Harowo.com

Faallo: Shalay Uunbaa Huudhaydh Qabyaalada Laga Dhex Raadinayay, Maantana Ma Waxan Aqbali Karnaa Xaflada Aroos, Ayaa La Isku Hayb Soocayaa?

Ilayn Dadku Kala Tagroon, Taariikhdana Uma Sinee, Dakani Iyagoon Taabo Gelin, Qabyaalad Ku Taamayee, Xumaanta la Tiicayaa, Ee Tolkii Wada Toosanaa, Tabaalaha Kala Dhexdhigay……………….!

Maahmaah Soomaliyeed, ayaa tidhaa nin aan talin jirn haduu yimaado, nin aan tegi jirin, ayaa tega! Waxan hada Boorama ka socda xumaan iyo xasad wuu dhaafay, lamana garan karo wax lagu tilmaamo, run ahaantii waa wax laga yaayaqsoodo. Dadka wixii caqli ku hadhay, waa inay cambaareeyaaan dhaqan xumadan iyo aafadan ka daran tii muuryaanta ee la inagu soo dhex tuuray.

Wax la yidhi lixdankii markii la xoroobay ee calanka la qaatay, ayaa waxa dhulka waqooyiga ku soo batay oo qarqiyay jiir badan oo aan hore loo arki jirn, taasoo dadkii fajac iyo amakaag ku noqotay. Hadaba, markii arrintii jiirka meel loo qaado la garan waayay, ayaa waxa la weydiiyay Oday Guhaan ah oo xidigaha ka faaliya. Odaygii markii uu arrintii dhinac walba ka rogay, lana tashaday maskaxdiisii soo jireen ahayd, ayaa wuxuu ku jawaabay “Dadka Calanka Qaatay, Ayuu Jiirkani Horseed U Yahay”. Waxuunu intaa raaciyay dadka leh calan baan qaadanay waa dad yaw ah, oo sida jiirkaas ah oo aanay waxba deeqi doonin!

Sidoo kale ayuu isbedlkii Kulmiye ee Siilaanyo balan qaaday, wuxuu dhalay, gaar ahaanna gobolka Awdal “Dad Xinjiro Fajaasyo ah, oo Ka Liita Muuryaanta Muqdisho”. Halkii sabeenaha laga rabay, sodoho xiiraya oo mindiyo labo afle sita uunbaa ka soo baxay, kuwaas oo dhaqax walba rogaya, waxbana aanay deeqayn, oo dhul iyo meelo weligood aanay cidiba wax ka raadin jirin qodaya. Waa yaabe miyaanay la mid ahayn jiirkaa Odaygu sheegay?

Doraad uunbay ahayd markii deeeq yar oo iskugu jirta raashin iyo dharka duuga ah ee loo yaqaan Huudhaydka shacabka reer Awdal lagu kala qoqobayay, ee qaarna wax yar loo tuurayay, kuwa kalena lalahaa baabuurta iska ilaaliya.

Maantana waxan maqlaynaa in xaflad aroos ah, oo ay kooxda hidaha iyo dhaqanka ee Gobolka Awdal Saylici ka ciyaari lahaayeen la iskugu habar sheegto, oo dadkii walaalaha ahaa ee intaasoo sanadood soo wada shaqayn jiray badhna la qaado,  qaarna qolo ahaan looga tego, taasi ma waxan horey u aragnay baa, mise waa wax cusub oo la kawsaday Siilaanyo iyo Kumiye?

Hadaba, dhaqan xumadan iyo dadkan dhoqorjaaga ah maxaa keenay? Xagayse ka yimaadeen?

Jawaabta Su’aashaasi waa mid u taala waxgaradka reer Awdal oo dhan meel kasta oo ay joogaan, maaha mid aan faaladan kooban kaga bogan karno. Halkan, keliya waxan ku iftiiminaynaa dhawr qodob oo ka mid ah anshi xumada ay reer Siilaanyo keeneen geyiga Samaroon.

Qabyaalada iyo wax la kala jiitaa maaha wax inagu cusub, oo taasi hore ayay Soomaaliyi u soo dhamaysay, laakiinse dadkan reer Siilaanyo waxay gaadhsiiyeen meel aanay waligeed gaadhin. Waana taa ta maanta dadka oo dhami la yaaban yahay. Dadka Huudhaydh iyo kooxda hidaha iyo dhaqanka qabyaalad ka raadinayaa maaha dad caadi ah oo la odhan karo way fayow yihiin. Waa dad googo’ay oo Siilaanyo Sun waraabiyay.

Waxa soo baxay dugaag aan waxba xeerinayn, waxbana ka xishoonayn. Dabo dhilif iyo guulwade weligiiba wuu jiray, wuuna jiri doonaa, laakiinse maanta waxa soo baxay dad Ilaahay afkii uun ka falay, oo afar iyo labaatanka saacadood war iyo wararnwaryo uun meel walba la taagan. Mararka qaaqkood warkii ay shalay toban jeer sheegeen, ayay maanatana labaatan jeer ku celcelinayaa! Waa dad aan afkooda iyo dhegahoodu ismaqlayn. Waa dad aad moodo inay sixran yihiin, oo wax loo qabtay!

Waxa la yidhii beentaada hore, runtaada dambe ayay dishaa. Idoorkii ayaa hada khaati ka jooga, oo dhegaha ka furaystay. Odayaal waa weyn oo la weydiiyay maxaa idin dabo dhigay xukuumada Siilaanyo mar hadaanad waxba ku haysan, ayaa waxay sida la sheegay ku jawaabeen “Tobankii Sanadood ee Ina Rayaale Joogay Afkii baa na Uray, oo Wax War Naga Qaada Ayaan Weynay, Kuwani Waxba Yaanay na Siine, Warkii an u Keeno Way Naga Gurayaan, Intaasiba Waa Mansab Noo Soo Kordhay” Waa Yaabka Yaabkii

Waxa soo baxay dad dhegaha uun ka maqlay waxbaa la qabyaaladeeyaa, laakiinse aan garanayn micnaha qabyaalada iyo waxyaabaha la gelin karo iyo waxyaabaha ka baxsan ficiltanka qabyaalada. Waxa soo baxay dad aanay u kala socnayn wixii dhaawacaya Haykalka guud ee ka dhexeeyay bulshada reer Awdal iyo wixii ay goosan karaan ee aan fadeexad iyo xumaan reebayn.

Waxa soo baxay dad aad moodo inay yihiin gun abidkood la gumaysan jiray oo hada isxoreeyay. Maba fahamsana inay labo xukuumadood uuni isbedeshay ee aanu jirin gumaysi laga xoroobay.

Dadkan cawaanka ah ee maqiiqan, yaa u sheega inaan meelnaa la kala tegi doonin, haday xumaani timaadana Idoorkan dabada basbaaska ka soo marinayaa uu hadhow danihiisa ka raaci doono. Way fududahay sida dhawr qof ay fidno u abuurto, laakiinse way adagtahay sida loo qaboojiyo.

Ugu Dambayn shakhsiyaadkan xinjiro fajaasyada ahi, iyagu xumaantan ay wadaan waxay ka helaan ayay leeyihiin, inta kale ee daawanaysaayise hawl culus ayaa u taala. Siilaanyo wuu tegi doonaa sidii kuwii ka horeeyayba ay u tageen, laakiinse dhulka iyo degaanku waa ma guuraan. Taa ha la ogaado. Dadkan yawda ahna ha la iska qabto, hadii kale waa la arki doonaa halka ay ku dambayso xumaanta ay firdhinayaan.

Harowo Desk, Boorama


This post has been viewed 425 times.

camud

14 Comments for “Faallo: Shalay Uunbaa Huudhaydh Qabyaalada Laga Dhex Raadinayay, Maantana Ma Waxan Aqbali Karnaa Xaflada Aroos, Ayaa La Isku Hayb Soocayaa?”

  1. aicha

    DHEGXUMADIINA RAGOW MAGACA SAMAROON AYAAD XAJIIMAYNAYSAAN INTIINA KU DHEXJIRTA XUMAANTA IYO CAYDA IYO KALA FOGAYNTA UMADA SAMAROON EE INABA KALAMARRSAMAYN ISLA XISHOODA OO UGURMADA CARUURTA SAMAROON EE GAAJADA IYO CUDURADU KU DILAYAAN DHULKAAD KASOO JEEDEEN HADAAD DAMIIR INABA LEEDIHIINNNN SUBXAANALLAAH ALLAHII INA ABUURAY XUMAANTA MAANTA SAMAROON KU JIRO KA SAARO AAAAAMIIIIIIIIIIIIIIINNNNNNNN
    WALAAL KII JECEL INUU CAYTAMO OO UU CAAYO UUN QOF JP AMA HABAR CAFAAN AMA MAXADCASE INTABA ANIGA AH ILASOO HADAL OO HABEEN IYO DHARAAR I CAY LAKIIN KADA WEBSETYADA CAYDA FADLAN ANAA LAMBARKAYGA KU SIIN WAAYO AFCAYDAMAY ISAGA AYAA WAX ISKU DHIMAY EE CID WAX MAYEELIN

    VIVE MIDNIMO SAMAROON VIVE GUUL SAMAROON

  2. Nasir

    Waar kuwani suldaanadu miyaay waalan yahiin ninmankii tolka kalageeyey ayaa leh ooo ooo abaaraa jiree qurbajoogoow soo orda abahiin iyo khaniisiinta aatahiin wasa wajooga ayaan nacey cudurka uu ugu horeeyo idiot dhawal iyo stupid samatar.

  3. khadra

    Guuleed,

    intaad adigu harowo wax ka sheegayso miyaanad arag webka la magac baxay xeego roda misaan qorto, siday dadka ugu caydo miyaanad arag, siday niman iyo hablo dhan oo sharafleh xaarka u marmariso miyaanad arag. bal waxa ku qoran soo eeg oo markaa ayaan agiga kaa sugo war.

  4. Rooble afteef

    salaan guud beesha makhaahiil laandheerayaashooda jyoonis, aduunyada Nin nooloow maxaa aragti kuu nool waar aduunyada miyaad aragteen deeq meeshii ku habooneeyd lagala soo leexdo lugu soo shubo downtown ama suuqa waar musuqmaasuqa iyo imaqashiida tolka halagalodhexbaxo dharkan iyo waxii lahalmaala waxaan iska leh dadkan u baahan sida xeebaha waqooyiga awdal,bariga iyo galbeeddka show maaha borama dhexdeeda.

  5. Subxaanallah raga samaroonooow waar illaahay ka baqa oo iska daayay calool xumada iyo qaabilka iyo waxaad kala tirsanaysaan waxaa tihiin dad walaala ah oo samaroon oo dhan makala maarmo meelna makala tagaayo idiinku cadawgiina haa isu jabininaa oo ha isu noqoniina dad isu xaasida dhexdiina ha is egiina iska egaa dadka shiisheeyaha ee isu kiin diraaaya ee qolo qolo iskugu dhufday samarooon oo dhan walaalayaa alle ka baqa oo qacmaha is qabsada samaroon oo dhan meel walooy joogaan daafaha dunidaa salaamu calaykum walaalayaaaa

  6. Darbisamaoon

    Wiilka afkii reernuur ku hadlayoow adeer beenta ka daa dadka reernuur waa makaahiil ilaahay ayaa ka dhigay,haddaad jibriilyoonis u bugto way kula jogaan Sanca ee raadso oo waxaad halkan kusoo qoroyso iyaga sitoosa ugu dhe haddii kale adeer faataa dhugta nagadaa.
    Makaahiilna waa mid maanta Oo cagtay marinayaan yar yaroodkan is biirsaday ee waranyada u ambabaxay.
    Adigana xaalkaagu waxa weeye maahmaahdii soomaaliyeed ee odhan jirtay [ Nin waliba wuxuu doonayaa deeqa ] kaliya adiga waxaa ku deeqi intaan ogahay waa reer dilaad oo samaroon gooni uga saarto,nin wayn baad tahaye calool xumada tolka ka daa iyo kala jabintaada ardaa hoose kusalaysan.

  7. waxaan odhan lahaa nimanka waxan qora ee jibriir yoonis miyeyna is ogayn waxa ay ihiin haduu dagaal yimaado ma waxay is moodayaan reer nuur reer maxamad aadan yoonis bahabar muuse abrayn iyaga naaga ha ayaa dhaama maalinta dagaal hadii maanta qoloka mida kuwaa aan sheegay hubka u soo qaadato alaahi inan la arkayn meel ay mareen ee ha iska hadlaan waa naagaha samaroonka

  8. waxa la yidhi hadalbadan haan ma buuxsho samaroon waa mid ka kala jeclaystaa waa gun samaroon midhna waan idiinsheegayaa waar siyaasi reerma aha wuu ku awr kacsadaa bal u fiirsada rayaale qulu jeed muxuu ku kordhiyey saylic boon iyo libaazlay muxuu ku soo kodhiyey gacantii buu maqas gooyee intee mashruuc oo samaroon leeyuhuu maqas u qaatay sidaa darteed mustaqbalka dhabtu wuxu yaalaa gacmaha bulshada samaroon taagi meel ay dhigtaba diba iyo gudaba waa kuwaa dadaalaya ee shacabka halaga joojiyo xadantada iyo xumaan beerka aan jirin samaroona isma necba waxna iskuma haystaan.

  9. ASC DHAMAAN TIHIIN

    JAWAAB KU SOCOTA KHADAR

    KHADAROW MARKA SALAAN QOFKU MAGACIISA AYUU KU HADLAA AMA KU DOODAA ADIGU MAGACANI MAXAD CASE INTOOD NOO DHIGTO HABAR CARFAAN NIMO ISKU DIFAAC

