Harowo.com

Faro Gelinta Dawladda Jibouti iyo Jileeca Xukuumadda Kulmiye

Faro Gelinta Dawladda Jibouti iyo Jileeca Xukuumadda Kulmiye
 
Muddo dheer ayaa dawladda Jibouti ku jirtay riyo ah inay goosato Degaanka Galbeed ee Somaliland
Riyadaas oo soo taxnayd ilaa iyo maalintay Xorriyadda qaadatay Jibouti iyada oo sii xoogaysatay
waqtigii taliskii Militeriga ee Somaliadii haligantay, iyada oo jibouti ay damacaa xoojisay waqtigii lagu
dhawaaqay dib ula soo noqoshadii somalilalnd iyada oo gabood ka dhiganaysay qaxoontigii ka baro
kacay geyiga somaliland waqtigii dagaaladu ka qarxeen, arrintaas oo ay isku mari waayeen maamuladii
ka horeeyay maamulkan Kulmiye.
 
Ka dib markii doorashadii degaanku ka qabsoontay somaliland waxa si rasmi ah god u galay riyadii
Dawladda Jibouti, doorashadaas iyada ah oo ay ku soo baxeen xildhibaanadii somaliland udub dhexaadka
u ahaa kuwaas oo si sharciga waafaqsan ku soo baxay. Haddaba waxa arrintaas iyada ah qaadan kari waayay
Ina Geelle Batarka Jibouti ku amar ku taagleeya isaga oo hawl geliyay dhamaan kooxihii mushaharka ka qaadan
jiray nidaamka keligii taliska ah ee Jibouti.
 
Waftigan Wasiirada ah ee gaadhay Zaylacna maaha qaar wakiil ka ah shacabka somaliland ee waa koox
laga darawalinayo Jibouti rabana inay hir-geliyaan riyadii Jibouti, waxaana taas cadaynaya u baqoolkooda
xaggaa iyo Jibouti iyada oo loo soo dhiibi doono awaamirtii kama danbaysta ahayd, iyaka oo haddii sida uu
rabo Ismaaciil ay yeeli waayaan uu talaabo ka qaadi doono kii markii horeba samaystay oo ah Ina Geelle.
 
Hubaal waxa ah inaan Zaylac aanay ka duwanayn dalka intiisa kale waayo doorasho ayaa la galay iyadaana
wax lagu kala helay, suura galna maaha in suune gaar ah Zaylac lagu dhaqo.
Haddaba xakuumaddan Jilicsan ee Kulmiye waxa la gudboon inay laba mid uun yeesho, waa ta hore e’ inay
baabi’iso doorashooyinkii dalka ka dhacay si loo raalli geliyo Ina Geelle, ragga Mushaharka Jibouti ka qaatana
aan looga jarin, ta labaad oo ah inay arrinta Zaylac faraha kala baxdo kuna tidhaahdo Ina Geelle Zaylac waa
Gobol ka mid ah somaliland loona daayo golaha degaanku ha is doorto iyada oo aan cidna faro gelin.
 
Waxa aan si buuxda u taageerayaa shacabka reer Awdal ee difaacaya jiritaanka iyo qarannimada Somaliland
iyaka oo ku difaacaya dhiigga da’yarta, Alla ha u naxariisto Muj:Jimcaale waxaanaan soo jeedinayaa in taalo
looga dhiso magaalada Zaylac ama Lowyacaddo.
 
Ibrahim Duale Sulaiman

This post has been viewed 238 times.


camud

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH