Harowo.com

Faallo: Sifaha Loo Kala Saaray Ururada Siyaasadda Somaliland, oo Ku Salaysan Nidaamka 4.5 Ka ee Xamar Ka Jira

Soomaaliland waxay soo gashay doorashooyin kala duwan, waxana dalka soo maray guddiyo kala duwan oo qaabilsan dhinacyada diiwaangelinta iyo doorashooyinka, kuwaas oo xumaan iyo samaan labada lahaa. Gudidan hada jirta ee diwaan gelinta ururuda waxay kaga gedisan tahay kiwii hore, iyada oo gebi ahaanba aan ka madax banaanayn xukuumada hada jirta.

Sidoo kale, ayaa waxa soomaaliland soo marayey guddiyo doorasho oo khaa’imiin ah iyo kuwa daacad u ahaa shaqooyinkooda, doorashooyin xalaal ahaa iyo kuwa an xalaal ahaynba, kuwa ama guddiyo doorasho oo khaatumaystay iyo kuwa weli sii fadhiya oo sugaya doorashooyin dalka ka dhaca, hase yeeshee lama arag guddiyo diiwaangelineed oo la mid ah kuwa haatan loo magacaabay doorashooyinka golayaasha degaanka ee la filayo inay dalka ka dhacaan.

Guddigan oo in muddo ahba dadweynaha soomaaliland ku kala aragti duwanaayeen madaxbanaanindiisa, dhexdhexaadnimadiisa iyo daacadnimadiisa shaqada qaran ee dusha loo saaray, ayaa hada loo wada jeedaa xumaanta ay sameeyeen iyo sida dulmiga ah ee ay ururada ugu kala eexdeen, taas oo ugub ku ah nidaamka Somaliland ka jiray intii aanu Siilaanyo xukunka qabsan.

Weli Soomaaliland sooma marin guddi natiijo ama go’aan uu saaray xukuumadi lug ku leedahay kan maanta ka hor, lamana arag guddi ku dhaartay daacaadnimo oo hawshiisii dawladdi hagayso, taasoo keentay in maanta guddiga diiwanagelinta ururada siyaasadda soomaaliland laga aamin baxo, loona arki waayo guddi gutray waajibaadkii uu ku dhaartay.

Sida la ogyahay waxay guddigan iyo xukuumadda isbarkani soo saareen go’aan ka anfariiriyey guud ahaanba umadda reer Soopmaaliland ee jecel inay ku kala socoto sharci iyo kala dambayn, balse lagu khasbayo inay kala socon weydo, oo ay la mid noqdaan soomaaliyada ay maanta xukuumadda siilaanyo doonayso inay ku majarahabaabiso qarannimadii iyo dawladnimadii dadkani kusoo dhabarjabeen.

15 Urur siyaasadeed oo sugayey in jiritaankooda si daacadnimo ah loo kala saaro, ayaa la ogyahay in qaar cidlo ka taagan taageerada badi shacbiga gobolada dalka, qaarkoodna an buuxin kala badh shuruudaha lagu xidhay jiritaankooda, ayaa dadweynaha qaybo ka amid ah iyo madaxda ururada daacadda ka ahaa kala saaristaasi ogaadeen in waxa guddigani ka shaqaynayey ay ahayd uun si dadweynaha iyo ururada madaxa la iskugu geliyo, iyadoo ururada guddigani ku dhawaaqay qaybo ka mid ah, ama afar ka mid ahi ahaayeen kuwa awalba la iska ogaa halkay cidhibta ku hayeen.

Waxana akhirataankii caddatay in kala saarista ururada loo adeegsaday qabyaalad, gobolaysi, muxaafidnimo, mucaaradnimo, wadaaddo iyo waranale.
Qabyaaladu awalba way jirtay oo meel Soomaali joogto lagama waayo, laakiinse tan maanta dhacday waxay daboolka ka qaaday laydh weyna ku shiday waxkasta oo laga cabsi qabay inay xukuumada Siilaanyo ku kacdo.

Dadka reer waqooyigu qabyaalada way yaqaanaan, wayna ku dhaqmaan laakiinse awal waa lala kala xishoon jiray oo sida oo kale uma cadayn. Maanta waxa dhacday in xishoodkii meesha laga saaro. Xukuumada Siilaanyo iyo gudan diiwaan gelinta ee amarka ka qaadata waxay ka tageen waxkasta oo dhaqan iyo kala dambayn ahaa oo beelaha waqooyiga degani ku soo caano maaleen. Siilaanyo iyo Kooxihiisa kala duwan waxay si toos ah u qaateen dhaqabkii Koonfurta Somalia, kaas oo ugu dambaynta Dhaxal siin Doona Jab iyo Halaag.

Ururada kusoo baxay hadalka guddigani, ayaa sidoo kale laga arki karaa sida dadweynaha gobolada dalka qaarkood uga qatanyihiin hogaaminta ururadaasi, iyadoo ad mooddo in magaalooyinka waaweyn sida Burco iyo Hargeysa laga haqabtiray ururada, halka gobolada galbeedka qaarkood, siiba Awdal iyo Selel iyo kuwa bariga ee Sool iyo Sanaag barina lagu amray inay ku daba faylaan ururada ay hogaaminayaan beelaha xoogga badan ee ku kala baahsan afar magaalo oo keliya, taasoo macnaheedu noqoqn karo in guddigu hawshiisii ku qiimeeyey uun nidaamkii 4.5 ka ee soomaaliya ka socon weyday.

Sidoo kale, Aya waxa cadaatay marka la eego qaabka ay hada u yaalaan ururada soo baxay ayaad moodaa in afara beelood oo xoog badan iyo afar beelood oo itaal yar in wax loo qaybsaday, kuwaasoo kusoo ururaray uun laba gobol oo kala ah Hargeysa iyo togdheer inta kalenba la daadiyey.

Hore waxaynu u ogayn in golaha wakiilada Somaliland ee loo yaqaan baarlamaanku ku fadhiyo nidaamka 4.5 ka, kaas oo la qaaday wakhtigii Daahir Rayaale, mana jirto cid hada hadal haysa oo leh baalamaanka sida ha laga bedalo, waxaanay arrimahani ka marag kacayaan sida aanay Somaliland marnaba ugu bixi karin Somali Weyn, waana waxyaabaha hortaan in la ictiraafo Somaliland.

Guddiga laga sugayey inuu xaqsooro ugu qaybiyo ururada siyaasada Somaliland, ayaa loo qaadan karaa in laga hagayey Muqdisho oo dawladda siilaanyo wada xaajoodka kula jirto, lamana odhan karo hawsha guddigaasi waxay ku socotaa jid horseedi kara xasiloonidii soomaaliland kusoo dhaqmaysay sannadaha badan, balse ad mooddo inay dadweynaha dalkan ku wadaan jidka reer Muqdsiho qaadeen.

Dhinaca kale xiisadda beeleed iyo kuwa siyaasadeed ee guddigan yoi xukuumaddu abuureen, ayaa laga yaabaa inay lugta ku hayso sidii loo heli lahaa muranno beeleed iyo kuwa siyaasadeed oo dhex mara xukuumadda, shacbiga iyo hogaamniyayaasha ururada, loona waayo jawi xasiloon oo ay doorashooyin ku dhacaan ama ku qabsoomaan.

Sidaa darteedna waxay dad badani aaminsan yihiin in aakhirataankana la laali doono doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan si xukuumaddu u hesho fursad loogu kordhiyo cimriga soo gaabtay ee xukuumadda siilaanyo.

Ugu dambayntina badheedhka iyo xadgudubyada sharci ee xukuumada Siilaanyo maleegayso bilihii an soo dhaafnay, kuna talo jirto inay sii waddo shirqooladaasi, ayaa laga yaabaa inay aakhirataanka iyada galaaftaan, loona diido inay dalkan geyso meel kale, qaban weydo doorashooyin, kala qaybiso dadweynaha dalka, dalkana loo boobo khayraadkiisa.

Harowo Desk, Boorama


This post has been viewed 198 times.

camud

Comments are closed

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH