Harowo.com

Faallo: Cabdiraxmaan Saylici, oo Jabuuti Lagaga Saxeexay Arrimo Xasaasiya oo Ku Saabsan Gobolka Salel iyo Xeebaha Awdal

Socdaalka madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ku tegay dalka Jabuuti, ayaa kiciyay dareeno badan oo waayadanba isa soo tarayay, kuwaas oo markii hore u badnaa tuhun laga qabo siyaasadda Jabuuti ee ku wajahan xeebaha galbeedka Awdal, laakiinse maanta dhaboobay.

Warar aanu ka helnay ilo wareedyo ku sugan dalka Jabuuti, waxay noo xaqiijiyeen inkasta oo uuna Cabdiraxmaan Saylici la kulmin madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, kaaso markii uu Saylici soo galayba u baxay shirka Soomaalida ee ka socda dalka Turkiga, waxa loo diyaariyay oo uu bedalkiisii la kulmay dad gaar ah oo ay xukuamada Jabuuti soo xushay, kuwaas oo ay ka wada hadleen arrimo xasaasiya oo ku saabsan gobolka Salel iyo sida loogu kala baxayo mulkiyaddiisa.

Wada hadaladan dhexmaray Cabdiraxmaan Saylici iyo ergooyin ka soo jeeda beesha Ciise ee loo sii diyaariyay inay Saylici la kulmaan, ayaa waxay markiiba si dhakhso ah u gudo galeen sidii Cabdiraxmaan Saylici looga ansixin lahaa qodobo horey loo sii diyaariyay, kuwaas oo sida la sheegay aanu badankooda waxba ka bedali karin.

Warar laga soo xigtay ilowareedyo dusha ka socday socdaalka Saylici ee Jabuuti iyo wada hadalada dhexmaray isaga iyo xubnaha beesha Ciise, ayaa sheegaya in guud ahaan Saylici uu si duuduub ah ku ogolaaday waxyaabihii laga codsaday, isla markaana laga saxeexay qodobadan hoos ku qoran:

 1. In Aanay doorasho ka dhicin gobolka Salel, gaar ahaan degaanada ay sheegtaan beesha Ciise. Ardaayada beesha Ciise ee dega Somaliland, ayaa waligoodba ka soo horjeedi jiray inay ka qayb galaan doorashooyinka dalka ka dhacay, iyaga oo hadi jeer ka doorbida inay Liis ani foos ah ka soo baxaan.

2. In Ciidamo ka soo jeeda beesha Ciise oo dhawanahanba lagu tababari jiray meesha la yidhaahda OSOOLI la kordhiyo, iyada oo qaar kale oo Jabuuti lagu tababarayana lagu soo daabulo gobolka Salel, ka dibna sida qorshu yahay la qarameeyo oo la yidhaa waxay ka mid yihiin ciidamada Somaliland.

Ciidankan Ciisaha ee Salel la soo dhoobayo, ayaa sida la sheegay waxay ilaalinayaan, isla markaana horseed ka yihiin qorshe balaadhan oo lagu midaynayo degaanada beesha Ciise iyo in laga faa’iidaysto khayraadka dhulkan ku jira, sida macdanta iyo saliida.

3. In sirdoonka iyo hawlwadeenada xukuumada jabuuti iman karaan, wixii ay u baahdaanna ka fulin karaan gobolka Salel, hadii ay gargaar dheeraad ah u baahdaanna xukuumada Somaliland u fidiso.

4. In xukuumadda Jabuuti u gacan banaanaato wixii horumar ah ee ay ka hirgalinayso gobolka Salel, isla markaana aanay soo faro gelin xulkuumada Somaliland, gaar ahaanna beelaha Gedbuursi.

Hadaba, ogolaashaha Saylici ee uu duuduub ku qaatay qodobadan kor ku xusan, ayaa waxay meesha ka saaraysaa sheegashada beelaha Gedabuursi ee gobolka Salel. Sidoo kale, ayaa waxa qodobadan horey looga saxeexay labada suldaan ee Dhawal iyo Samatar, kuwaas oo hormood ka ahaa diidmada dib u soo noolaynta Ugaaska beelaha Samaroon, kaas oo ah caqabada ugu weyn ee hor joogta in la qaato xeebaha galbeedka Awdal.

Wararkan, ayaa waxa kale oo ay intaa ku dareen in dhibaatada iyo tacadiga sida gaarka ah loogu hayo dadka Gedabuursiga ka soo jeeda ee ka socda magaalada Lawyacado uu la xidhiidho arrimahan aan kor ku xusanay, waxaana la sheegay in Gedabuursiga la tuso in aanay dhulkan xaq ku lahayn, sidaa darteedna ay madax furasho bixiyaan marka ay dhexmarayaan gobolka Salel.

Siyaasadan tacadiga ee ka socota Lawyacado, ayaa sida la sheegay waxay qayb ka tahay qorshe balaadhan oo la doonayo in Gedabuursiga la ogolaysiiyo inay ka waantoobaan sheegashada dhulkan.

Si kastaba ha ahaatee, saxeexa Saylici maanta qalinka ku duugay in beesha Ciise ay mulkido gobolka Salel iyo xeebaha galbeedka Awdal, ayaa waxay dabo socotaa tii Daahir Rayaale ku wareejiyay Ciisha maamulka degaanaadaasi, waxana la odhan karaa Saylicina intii u hadhay ayuu maanta Ciise u dhameeyay.

Harowo Desk, Boorama


This post has been viewed 1374 times.

camud

60 Comments for “Faallo: Cabdiraxmaan Saylici, oo Jabuuti Lagaga Saxeexay Arrimo Xasaasiya oo Ku Saabsan Gobolka Salel iyo Xeebaha Awdal”

  1. Rooble

    waxaan ilaah hada garan laahay Gadabuursi goorta uu hurdada ka toosi doono, maxaa idinka idiin diiday inaad ciidamo samaysataan oo dhulkiina ilaashataan………………….waar hurdada ka toosa illaahay caqlibuu idin siiyee.

  2. salamu calaykum gabi ahaanti samaroon ila dhagaysta sheekadan oday ayaa dhalay sadex ragg wuu gabobay waxa uu arkay raggi uu dhalay oo wawaynaday maalinbu iskugu yeedhay mid walba waxa uu ku yidhi ull soo qado way soo wada qateen mid ka mid ah ayuu ku yidhi bal kala jabi ushaada wu kala jabiyay dabadeed buu hadana ku yidhi sadexdaba isku qabo oo kala jabi wuu kari wayay markaasu ku yidhi aabo hadaad gacmaha is qabsataan waligiin la idin kala jabin maayo ee gacmaha is qabsada marka waxaan uga jeeda hadii aan midawno oo isku tagno wallahi cid inaa jabinaysa ma jirto sommali oo dhan wala isaaq wala ciise wala darood wala hawiyewaxanu nahay dadka ugu aqoon badan ee somali ugu horeeya ilbaxnimo gesinimo meel walba inaga ugu horayna illahayna qowlkeena haa mideeyo ammin oo wa inaanu samaysana urur wayne ay ku midobeeen samaroon oo dhan makahiil mahad case iyo habar carfaan dad mid ah ayaana nahay walalayaal fikirkagu wa sida ee ila qaata

  3. salamu calaykum gabi ahaanti samaroon ila dhagaysta sheekadan oday ayaa dhalay sadex ragg wuu gabobay waxa uu arkay raggi uu dhalay oo wawaynaday maalinbu iskugu yeedhay mid walba waxa uu ku yidhi ull soo qado way soo wada qateen mid ka mid ah ayuu ku yidhi bal kala jabi ushaada wu kala jabiyay dabadeed buu hadana ku yidhi sadexdaba isku qabo oo kala jabi wuu kari wayay markaasu ku yidhi aabo hadaad gacmaha is waligiin la idin kala jabin maayo ee gacmaha is qabsada marka waxaan uga jeeda hadii aan midawno oo isku tagno wallahi cid inaa jabinaysa ma jirto sommali oo dhan wala isaaq wala ciise wala darood wala hawiyewaxanu nahay dadka ugu aqoon badan ee somali ugu horeeya ilbaxnimo gesinimo meel walba inaga ugu horayna illahayna qowlkeena haa mideeyo ammin oo wa inaanu samaysana urur wayne ay ku midobeeen samaroon oo dhan makahiil mahad case iyo habar carfaan dad mid ah ayaana nahay walalayaal fikirkagu wa sida ee ila qaata

  4. maxamed

    wara lawuwu makh nodo ciise halkudaga cise wajabuutisaylac iyolowyecad wa dhulsamaroon

  5. MAXAD CASE HA NOOLAADO .KA NAXOOW NAFTA WAA

  6. salaan

    marka isku soo wada duuboo waan arkay comment aad sog aliseen dhamaan midba sida uu ku hadlayba waxaa mihiimadu tahay,dagalkii sokeeye ee isaaq iyo ciise iskaashadeen xariirad iyo saylac inta ka dhaxaysa anaa u talin jiray isaaq iyo ciisena garbaale ayaan iskugu geeyay, ma u malayn imika oo aan dowlad haysto in dhayal wax layga qaadan, ma umalayn saylaci oo ahaa kii noo suuro galiya shalay ee dekada saylac ilaa xariirad in aan xorayno ee shadaalka iyo raashinka ila daba joogay ee boorama iyo cadan isku xiray ee ogaa 480 wiil ee u dhintay xeebaha e ahabr xusen in uu dhayal wax ku saxeexo???
    ayada oo aan maxad case kaleba laysa soo gaadhin,
    ciise waa rer abtigay dagalkisokeeye ayay nagu qaldameen oo shir aanu la galnay 1989 meesha loo yaqaan qadar iyo ilyaas markii SNM tu soo gashay saylac iyo xeebaha ayaan ku nidhi abtiyaal ragan isaaq ayaan is haynaaye hanoo raacina waayahay ayaan isla ogayn jeexoo ahaan juiray gudoomiya kaam kii quxootiga ee darbi xoore ayaa nooga danbeeyay oo ciise dagal gali ayay waa ka naanaasiyeen oo waa tii ay xaal iyo rali galin arinta ka bixiyeen waxaana hadana lagalay shirkale 1991 magalada c/qadir waxaanu ku heshiinay in xudooda noo dhexeeyaan, raali galina way ka bixiyeen waagii hore gofkii ay naga galeen meel aan kala tegnaan runtii majirtoo jabuutiba waynaga dhexeysaa sidaa darateed ciise wa re abtigayo k darsoo gacaltooye badana waanu nahay waanu isdhalnay wax aaan la dhaafi karin ayaa noo yaala ee dhalanteedka dadka waxmagaratadaa run hamoodina ilmo adeero yaaal ,
    sida hada muuqata waxaa dhici doonta in cadaawad aad ciise gashataan raan sida xun u hadlayoow ay idiin gaar ahaato oo aadan awr kiisa jabuuti uusan tegi karin ilayn awalba magacayga ayaad ku marijirteeen meeshaa in farta lagugu fiiqoo oo sidii ragii gabiilay lagu laayay,lagugu gowr gowraco ayaad wadaan ayaan filayaa, markaa umada alah ayaa wada dhigay mabdaqadan ee ilaahay u so noqda inta xumaha wadaay
    cumar xadaari

  7. Beelaha max’ed case maaha mid dhulkeegu gorgortan gali karo maha nimankaasi makaahiil oo gabiley maalin walba lagu gawracayo . Beelaha max’d case dhulkan saylac iyo xarirad iyo agagaarkeda iyaga ayaa iska leh sideed boqor oo max’ed case ah ayaa ku aasan saylac ma nihin dad ay abaari keentay ama dad reer guuraa ah waa dad dagan magaalooyinkaa waanad aragteen. Ciisahana xuduud ayaanu leenahay xuduuduna waa xadka s/land iyo jabuuti ama siliga faransiisku dhigay. Ciise waa abtiyaashay waanu is ogolayn waayo waxa la yidhi oodi ab ka dhaw lakiin waxa isku kaaya diray daahir rayaale oo dhulkii max’ed casaha maamul uga dhigay .balse maanta maaha ayaamihii daahir saylac iyo agagaarkeedana waan haysanaa waaney iska tagayaan dadka maangaabka ah alla mahad leh

  8. hadaanu nahay cududa ugu weyn beesha samaroon cida iyo aan soo fara galisa badaha talaabo sharciya ayaanu ka qaadi doono waa balan tasi ogaada ama ciidan keen ina geelay ama

  9. Foolxumo katiiray

    Anigu waxaan ka tafiirmay foolxumo katiiray dabiga ha lajoojiyo makaahiil cayda ka daaya waa rag is kaafiyay , waa super power cidii soo Hoos gasha reerkasi dabi dhaf ilahay ha loo waydiiyo alla Wayne waa dad awood leh, balse malintay kacaan waalagu kala guuri, ee nabad ku daaqa

  10. anagaanu dhulkaan u joogna oo difaacayna ilaa dhibicda u danbaysa ee dhiigayaga ayaan u horaynaa….. fulay yahay

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH