Harowo.com

Faallo: Xaaji Axmed Miisaan Iyo Suldaan Dhawal, oo Keligood Ka Qayb Galay Shirkii Kulmiye ee Hargeysa, Saylicina Bahdilay

Boorama (Harowo) - Xaji Axmed Miisaan iyo Suldaan Dhawal, ayaa keligood ka qayb galay shirkii xisbiga Kulmiye uga socday magaalada Hargeysa, iyada oo anaay cid kale oo reer Awdal ahi ku wehelin, xataa naafaq ka soo jeeda Maxaad Casihii Kumiye ahaan jiray kol ay ku tahay, waxaanay taasi ka marag kacaysaa sida aanay reer Awdal mar dambe wax ugu yeelanayn doonin talada Somaliland, maadama oo ay ka madhan yihiin xisbul xaakimkii dawlada haysta, oo sida la filanayana gacan weyn ku lahaan doona xukuumadaha dambe iyo wada hadala beelaha dhexe iyo Somalia.

Shirka Kulmiye ee Hargeysa ka socday, ayaa sida laga warqabo aanan lagu casuumin cid ka baxasan labada beelood ee Sacad Muuse iyo Habar Jeclo, kuwaas oo tartan xoogle ugu jiray sidii uu midba midka kale ugaga awood roonaan lahaa talada iyo maamulka xisbiga, isla markaana ugaga badan lahaa gudida dhexe ee xisbiga iyo golaha fulinta.

Xaaji Axmed Miisaan iyo Suldaan Dhawal, ayaa sida aanu ka helnay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay, waxa u yeedhay, jujuubna ku gelisay shirka, Amal Xaaji Miisan, oo uu aabo u yahay Xaji Miisaan, iyada oo sida la sheegay ay gabadhu labo Kaadh dirqi ugu heshay labada oday, si ay u galaan madasha shirku ka socday.

Shuruudaha lagu xidhay Xaaji Miisaan iyo Suldaan Dhawal, si ay u galaan shirka, ayaa waxa ka mid ah inay kor iyo hoosba u taageeraan garabka Habar Jeclo ee xisbiga Kulmiye, maalinta loo baahdana ay dad iyo maalba keeni doonaan. Wararkan, ayaa waxa kale oo ay intaa ku dareen inay labada odayba wacad iyo dhaar ku mareen in sidaa wax loogu sheegay ay u fulin doonaan, kana soo bixi doonaan balamaha ay qaadeen.

Dhinaca Kale, Cabdiraxmaan Saylici, ayaa sida la sheegay ku guul daraystay inuu hal kaadh u soo qaado qof ka mid ah taageerayaashiisa, waxaanay wararku intaa ku dareen inuu ku tantuunsaday uun sidii uu naftiisa u meelayn lahaa.

Labada Beelood ee Habar Cafaan iyo Maxaad Case, ayaa sida hada laga dareemayo “Biyo Hoostood Iska Arkay”, xidhiidhkii u dhexeeyayna maalinba maalinta ka dambaysa uu ka sii xumaanayo, sidaa darteedna loolan qadhaadh oo sibraha la isku goynayaano uu ugu bilaanmay Hargeysa, inkasta oo dhinaca Boorama ay weli nabad ku wada joogaan.

Tartanka siyaasadeed ee u bilaabmay Habar Cafaan iyo Maxaad Case ee dhinaca Hargeysa, ayaa sida ka muuqata waxa ilaa hada ku gacan sareeya Habar Cafaan, waxaana u suurto geliyay ayay wararku sheegaan, Habar Cafaan oo ka faa’iidaysatay xurgufihii u dhexeeyay Cabdiraxmaan Saylici iyo Xirsi Gaab (Wasiirka Madaxtooyada), kuwaas oo naafeeyay Saylici iyo cid kasta oo wax moodaysay. Waxaana u suurto gashay Xirsi Gaab inuu Saylici ┬áku qabto xuurto aanu iska furfuri karin, kana guulaysto, isaga oo adeegsana awood sharci ee Siilaanyo iyo lacagta beesha Habar Jeclo.

Wararka la xidhiidha hooska tuurka u dhexeeya Habar Cafaan iyo Maxaad Case, ayaa sheegaya inay Habar Cafaan Jiq kaga dhigtay Saylici, iyaga oo gacan ka helay Xirsi Gaab iyo Afada Madaxweynaha. Siyaasiinta iyo madax dhaqameedka Habar Cafaan, ayaa hada isku dhiibay, sida quraankana u qaatay ajandaha siyasadeed ee Habar Jeclo, halka uu Maxaad Casena weli kala garan laayahay mikii uu isku dhiibi lahaa (Habar Jeclo Ama Sacad Muuse), kuwaas oo u tartama hogaanka beelaha dhexe ee Somaliland.

Geesta kale, wixii ka hadhay Kulmiyihii Awdal iyo Kulmiyihii Qurbajooga reer Awdal, ayaa sida ka muuqata ka dhacay salaanka siyaasadda cusub ee beelaha dhexe, waxaana ku adkaatay farsamadii ay ula jaan qaadi lahaayeen marxaladaha cusub ee ay galeen beelaha dhexe ee talada Soomaliland ka go’do, sidaa darteedna waxa la odhan karaa way ka saaqideen arrimaha siyaasadda.

Ugu Dambayn Shirka Kulmiye ee Hargeysa, wuxuu daaha ka qaaday sida ay reer Awdal gudo iyo dibadba uga dhacsan yihiin siyaasadaha beelaha dhexe iyo meesha ay maanta marayaan iyo sida ay uga gudbeen naasnuujinta shakhsiyadka ka soo jeeda beelaha darifyada ee aanay boqolkiiba boqol isku halayn karayn.

Tasina waxay meesha ka saartay beentii iyo bugtii awal wax lagaga heli jiray beelaha dhexe, waxaanay beelaha dhexe go’aansadeen ninkii aan kabahooda leefayn in aanay waxba Hargeysa u oolin.

Harowo Desk, Boorama


This post has been viewed 356 times.

camud

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH