Harowo.com

FAALLO: Muxuu ahaa doorka M/weynexigenka Iyo Masuliyinta G/Awdal iyo Selel kaga jirta Xukumada SL ay ku lahaayeen Muranka Maamul Ee Hadheeyay Degmada Saylac bilihii inna Dhaafay?

 

Waxa haatan sii damaya ama iskaba qaboobay khilaaf muddo laba bilood ah ka taagnaa maamulka saylac ,iyadoo beel ka mid ah beelaha degaankaasi ee lagaga adkaaday doorashooyinkii golayaasha degaanada dalka ee Saylac ka dhacay ,hase yeeshee beeshaasi ku qanci weyday itaalkeeda dhinaca degaanka ,isla markaana buuq iyo abaabullo siyaasadeed iyo kuwa beeleedba ka dhex bilowday soomaaliland iyo dalalka deriska ahba .

Masuulyiinta soomaaliland oo in badan dhegeysanayey cabashooiyinka gardarada ah ee kasoo baxayey beesha Ciise ,dhegeystayna wufuuddii beesha Ciise uga kala timi dalalka deriska ah  iyo masuulyiintii  soomaaliland ee Beeshaasi ,isla markaana dhegeysatay taageerada beel ka mid ah beelo kale oo ka mid ah Soomaaliland  , la tuhunsanyahay inay beesha Ciise hoosta kala wadeen kaambaynkaasi ,ayaa aakhirataankii la dhaafi kari waayey   go’aankii guddiga doorashooyinka  soomaaliland ,xaqana siinayey beelaha aqlabiyadda kagasoao baxay golaha degaanka ee degmadaasi ,faragelin kastoo lagu sameeyeyna waxba tari weyday .

Markaan usoo noqonno  doorka beelaha Samarroon iyo masuulyiintooda ka qaateen ololaha lagu mijoxaabinayey maamulka Saylac ama lagu taageerayey maamulka halkaa laga doortay ,ayaan  kusoo qaadanaynaa doorkii ay arrintaa ku lahaayeen masuulyiinta gobolka awdal kaga jirta xukumadda soomaaliland ,uuna ugu sarreeyo M/xigeenka sita magaca degmadasi lagu muransanaa ,C/raxmaan Saylici.

Inkastoo ad mooddoo in beelaha Samarroon maanta ka siinaayeen  aragtida ah in la daafaco maamulka halkaa laga doortay ,guusha lagu gaadhay hadafkaasina la wada sheeganayo, balse laga yaabo inay jiraan qaybo  hoosta kala socdeen beelaha muranka geliyey magaaladaasi maamulkeeda ,isla markaana ana daacad laga wada ahayn dedaalkaasi  markaad eegto  doorka siyaasiyiinta , dhallinyarada iyo muwaadiniinta kale ee reer awdal,waxanad mooddaa in masuulyiinta soomaaliland kaga jirta gobolka Awdal ahaayen kuwa dhinac ka ilaashanayey shaqadooda ,dhinacna dadweynaha isku tusayey mujaahidiin Saylac soo dhicinaysa ,shaqadooduna ahayd uun qawda maqashii waxna ha u qaban.

Waxa taasi daliil u ah

A- Doodda ay ka bilaabeen Saylac ,golaha halkaa laga doortayna  u bandhigeen ama usoo jeediyeen inay ka tanaasulaan maamulka magaalada.

B- Sida wafdigii ka koobnaa wasiirada  Samaroon ugu guuldarraysteen inay xaflad xilwareejin ah u qabtaan maamulkii la doortay ee degmadaasi iyo kii laga wareejinayeyba ,waxana inta badan socdaalkooda hagayey  Hargeysa ,oo uu joogo madaxweynihii G/awdal .

C- Midda kale marnaba masuulyiinta  gobolada Awdal iyo Salal kaga jirta  maamulka Soomaaliland ,marka lagu daro m/xigeenka,  si toos ah iyo si dadban midna xukuumadda uguma eedeynin faragelinta ay ku hayso maamulka saylac iyo sida gurmadka gardarada ah loogu badhi itaalayey beesha Ciise ,oo iyagu Hargeysa iyo meel kastaba masuulyiintooda iyo odayaashooduba si an kala hadh lahayn oo cad uga hadlayeen damacooda.

Sidaa darteedna masuulyiinta gobolka Awdal kaga jirta xukuumadda Siilaanyo laguma ammaani karo doorkii ay ka qaateen  arrinta Saylac ,waxaba la odhan karaa way mijo-xaabinayeen mar haddii ay sadexda qodob ee ABC-ba ay ku sifoobeen .

Dhinaca kale m/xigeenka oo ah masuulka ugu sarreeya gobolka awdal,ayaa isagoo askar farobadan wata wafdi ka socda xukuumadda soomaaliland kusoo hor kacay Boorama isagoo og xaraaradda dadweynaha reer Boorama iyo cadhada ay waftiga imanaya ka qabaani heerka ay taagnayd

M/xigeenku wuxu watay ciidan tiro badan iyo gaadiidka dagaalka oo aad moodeysay inuu duulaan ku ahaa dadka mudaaharaadayey ee an hubaysnayn,waxanay ciidankaasi  geysteen toogashooyin dadna ku dhinteen ,dadna ku dhaawacmeen ,taasoo ka dhalatay cadho lagula duldhacay wafdiga uu wakhtiga   xun soo geliyey magaalada,hase yeeshee xag ilaahay uun khasaarahaasi ku yaraaday ,haddii anay qorraxdu dhicinna khahasaaruhu intaa kasii badan lahaa  .Ciidankan toogashooyinka geystay  ayaa  waxa ku jiray qar ka mid ah Ilaalada madaxweynekuxigeenka  ee Hargeysa,mana dhaceen klhasaarahaasi hadii uu m/xigeemnku iskii Boorama u iman lahaa dadka  ama gobolka uu kala tashan lahaa arrimaha Saylac ,balse an looga fadhiyin inuu ciidammo hubaysan  soo duldhigo bannaanbaxyada dhacayey.

Guud ahaan marka la eego dareenkii noocaas ahaa kuna saabsanaa maamulka Saylac iyo faragelinta xukuumadda ,waxay cid kastaa ogaatay inaan la dhaafi karin dareenka dhallinyarada iyo muwaadinka caadiga ah ,khasabna lagu qaato,sidaa darteedna an la aodhan karin  m/xigeenka ,odaydhaqameedyada ama salaadiinta  gobolka ,wakhtigii Rayaalena qayb ka ahaa  dhibaatada  Saylac  Samaroonka ka qabsatay iyo siyaasiyiinta kale ee reer Boorama ka joogta Hargeysa ayaa ka dambaysay soo celinta maamulka Saylac ee beelaha samarroon ,waxayna ku timi dhiiggaa dhallinyarada iyo shacbiga caadiga ah .

Harowo


This post has been viewed 277 times.

camud

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH