Harowo.com

Fadeexadii Weftiga Madaxweyne Siilaanyo Xalay kala kulmay London oo ay Masuul ka yihiin Baashe, Khadar gaas & Maxamed Cabdilaahi(Bajaaj)

HAROWO.COM

Eng_-Xusen
Xalay oo Bishu ahayd 12/2/2013 waxaa ka dhacay kulan Madaxweynaha iyo weftigiisu ay kula kulmeen Koox dhalinyaro ah oo ay saaxiibo yihiin inanka odaygu Sodoga u yahay ee Baashe Omar iyo Khadar cali gaas iyo  Dr. Beenaalaha arimaha Dibeda Sheraton Syline Hotel Hayes London Hayes London.

 

Kulankan oo loogu yeedhay kulanka madaxweynaha iyo jaaliyada balse aan jaaliyadaha Somaliland ee Cariga Ingiriisku waxba ka ogayn sida aad saxaafada ka aragteena uu Gudomiyihii qurbajoogu isku casilay sababaha maamul xumo iyo shirqoolka madaxweynaha lala damacsanyahay oo aan waxba lagala socodsiin darteed ayaa ku soo gabagaboobay fadeexad la dhexfadhiisiyey madaxweynihii qaranka.
Ujeedad kulankan lala dhuuntay ayaa ahayd in lagu lunsado hanti qaran oo la yidhaahdo waxaa kulmay madaxweynaha iyo jaaliyadaha, balse waxaa goobta yimi kooxdaas ay wada shaqaystaan Inanka odaygu Sodoga u yahay iyo Khadar cali gaas oo iyagu ah kuwa loo adeegdaso dhacdooyinka noocan oo kale ah,, waxaa foolxumo weyn ah in Madaxweynaha Somaliland aanu kaba war hayn hadba meesha loo wado iyo shirqoolada ay u maleegayaan kooxdan qawlaysatada ah ee isku bahaystay boobka hantida umada.
Goobta kulanku ka dhacay oo aan xalay anigu indhahayga ku soo arkay waxaan is weydiiyey sababta ay arintanu u dhacday waxaase ii soo baxday in madaxweynaha iyo shacabka soo doortay ee uu madaxweynaha u yahay lagu kala gudban yahay oo kooxi meesha ku shaqaysato kana ilaaliso shakhsiyaadk qaranka iyo jiritaanka Somaliland daacada u ah.
Waxaan ilaa saaka xogwaran ka ururinayey jaaliyada Somaliland ee Uk gaar ahaan reer London oo aan lahaa maxaa sababay in madaxweynaha Qaranka ay 8wiil meel ku xidhaan isna ka yeelo oo dhex fadhiisto iyo sabata jaaliyada London oo ay ku jiraan muwaadiniin hadh iyo habeen u taagan qadiyada Somaliland ay goobta uga soo xaadiri waayeen.
Waxaa xogtii ku soo ururtay in kulankani ahaa mid qarsoodiya hantina lagu lunsanayey madaxweynaha loogu sheegay in jaaliyada lala kulomayo gudoomiyihii qurbajooga oo isagu ahaa kan ka masuulka isku xidhka jaaliyada iyo madaxweynuhuna uu xilkii iska casilay markuu arkay sida wax u socdaan taasina ay sababtay in dhamaan jaaliyadihii ka muquurtaan goobta madaxweynaha lagu bah dilayo si ceebta iyo fadeexada halkaa ka dhacday aan loola qaybsan kooxda hawsha wadatay.
Ugu danbayn waxaa guul daro u soo hoyatay shacabka reer Somalilan madaxweyne Siilaanyona hadii aanu iska fogayn kooxda isu bahaysatay boobka xoolaha unada isagana marba meel aan shacabkii doortay joogin soo fadhiisinayaa, wuxuuna madaxweyne Siilaanyo ku war heli doonaa isagoo gegi cidla ah fadhiya dalkiina gacantiisa ku burburay.
Eng. Xusen Ali Jibril
London UK

This post has been viewed 72 times.

camud

Posted by on Feb 14 2013. Filed under Xulka Qoraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

1 Comment for “Fadeexadii Weftiga Madaxweyne Siilaanyo Xalay kala kulmay London oo ay Masuul ka yihiin Baashe, Khadar gaas & Maxamed Cabdilaahi(Bajaaj)”

  1. aad baan kuu salaamay ing xusen waxaan ku waydiiyay mawali ayaa rajokaaga jirtaa wax somaliland la yiraa waar ninkan aad sheegsaysid ayaa gacantiisa ku burburiyay waxa ay hada maraysaa in beel waliba danhedada ka tashato maadaama ay ku dulburburtay siilaanyo iyo xirsi markaa dalka cid u damqanaysaa majirto konfurna meel kasta ayagaa buuxshay markaa dalka hala badbaadiyo meel xun ayuu ku socdaa byu\

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH