Harowo.com

Faysal cali waraabe iyo Raila Odinga maxay iska shabbahaan?

Faysal cali waraabeiyo Raila Odinga waa labo siyaasi oo da’doodu kor u dhaaftay 60sanno,

Faysal , waa siyaasi ka caan ah s/land oo aad looga yaqaan guud ah geyiga somalidu degto, waxa uu wax ku bartay magaalooyinka Borama,Hargaysa iyo muqdisho isagoo markii dambana takhasus dhaaraad ah u doontay dalka dibadiisa

Raila ,waa siyaasi magac dheer leh oo caan ah waana wiilka madaxweyne ku xigeenkii ugu horeeyay Kenya Jaramogi Oginga Odinga, waxa uu wax ku bartay gudaha dalkiisa Kenya isagoo markii dambana wax barasho dheeraad ah u doontay dalka dibadiisa.

Faysal cali waraabe waa siyaasi guddoomiye ka ah xisbi isagu aasaasay oo lagu magacaabo UCID.

Raila Odinga waa nin siyaasi ah oo guddoomiye ka ah xisbi uu isagu asaasaay oo lagu magacaabo ODM.

Faysal waa siyaasi run sheeg ah oo inta badan ka hadla xaqiiqda,waana siyaasi wax sheeg og oo dal jecel,wuxuuna qaataa hadba go’aanka uu u arko inuu xalku ku jiro.

Raila waa siyaasi soo jiidasho leh oo taageero badan ku leh Kenya ,marka la eego doorashadii u dambaysay ,ee uu ka qayb galay , Wuxuu yidhi waxaan tixgalinayaa ammaanka dalka,taasina waa mid muujinaysa inuu yahay siyaasi dal jecel.

Faysal intii uu Guddoomiyaha ka ahaa xisbiga ucid,sannadkii 2011, waxa soo kala dhexgalay hoggaanka xisbiga khilaaf kaas oo sababay ugu dambayntii inuu xisbiga Ucid u kala jabo la garab ,garab uu hogaaminayo Faysal cali waraabe iyo garab uu hogaaminayo C/raxmaan cirro oo markii dambe samaystay xisbi kale oo loogu magac daray Waddani,

Raila xisbigiisa ODM waxa isna soo kala dhex galay ,sannadkii 2007,khilaaf kaasoo sababay inuu xisbiga ODM u kala jabo labo garab, garab uu hoggaaminayo Raila Odinga oo qaatay magaca xisbiga ODM iyo garab uu hoggaaminayo Kalonzo Musyoka.oo la baxay magaca ODM-K,

Faysal iyo Raila waa labo siyaasi oo jecel inay mar uun ku fadhiistaan kursiga madaxweyanaha taasina waa ta keentay in mid waliba dhawrjeer u kala tartamaan kursiga madaxweynaha,;lakin nasiib darro taasi may suurto galin illaa hadda oo labadooduba dhawr jeer oo ay tartameen may hanan kursiga ay ku hamminayeen muddo badan,

Ugu dambayntii Faysal hadda waa guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid,Raila-na waa guddoomiyaha xisbiga mucaridka ee ODM ee ka jira dalka kenya,waa labo siyaasi oo illaa hadda kusii jira mihnadda siyaasadda lamana oga meesha ay sal dhigi doonto siyaasaddoodu.

 

Wariye :-Mursal cilmi 


This post has been viewed 1350 times.

camud

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH