Faallo: Siilaanyo Socdaalkaaga Boorama, Waa Maaweelo Ma Bogsiiso Meel Ku Bugta
Madaxweyne waxa fiican in aad fahanto reer awdal ma mucaaradbaa mise wax bay tabanayaan runtii reer awdal ma aha mucaarad waayo mucaaradku waxbay kala doortaan laakinse diidmadooda dowladu waa tabasho aadan marna ka garaabin, tabashooyinkaas qaar kamid ah hadii aan ka hadlo:
1- Dowladaadu 90% waxa ay ka koobantahay beesha dhexe ee aad adigu ka soo jeedo. Tusaale ahaan adoo madaxweyne ah , wasiirkaaga arimaha gudaha, w/dibada, w/maaliyada, w/waxbarasha, w/caafimaadka, w/qorshayntta, gudoomiyayaashaa labada baarlamaan, taliyaasha ciidamada, maxkamada sare xeer ilaaliye midnaba laguma aamino reer awdal intaas oo xil ah. Sababta oo ah intaas waxa ka kooban dowlada sadexdeeda gole Fulin, Sharci dajin & garsoorka
2- Deeqaha dib udhis iyo dhaqaale oo ay caalamka Somaliland ka hesho reer awdal dibi madow ayaa ka hor fadhiya. Tusaale ahaan waxaa 10 milyan oo dollar deeq caalami ah wasaarada duulista u qorsheesay airport-yada labo gobol oo bariga ah halka airport-ka Boorama daad marayn yahay.
Sidoo kale maalaayiin dollar ayaa wasaarada macdanta deeq caalami ah oo ay gar wadeen ka tahay oo biyo galinayd ceelkii ugu soo dhawaa uu wajale ahaa, halka tuulooyinka iyo degmooyinka idhan, magalo cad, gariyo cowl, qul ujeed, boon, baki iyo lughaya reer awdal haraad uga daateen.
Sidoo kale horaantii sabnadka waxay dowlada Kuwait Somaliland ku caawisay dayartirka jidadka waxayna dowladaada u waycisay dariiiqa isku xira berbera iyo burco manta waxa borama u timid in aad 4km oo wax qabadkii dowladaada 100cisho oo u horaysay balanqaaday in aad 26bilood xariga ka jarto, xarig ka jaristaa laftayda waa shaqadii kaliya oo madaxweyne kuxigeenka reer awdal ku harsanayd oo iyada manta lawareegtay
3- Fursadaha shaqo wasiirada iyo laamaha kala duwan ee dowlada ee dhanka kararani masiiyaan fursado shaqo dhalinyaradaa jaamacada ka baxday ee reer awdal masiiyaan kamana helaan hadii ay ka helaana waxay helaan shaqooyinka hoose ee qalin qoriga lagu qoro, halka inamada gobolada barigu qalin biirow wax ku qoraan.
Hadaba is waydiintu waxa ay tahay ma reer Awdalbaa Somaliland ku oolin, mise dowlada Siilaanyaan marnaba reer Awdal aamini doonin.
Maxamed Aadan Suldaan, Borama
Tel: +4458049
This post has been viewed 25 times.













khadar
waar yaan lagu waalin wax cadaalad daro ah kama jirto wadanka kuwii udub aha ee makahiil baa magaca samaroon ku qadhabanaya yaynu ku marin habaabin tuugtu lol
Markan waxaso cadalaad daroo
aan aarko iyan iis yidhaa ma
mucarida kulmiyee,hadana
waxan xasuusta udub iyo
nimanki makahil ee isaqa ka
jecla s/l ee samaroon daan ba
kaa yeeleen wuxu tabanayey.
Markasan goansada iinan
waligey makahiil dhaag ubaa
dhiigiin.
waxaa hubaal aa
samaaroon reeyn maa daayow abiid.
reer awdalow hanaa salugiinaa oo samraa waax waani ni laa qabaan.