    JIBRIIL YOONIS AYAAD KA CABADAYSIIN HADAD TIHIIN HABAR CARFAAN MARKA LAGA REEBO XEEBJIRE IYO DHEGA WEYNE

    KHADAROW HADABA MAGACAAGA KU DOOD OO MAXAD CASE MEEL ISKA DHIG ,,,, MAXAD CASE IYO MAKAAHIIL HADAY ISKU TUFAYAAN IYAA ISKU TUFIYE ADIGU KU HADAL MAGACA HABAR CARFAAN SIDA LAANGAABKA SUNTA AH EE U BAHAN INAY JIBRIIL YOONIS GACAN SAARAAN ……SHEKADUNA WAXAY TAGAN TAHAY JIBRIIL YOONIS IYO HABAR CARRFAAN MARKA LAGA REEBO XEEBJIRE IYO DHEGA WEYNE
    HABAR YEESIF
    REER CIISE
    FAROOLE
    REER XAMUUD
    JIBRAACIN
    IYO QASHINKA AAN ILOOBAY EE KALE

    WAX ISKA CELIYA DHAWAAN WAXAA BILAABMAYA GACAN KA HADALE

  10. WIIL-WAAL

    Waa Goorma Goortaad Leedahay AABO
    WEBSITEKAN ina sheekh faarax ma jecli in aan booqdo balse maanta waan soo booqday waa waa meesha sunta lagu kala qaato ama sunta samaroonka lagu sameeyo ina sheekh faarax wali laguma arag website kiisanoo wax dadka isku soo dhawaynaaya ka sheekaynaaya ninka websitekan wax ku soo qorayaana waa sumaysan yahay

    ninka cabaadkani ka dhacaayo waxaan odhan lahaa adiguba dharaaraad ka qos laysay dhooshee wali la isma gaadhin waa la isku xiirayaaye adkayso 3 sano ee hadhay iyo 5 kale ee doorashada lagu guulaysan doono ama lagu shuban doono sidii Daahir caga-wayne

  11. khadar

    sxb magacaaga iyo cidaada u hadal habar carfaan tamarteedii waa la ogaaday marka la hadloba m.casoow bay leeyihiin waar maxamed case makaahiil kaa celin maayo futo nin kale laguma faano in badan ayaad faan dayn waydeen laakiin nin meel idin saaray ayaa soo baxay
    maxamed case na dagaalba kuma socdo kafdana kuma socdo kaasi waa soo dhamaaday

  12. xaawa lula

    KULMIYE WAXA GALA GUNTA WIXI XANAAQSAN WIXI GARAAD XUNEE LA RABO LAGU SHAQAYSTO BAL U FIIRSO WIXI ASALKA AHAA SAMAROON RERKASTA BA DHEEH WAXAY KU JIREEN UDUB WIXI CAYAYAANKII EE ISKA SOOO HADHKI JAABOJAABO AYA KULMI GALI JIRTAY AHAHAHH MARKA HA LA YAABIN. WAXASOO KALE DIGAGAD FOOQ LA SARAY BA LA YIDHAAHDA.

  13. Asc dhaaman inta muqaalkan akhriyi doonta. Walee waa yaab Anu waxan indhahadaba malaha waa akhira saabaan mise qoom anan horay uu jiriin ayaa hada so baxay. Oo bartaya sidaa Website. Ka waxa loogu qoro. Baal ilahay ayaan inigu dhaariyee ninkaasi waa xiiqaay kaalmada aan ku qimeeyo oo aw qoraya haba yaratee majirto waxanan ahayiin suun aw dhex dhigaayo umaada wada dhalatay ee samaroon Marka waxan odhaan laha ilmaderayaal inaaga daayaa waxan anu ku kala fooganayiino oo danaheena aan ka taashanee dhaanka cadawga haloo jeesto dadkani waa dad wada dhashay oo meel makala tagayaan mana kala adkaa. Aan Baal eegno. Dhuulkeeni waa lala wareegaya hada gobolkii salel AMA saylac Ciisu gabi ahantiiba gacanta uu galaya dhankan kale idoor ayaa soo sinqaaya itoobiya gabi ahanba. Waxabayahay ayaan ka nahaya marka hadan nahay dad damiir leh waa inaan waxa ka damaqanaa oo anan ku mashquulin kubaadan la ino tuuraya. Takale waxan ku darsan laha in loo fidiyo umaada ku dhibatayiisaan xeebaha goboladeena. Oo si walati nimo iyo samaroon nimo ku jirta logu gurmaadaa walahi ulmaderayaal sidaani waa doqoniimo iyo saaqid nimo wayiin Ilahay dad ayuu inaaga dhigee toloow sidaan halaga waantoobo waxan ini rajayiinayaaa guuul iyo horomara. waa bilahi tawfiiq.

  14. Goormaa iyad ogaateen,iney qalad tahay
    walaalka oo la qaadiya,walaalka oo laa
    caabudhiya ama walaalka oo booliis lo
    adegsada?waxaad yeelii jiirteen uunba
    leyniga yeelaya ee ma sidan iyad uu
    jilicsaneyden?8sanoo maxamed case
    iyo habar cafan cabaneysa lama arag
    ee waxa no cadatey qootidu iney ugu
    jilic santahay beesha samaroon.

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH