing policies of Silanyo  was  what originally perfected by the last Somali governments and was the main cause of its downfall.

The 1991 fall of that notorious tribal regime, left another similar terrifying experiences in many parts of the country. That vaccuum opened new gates for students who graduated in that  old corrupt collapsed system. Siilanyo and many of his henchmen are among those graduates who came into the new stages of power.

Their incompetence in administering public is obvious and we all  know them as unddesirable individuals who run only for their personal interests. But how long will that work for them is the real question.

For decades, it has been common practice that African dictators dont see the cracks in their walls.  Throughout his civil service career, Silanyo qualified as an arrogant and igonrant in social affairs. His record of failures in the Siyad’s Offices and in his SNM leadership years is well noted in the history books. He is popular as a a mentally deranged individual whose intelligence is to divide, conspire and then hide his antisocial behavior.

A dictator’s greatest enemy is the truth. Truth makes people feel free. It takes them out of the dark. It reveals the dirts in the ruling house. It exposes the lies and cover ups. It guides people to seak their denied rights. The old man in that Borama meeting wanted to say the truth but paradoxically it is what any oppressor is most afraid of. The oppressor keeps his subjects in the dark by creating false images and denies access to the facts.

Silanyo is a typical  socioapath whose actions are consistent with lack of ethical standards, responsovemess and moral judgement. Socail scientists believe that such individuals repeat the same mistakes and justify them with irrational excuses. Their power of reasoning is impaired and that is why they easily slide back to the same old wrong doings

Such leaders are an obstacle to our efforts to build a healthy life, state, government, community and families. That is why we are doomed to fail in every where and in every stage.  If we are serious to learn from our history and bring freedom, equality and democracy to our country, we have to contemplate what we are doing today, what we will do tomorrow and then make plans based on reality..not on fiction, biases and lies.

Osman Elmi  elmi1949@hotmail.ca

Suldaanka Guud Ee Beesha Isaaq oo sheegay inaanay Somaliland Xamar la’aanteed waxba noqon karin ” maaha inaynu cidlo uun Durbaan ku garaacno”
Suldaanka guud ee reer Hargeysa Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa shaaca ka qaaday inaanay Somaliland wax kasta oo ay samayso iyo gooni-isu-taag kasta oo ay u durbaan-tunto ka maarmi karin midnimada Soomaaliyeed iyo inay qaadato nidaamka federaalka ah ee Soomaaliya ka socda.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir waxa uu ka sheekeeyey taariikh dheer oo illaa xornimadii iyo midnimadii Soomaaliya uu kagaga sheekeeyey. Waxa kale oo uu ka sheekeeyey Xukuumadaha kala dambeeyey ee Somaliland soo martay tan iyo markii lagu dhawaaqay gooni-isu-taagga Somaliland 18/May/ 1991-kii. Isaga oo sheegay in caddaalad-darro badani ka jirto dhulka Maamulka Somaliland ka taliyo meelo badan oo ka tirsan.

“Calankani wuxuu ku dhamaystirmi karaa waxaynu dafirsanahay ama xukuumaddeenu diidan tahay waa marka aynu runta ku wada hadlayno, haddii aan miiska wadahadalka la isugu iman wax aynu gooni u goosan karnaa jiri-mayso, shuruudaa jira, qoraalo iyo heshiisyo ayaa jira, adiga ayaa maanta lagaa rabaa inaad shuruuddii la timaado oo aad xukunto ciddii 53-kaa sanadood ku xukumaysay.” Sidaa ayuu yiri Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo shalay hadal ka jeediyey magaalada Sallaxlay oo ah degmo ka tirsan gobolka Maroodi-jeex oo uu dadweynaha ku dhaqan oo xusayey 18 May hadal u jeediyey.

Suldaanka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray oo uu yiri; “Maaha inaynu cidlo uun durbaan ka garaacno, haddii aan u soo noqdo xukuumadda Somaliland, wax alaale iyo wax ay u qabatay beelaha Somaliland ma jirto ilaa maantana biyaha ayaa dhabarka lagu dhaameeyaa oo biyo malaha, dadna biyihii dadka ka dhexeeyay ee maalinba xaafad loo furayey ayay ka dhargeen, dadna jirikaamadii Dulcad iyo Kaam-abokor ayay sidii u sidaan.”

“Waxaan leeyahay Xamar waanu ka go’nay hadal maaha, anigu been idiin sheegi maayo, miyeynu ka maarmaynaa Xamar, Ganacsatadeenii Xamar-bay tagaysaa, kuwoodii Hargeysa ayay imanayaan, saraha (Fooqyada) ugu dhaadheer Hargeysa waxa leh niman Hawiye ah, markaa waxa miiska wadahadalka loo diidayaa inyar ayuunbaa doonaysa inay nimcada cunto, taasina wax umaddu ku dhaqmi karayso maaha.”ayuu yidhi Suldaan Maxamed.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir mar uu ka hadlayey sababta Calanka Somaliland meel u gaari la’yahay waxa uu yiri; “Calankani wuxuu ku dhamaystirmi karaa waxaynu dafirsanahay ama Xukuumaddeenu diiddan tahay waa marka aynu runta ku wada hadlayno, haddii aan miiska wadahadalka la isugu iman wax aynu gooni u goosan karnaa jiri-mayso, shuruudaa jira, qoraalo iyo heshiisyo ayaa jira, adiga ayaa maanta lagaa rabaa inaad shuruuddii la timaado oo aad xukunto ciddii 53-kaa sanadood ku xukumaysay, maaha inaynu cidlo uun durbaan ka garaacno, haddii aan u soo noqdo xukuumadda Somaliland.

“Wax alaale iyo wax ay u qabatay beelaha Somaliland ma jirto ilaa maantana biyaha ayaa dhabarka lagu dhaameeyaa oo biyo malaha, dadna biyihii dadka ka dhexeeyay ee maalinba xaafad loo furayey ayay ka dhargeen, dadna jirikaamadii Dulcad iyo Kaam-abokor ayay sidii u sidaan, waxaan leeyahay Xamar waanu ka go’nay hadal maaha, anigu been idiin sheegi maayo, miyeynu ka maarmaynaa Xamar.”

Waxa uu Suldaan Maxamed sheegay in Ganacsatada Somaliland aanay marnaba ka maarmi karin Xamar waxaanu yiri; “Ganacsatadeenii Xamar-bay tagaysaa, kuwoodii Hargeysa ayay imanayaan, saraha (Fooqyada) ugu dhaadheer Hargeysa waxa leh niman Hawiye ah, markaa waxa miiska wadahadalka loo diidayaa inyar ayuunbaa doonaysa inay nimcada cunto, taasina wax umaddu ku dhaqmi karayso maaha.”

LA YAAB: Gabar Soomaaliyeed oo ka sheekeynaysa adeerkeed hooyadeed qabay oo yaraanteedii……. hooyadeed oo ogeyd iyo arimo ka dhex-dhaca bulshada Soomaalida oo aan lagu baraarugsanayn. DAAWO

Ceerigaabo oo laga xusay labo munaasabadood oo iska soo horjeeda. VIDEO