Harowo.com

Dood Furan: Sidey Reer Awdal Kaga Bixi Karaan Habacsanaanta iyo Habrashada Badan ee Geyeysiisay In Cidiba Wax iska Saari Weydo? Q-2aad. Ka dhiibo fikirkaaga

Fariin Ka Socota Tifaftiyaha Harowo: Dadyahow Intaad Iscaayaysaan, Bal Car  Waxyaabahan Kale ee Idinka Idin Khuseeya, Sida Maqaalkan oo Kale Ka Faalooda. Qaybtii Hore Hal Qof Ayaa Fikirkiisa Ka Dhiibtay, Taasi Miyaanay Fadeexad inteeda Leeg Ahayn!

Adduunku Waa Fasal, Wakhtigu Waa Macalin Waayo-arag ah, Dharaaruhu Waa Qalinka Wax Lagu qoro,Dhacdooyinkuna Waa Duruus Lama illaawaan ah. Ha yaabin ee La qabso Maalmaha Nolosha, Isbedelada Iyo Kala Duwanaanshaha Arwaaxda Bani’aadamka iyo Afkaartooda.

Waa qeybtii labaad ee aan ku eegaynay sida ay reer ASAL kaga bixi karaan habacsanaanta iyo habrashada badan ee gun-nimada baday. Juqraafi ahaan Reer Sh. Samaroon Waxay Ku Dhaqanyihiin Dhul istaraatiji ah. Waxay Dhacaan Degaan Sadex-xagal ah, Waa sadexda dal ee Somalia, Itobiya iyo Jabuuti. Waxay leeyihiin xeeb dheer.

Waxa jira CAD qofka bani’aadamka ah ku yaal oo haduu wanaagsanaado jidhka kale oo dhami wanaagsanaado haduu xumaadana jidhka oo dhami xumaado, dhinaca Somalia(Awdal/Salal) waa Cadkaa Oo haday wanaagsanaato labada qar ee kalena waxay yeelanayaan karaamo, Laakiin Inta Samaroonka Somalia dusha lagaga fadhiyo, kuwa Itobiya iyo kuwa Jabuutina ma tamarinayaan, waana sababtaa midda aan Awdal/Salal u xushay markaa waxa loo baahanyahay in sadexda dhinacba iskaashi dhex-maro.

Samaroonka Somaliya Wuxu godka ku dhacay 1991-kii. Weerarkii ay SNM 1991kii dadka Awdal iyo Salal dega kusoo qaaday Ee ay Ku Xasuusqday Wuxu Mudnaa In Laga Jawaabo Lakiin Ma Suurto-galin, dhawr arimood darteed.

Xukuumadii Somaliya ka talinaysay Oo Meesha Ka Baxday Kadib Markii Jabhadii USC ee Uu Hogaaminayay Jenaral Ceydiid Ay Muqdisho Qabsatay. Taliskii Mingiste Oo Guud ahaan masuul ka ahaa bur-burkii Somaliaya Oo Qeyb Ka Ahaa Dagaalka Lagu Soo Qaaday Degaanadan isagoo baadigoobayay Oromo mucaarad ku ahayd Oo SNM ka dhaadhicisay inay Borama sal-dhig ku leedahay.

Xukuumada Jabuuti iyo qeyb ka mid ah Shacabka reer Jabuuti Oo Taageero siin jiray SNM, kadib markii jabhada SNM ay beesha Ciise la gashay heshiis dhigayay in Gadabursiga marka la tir-tiro dhulkiisa iyaga la siin doono.
Shakhsiyaad Reer Awdal Ah Oo Jabhada SNM La Socday Oo Ka Shaqeeyay Sidii Xukunka SNM Loo Ayidi Lahaa.

Odayadii iyo Hogaamiyayaashii Wakhtigaa Oo Xal u arkay isku dhiibidda SNM.

Duruufahaa iyo kuwo kale oo isbiirsaday ayaa suurto-galiyay in shacabka reer Asal (Awdal/Salal) ay gacanta u galaan maamulkii jabhada beesha Isaaq. Halkii ay ka ahayd in Gadbursi uu weerarkaa iyo gumaadkaa jawaab ka bixiyo madaxuu ciida galiyay. Dhiigooda la xalaashaday, yasmada iyo xadhiga joogtada ah Ee lagu hayo wuxu salka ku hayaa gun-nimadii 1991kii ay qaateen.

Sababta, marka wax laga dilaba ay nabadbaan qaadanay u leeyihiini waa taa, waa dhirabaaxadii quudheed ee 21sano ka hor ay qaateen, wiilkii maalintaa 10 jirka ahaa maanta waa sodon jir, wuxu ku barbaaray aabihii oo cabsi mooyee aan wax la iska celiyaba ka sheekaynayn.

Waxa loo sheegay hooyadii iyo walaalkii in Snm laysay lkn snm maxay ahayd? Ma gobanimadoonkii SYL ee gumeystihii reer yurub ka horyimidbay ahayd. Waxa ay snm ahayd iyo sababta ay waalidkii iyo walaalihii u laysay cid uga sheekaysay ma jirto. Somaliland waxa ay tahay iyo cidda samaysatay looma sheegin, Calankan cas ee towxiidka dhexda lagaga darey wuxu ahaa cidi uma sheegin.

Markii uu wiilkii waayey cid wax u sheegta, markii aabihii iyo umadii uu ku dhexbarbaaray wixii dhacay uga sheekayn waayeen waxa uga sheekeeyay kuwii(snm) hooyadii iyo walalkii dilay, waxay ku yiraahdeen Mujaahidiinbaan ahayn xaq u dirira oo ehelu janno ah, wixii aan dillayna cadow bay ahaayeen.

· Snm maanta waxay ku dhiiratay inay yiraahdaan manhajka waxbarashada halagu daro Mujrimiintii Shicibka Maatada ah xasuuqday.

· Caruurtii wadanka waxay u kala sameeyeen dabaqado (categories)

· Qaar waxay ka dhigeen First-class qaarna Second-class

Nin dharabaaxo quudheed dugsada dhaqanyadeed maal, dhashaaday sugtaa xaajadaad dhawrsataa abid, rag baa taa horey u yidhi, waa wax lasoo tijaabiyay oo laga soo midho dhaliyay. Dadku ma maantay dhasheen sow qarniyaal masoo jirin.

Mushkilada dadkan haysta markaan si dhab ah u daraaseeyay waa kalsooni darro. Dagaal uu Gadabursi galo oo warankiisa iyo wiilkiisa laga cabsoodo qarni iyo badh ka badan baa ugu dambaysay. Ragii qarnigaa iyo badhkaa talinayay iyo kuwii ay ka tageenba timo dheerbay noqdeen.

Aniga waxay ila tahay in dadkan isbedel lagu sameeyo, oo kalsooni lagu abuuro oo uu bal Samaroon istijaabiyo. Labaatan sanaa dhalinyartan wax lagu shubayay, waxan doonaynaa wixii labaatankaa sano lagu shubayay inaan ka shubno oo aan quluubtooda ka sifayno cabsida iyo buqdiga laga buuxiyay. La soco………………

Jawhar Qalinle

Email: Qalinshiil@hotmail.com


This post has been viewed 482 times.

camud

35 Comments for “Dood Furan: Sidey Reer Awdal Kaga Bixi Karaan Habacsanaanta iyo Habrashada Badan ee Geyeysiisay In Cidiba Wax iska Saari Weydo? Q-2aad. Ka dhiibo fikirkaaga”

  1. Abdi guray

    Eedoorku tariikh ma leh hurumarna maba gaadhii Karaan garaad ay isku maamulaana maba leh in la maamulo mooye waadigaa arkaaya hada waxa haysta mangistihii ay kaarahiisa daba soconayeena Waa tagay . Haryana waxba iskama celin jerin
    Waa inta aan alaabta u qaadan ,

  2. BULLO

    samadoon ninka la baxow dhulbahante afkaaga ka leexi dhulkiisa 80%waa xor ay khaatumo state ka taliso e waa maxay dhirbaaxada gaadhay dhulbahante ee aad samaroon ku bajinayso waar dhulbahante waa iska celiyey isaaq weligiisa isaaq kama guulaysan wax kaloo faaiido leh u sheeg dadkaaga intaad ka bajinayso maxaad wajiga u foorarin xagee lagugu gumaysan jiray huuno
    viva khaatumo iyo awdal

  3. waxay kaliya ee ayasabroon guul iyo horumar kugaadhi kartaa waa iyadoo gacmaha qabsata lana shaqayasa taageertana oo hiil iyo hoolba isla garabtaagta walaalahooda isaaq ee gobta ah sikale oo sabroon horumar kugaadhikartaa majirto

  4. Curad

    Horta Gadburusigu marka isaaq sheekadu taagantahay muxuu uwada gabadaa marka reer gadabursi ah laga hadlayana xiniinyo wayn iskugula soo baxaa.
    waa yaab

  5. Dool

    Mr Makaahiil raalli ahow waxan kugu khalday nin kale oo la baxcay Jani.Markaa jani labaxayow ninkan qoladiisu haday yar tahay iyo haday badantahayba waa samaroon waxa uu ka hadlayo iyo qoladiisana waxba iskama khuseeyaan,sida aan maqlayana ninku waaba jibrir yonis oo laangaabnimo meelna uma soo marto hadii aanad u jeedin jilibyada jibriir yonis usii kala baxo ayaa kala badan, taasina hawl adiga kuu taal maaha, jilibka uu jibriir yonis ka yahay ayuu reero badan oo maxed case iyo habarcafanba leh kaga badanyahay.

    Markaa intaad isaga kusoo habsaamayso gadbuursi oo dhanbaa maxmiyad u ah isaaq ee arinkaa ka hadal.

    Xaasidnimadii gadabuursiga lagu shegayay meesha hala soo gafuur weynaane fikirkaaga ka dhiibo sidaad iidoorka kabaha kaa dhigtay wax ula qeybsan lahayd ama aad iskaga dhicin lahayd.

    Ma wax kale oo aad tiraahdo ayaad weyday, garashadaaduna waxay noqotay inaad isaga weerarto. WAAR HADAAD DOONTO AAD U CAY

  6. Maxamuud

    Oo ninkan qoladiisu siday u yartahay sowniga maqlay waa Jyonis, ma ma bahabar abokorbaa

  7. Dool

    ninka Mr Makaahiil la baxay ninkan qoladiisu haday yar tahay iyo haday badantahayba waa samaroon waxa uu ka hadlayo iyo qoladiisana waxba iskama khuseeyaan, gadbuursi oo dhanbaa maxmiyad u ah isaaq.

    Markaa xaasidnimadii gadabuursiga meesha hala soo gafuur weynaane fikirkaaga ka dhiibo sidaad iidoorka kabaha kaa dhigtay wax ula qeybsan lahayd ama aad iskaga dhicin lahayd.

    Ma wax kale oo aad tiraahdo ayaad weyday, garashadaaduna waxay noqotay inaad isaga weerarto. WAAR HADAAD DOONTO AAD U CAY

  8. mr makaahiil

    aad baan u salaamayaa dhammaanba kaqayb galayaasha doodan bacda salaan waxaan idin xasuusinayaa inaad horta akhridaan maqaalka inta ay daan comment tiga soo gudbin

    waad mahad santihiin

  9. DAD QAL

    WAAR REER SAMAROONOW INTAAD BEEN ISKU SHEEKAYNAYSAAN CAR ORDA ISAAQ ISKA XOREEYA,,SIDII DUMARKA UUN HA U FADHIYINEE,,CAR INTAAD QOODHA YEELATAAN OO DHIIGA ISKU KICISAAN RAG ISKA DHIGA SIDA DHULBAHANTAHA
    HADII KALE INTA AAD DIRICYO XIDHATAAN DEE ISAAQ HA IDIN WASEE IS HOOS DHIGA,,,,,,,,,,,,,,TEEDA KALE INTAAD SAMAROON DHEXDIINA IS HAYSATAAN AYAA ISAAQ IDINKA FAA’IIDAYSTAY,,,EE KA KACA MEESHA WALOW ANU AANAN HAYN SAMARAOON WALAAHI BILAAHI LKN GABADH AYAAN IDINKA QABAA EE MAAN IDIIN SOO FURAA MISE WAX AYEYDIN ISKA DHICIN….HADANA CIIL XUMADIINA AYAA I DILI,,,SIDA HABLAHA YAR YAR INTAAD HALKAN ISKA CAYNAYSAAN WAX ISKA DHICIYA AMA HA LA IDIN WASEE DIYAAR GAROOBA…..BYE BYE,,,,,,HANA IGA XUMAANINA WAAYO TALO UUNBAAN IDIN SIIYEEEEEEEE

  10. cali

    waa dood wanaagsan laakiin dadkeedii mee sowkuwa dumarka caayaya

  11. MARHADAAN SIYAA YEELA IYO WAANO KALA QUUSTAY SAW INAAN DANTAY WAANIYAA IGU WANAAG MAAHA

  12. Dalmar

    WAA DOOD WANAAGSAN.
    II KAADI AAN USOO QAYILEE

  13. cabdi kariim

    Huuraale saylici himishle

  14. fikirkayga waxaa laga bixi karaa,in lamidoomo xaga wax wada doonka siyaasada,dhaqanka,tusaale hadii ina ku jirta guurtida,barlamaka,wasiirada maqaar saarka ah ee dawlada siiraanyo,iyo hogaanka dhaqanku umidoobaan in ay habac sanaanta kabaxaa waa laga baxayaa,laakin in qaar ku shubo prepaidka,qaarna lasiiyay karka laga xoqday waligeed lagama baxayo.

  15. walal aad ayaan kuu salaamayaa hadii aan ahay tafiirtkii ugaas rooble anuu ma garanayo waxa sh samaroon la yidhaahdo lkn gadabuursi waa reer dhulka aad sheegtay dagan dagaanana jiray dagina doona waligiina dagaan doona markaa waxaan kuu sixii lahaa in aad saxdo maqaalkaga ooo aad tiraahdo gadabuursi fikirkaaguna waa sax waa la ina qabsaday waxaanan ka bixi karnaa inan soo celino ugaasninamadii gabadabuursi

  16. cabdi kariim

    Ninka dooda daadihinayaa raali ha iga ahaado, waan ku yara deg degaye. Mar alla markaan nin jyonis ah arko calooshaa i xanuunta, waayo waxa la iga dhaadhiciyey inuu jyonisku isaaqa iyo ciisaha igaga xunyahay.

    Laakiin markaan wax walba dib u eegay waxan ogaaday in J/YONISKA xukunakii ay hayeen uun lagu eryanayay

  17. Malag

    IIdoor miyaan la heshiinay mise wuu ina qabsaday?

  18. cabidu

    WAAN INI SALAAMAY WAXA LAGA BIXI KARAA IN AAD DEYSAAN HAROWO CAYDA AAD QORTAAN IYO QABAYAALADA AAD DADKA KUWADAAN IYO IN REER GADABUURSI AY EEGAAN DAN TOODA IYO HURO MAR KOODA IN AY ARKAAN OYKAGA DAYDAAN SNM SIDAY AY GABOLADUUDA OGU DHISAYAAN MADAARADA IYO SIDA AY ISKU CAAWINAYAAY GADABUURSI WAXAD AHAAN JIRTAY KU LOOSOO DUUNTO CAQUUN IYO IN AAD TALISO MAANTA WAXAD NOQOTAY KU DHIXDIISA DHAAFI LAH REER HIBAL IYO REER HEBEL

  19. Marka hore waad samaalantihiin dhamantiin dadka ka qayb qaatay doodan fikirkay doonanba ha aaminsanaadeene.
    Aniga aragtidayda hadii la doonayo wanaaga iyo wax wada qabsiga beelaha samaroon waa in khaladaadkii dhacay la lafaguraa oo laga garnaqsadaa kadibna la iskaga garaabaa oo la isasaamaxaa hada iyo kawna buug cusub iyo wax wada qabsi iyo is aaminad iyo is tixgalin lagu wada noolaadaa maadama isku dan layahay oo doon lawada saaranyahay.
    Khaladaadkii dhacay dhamantoon waxa ka masuula siyaasiyiinta ka soo jeeda beelaha j.yonis oo had iyo jeer indhahoogu meel dhaw waxka arkaan janisna u yeeshay qaska iyo kala fonyata beelaha walaalaha ah. magaca beesha mawada huwinayo khaladka lakiin siyasiiinta iyo shaqsiyaad dhib badan ayaa jira oo ina Aw-Farah ka midyahay.
    Somlaland intii ay jirtay iyagaa kursiga koowaad ama ka labaad ku fadhiyay dhibta iyo hagardaamada ay gaysteena boqolka sano ee soo sacda la sixi karo. Dhulkii uu dahir abtiyashii siiyay ee uu Salal ula baxay ayaa ka mida dhibta maanta ugu culus ee ina hortaala dananaha ugu badan ee ka laaha waxa kaw ka ahayd lacagtii xaaraanta ahayd ee uu wadanka ka dhacay in uu jabuuti si nabada ugu cuno kuna maalgaliyo oo uu huteelo iyo busnessyo kaga samaysto. waxa kale oo ka mida Ugaaskii la khaatumo seejiay ee khaladkii abihii laga galay midla mida isgana laga galay ee in uu dhulka isku taago loo diiday ee tunka lagu sitay ee beelaha kale sanka laga marmarinayay si xaalado cusub oo murugsan loo abuuro.
    calaakulixaal maanta dagaal wuu dhamaaday beelaha dhexena maanta dhibi inama dhextaalo wixii dhacayna waanka walaalownay oo doonbaan wada saaranahay oo isku danbanahay, dhamanteena maanta waanka dharagsanahay tobankiisano ee Dahir kalidiinoole in ay dhaanto labadaa sano ee Siilaanyo. cidina ma aqbali karto somaliland markii Mudane A/raman aw cali iyo Mudane Dahir joogeena xalaal bay ahayd oo waan jecalayn maantana way xaaraabtinimawday oo Awdal satate ayaan nahay oo sado cali iyo tolkeed baan isku dhiibnay ee aan sacabka iyo musiga u tamaynaa.

  20. Xasan

    Horta waxaan aad u salaamayaa hawladeenada shabakadan Harowo.com, waxaan kaloo salamayaa Jawhar qalinle iyo akhristayaasha kaleba . Horta akhristayaashu waa inay fahmaan su aasha meesha taala oo ah Sidee looga bixi karaa habacsanaanta Gadabuursi haysata? waa su aal aad u muhiim ah oo umad kasta oo aduunka ku nooli ka tashato go’aana ka qaadato ,umada aayaheeda ka tashan waydaa way burburtaa wayna baaba daa .
    wadanka Japan markii la qabsaday dagaalkii labaad ee dunida boqorkii japan wuxuu sameeyay charity oo ah inuu qofkasta oo japanes ahi bixiyo 50 yen dhamaan dadkii japanku way bixiyeen lacagtaasi waxaa lagu bilaabay warshadaha uu japan ku noqday hogaanka dhaqaalaha aduunka,isagoo ay dul fadhiyaan ama haystaan milatariga maraykanku. taasi waxay ku tusaysaa in hadii umadi isku tashato oo meel wax dhigato ay guusha nolosha gaadhayaan.
    markaa khayr alaha siiyo walaalkaas na soo dhex dhigay su’aashaas.
    hadaan anigu u dhaadhaco fikirkayga waxaan qabaa in dhalinyarada Samaroon wixii 40 sano ka hooseeyaa ay dhamaantood isku tashadaan oo ay iloobaan waxa la yidhaa 3 da DHadhaar oo ay sameeyaan waxa loo yaqaan QADIYADA SAMAROON,oo ku salaysan sidii qofwalba uga shaqayn lahaa gaar ahaan deegaanada uu kasoo jeedo hormarinteeda iyo guud ahaan dhulka Samaroon. Xaga siyaasada waxaan ka leeyahay waa in la yeesho han siyaasadeed oo lagu hamiyo inaad madaxwayne ka noqoto Somaliya waayo waxaad leedahay laba Gobol iyo badh waa Gobolka Awdal,Gobolka salal iyo Gabilay. dhul kuguma yaro laakiin yaan lagaaga dheerayn af iyo huu haa. Dadka Somaliland u doodayana waxaan usoo jeedinayaa han siyaasadeed yeesha oo hadaad Somaliland ka mid ahaanshaheeda ku qanacsantahay waa inaad ku xisaabtanto waxaad gaar u leedahay oo ah Saddexda Gobol ee SOMALILAND ka koobantahay waa Awdal,Togdheer iyo waqooyi Galbeed ,waa in Sadexdaas loo qaybsado wasiiro iyo xilal kaleba oo uu ugu muhiimsanyahay Baarlamaanku. ilaa somaliland Baarlamankeeda la saxana wax ma hagaagayaan.
    waxaan ku soo gabagabaynayaa gabay aan kasoo xigtay website ka Samaroon blog. oo aan ku guubaabinayo dadka aragtidoodu hoosayso

    Gabaygan waxa tiriyay (AU) abwaan Axmad Muuse Dugsiiye (Laangadhe) sanadkii 1993kii. Abwaanka oo ka waramayay tafaraaruqa lasoo darsay reer Awdal wakhtiyadii dambe siiba inta ay jirtay dowlad lagu sheega Somaliland, saamigoodiina la duudsiiyay iyagoon danta guud ilaaway oo ay noqotay qof walba dantiisa uun.
    Abwaanku isaga oo dadka la hadlaya wuxuu yidhi:

    Nin seexdow sacaa dibi dhal
    oo saamigaa dhimaye
    sidri daa ma jiidhee
    waxaan saadiyaa dhacay
    saddex qolo intaan nahay
    ee laysku soofeeye
    een saw ku kale qaybsanahay
    ee qaarba dhan u soofo
    Sumadii gumaystaha intaa
    laygu kale sooco
    nin waliba sidii rabo
    intuu noo salaxanaayo

    Ninka subula joogaa
    intuunan saylac hibanayn
    ee aanu sokeeyaha u qabin
    cadawga saameeyey
    saba saba amxaar iyo
    intuu samada eegaayo
    badhna siliga lagu ooday
    eey dani ku seetaysay
    sodon sano uu socotada ku
    yahay eenu saami gudanaynin
    SANDULAHA AY BOORAMA KU
    TAHAY SAAXIL INAY RAACDO
    dhan waliba intaan sidig
    ka nahay saamigeen dhimaye
    Inta uu suldaankeenu yahay
    saaqi la ciyaarka sidii
    loogu taliyaba in tuu
    sacab ku taageero
    sandeera been ah intuu
    nacas la boodaayo ee
    uu sabadka aageenu yahay
    seeraha iyo booto
    sahankeenu uu gudaha yahay
    saamigeen dhimay
    Inta saami meel kale
    ku maqan laysku seegaayo
    nin waliba nin uu sudhan yahay
    uu sibirta gaynaayo
    een saawa saawa ku
    ku jiro saamigeen dhimay
    Umada samaha jecel baan
    nahay iyo admigoo siman
    hadaad sidig namoodeen
    waan kaa sal dheernahay
    soomaliwayn baan u nahay
    seere nabadeede
    sabi iyo caruur kumaan
    layn suuqa boorama
    sidaan doono noo furan
    wakhtigu waa na saacidaye
    Dambiyada la noo gaystay
    iyo dayis la,aan taydan
    dalkaygani la kale qaybsaday
    een cidi u doodaynin
    ee qaar u soo duuban yahay
    una dilaalaayo
    Falastiin dalkeedii sidii
    looga diray maalin
    iyagaba dabacsanaan laga
    arkay ayaa loogu soo dagaye
    haday duul walaalo ah yihiin
    oo doc u wada jeeda
    illaahay ma dalan dooliyeen
    mana duleeyeene
    doofaar yuhuudi ahi
    kabcada kuma dulmeereene
    Waxaan uga dan leeyahay
    een midaa dooda ugu leexshay
    nin ragay dardaaran u tahay
    doqona yeelkeede
    Idaaa kuguma daayee nin
    xumi damaqsi mooyaane
    waran kaaga oo diiran
    baa lagu daguugaaye
    waxaan dabinta ruugoo
    ilkaha dib u qaniinaaba
    dumarka iyo haldoorki
    waxaa layga laayaaba
    siday diintu tidhi iyo
    dulqaad waxaan ku joognaaba
    nin xaqiisa doonaaya oo
    diif qabaan ahaye
    Mar hadaan dubaha qaato
    oon dacal u kaynaano
    Daaduun ka yiim bari
    markuu daadka hore qaado
    dugaagaa wada iyo
    markaan doqonta naafeeyo
    sidii dayday yaan noqonin
    oon duulwaliba laynin
    dambi niman lahayn yaan
    la dilin oon dacati loo gaysan
    deerada banka iyo cawshu
    xoriyad ha u dareeraane
    Damiirkii wax garadkii
    maxaa daah inaga saaray
    nin ragoo damiir lihi
    halkani kuma dagaaleene
    dumarka iyo caruuraha
    rasaas kuma dareersheene
    Hadii aan duqay leenahay
    iyo oadyo noo dooda
    ama geesi diriraa jiroo
    iyo wiil damqanayaayi
    dakadahaan lahayn iyo
    nimcada lagama daabteen
    Daydaygu ma boobeen
    waxii duunyo soo mara
    doqoniimadaa iiga timid
    dacalkadii xeebta
    dulmiguu walaaalkaa
    galay baan cidi ka doodayne
    maxaan nabada doondoonay
    oon cidi danayn wayday
    Dad nimaan gudboonahay
    maxuu noo dardaar wariyey
    daarood mar ay tahay
    maxaa dabin la noo qoolay
    illaahay ninkuu daafaco
    ayaan cidi la doodayne
    hadii aan dulqaad siday
    hadaan daaradaa dhigaye
    nin dagaal yaqaan waa
    la baran iyo kii difaac gala
    waa inoo daruuraha cirka
    iyo dayrtan maanta ah.
    …..
    qore:OMAR MOHAMED
    CANADA

  21. salma

    Maqaalkan qoraaga qoray waxan leeyahay meel fogbaad wax ka eegtay.
    balse wixii tagay way tageen oo soomalidu (waxay tiraah wax tagay tiigsimaad ma le) maxaa inoo xal ah oo sideebaynu reerahan Gadabuursi ee kala irdhoobay iskugu soo celin karnaa aynu u soo ceshan karnaa karaamadeeni,
    Waxan odhan karaa aniga fikirkayga marka hore aynu ka shaqayno midnimada dhexdeena oo aynu xooga saarayno xaga dhalinyarada maskaxdoodu fayowdahay

  22. Malag

    Darbiyow hadii la heshiiyay maxaa lagu heshiiyay, ma waxa lagu heshiiyey taariikhda kuwii sar wajiga aabahaa ka saaray ee walaashaa ninkeeda xiniinyaha uga gooyay in taariikhdooda ilmahaaga la baro.

    Ma waxa lagu heshiiyay inaad adigu seconclass ka ahaato somaliland, ma waxa lagu heshiiyey in dariiqyada lagugu gawraco oo hadana lagu yiraa waa nabad. ma waxa lagu heshiiyey in hurdada lagu gawraco.

    Siilaanyo wuxu ahaa ninkii soo maleegay shirqoolkii raga lagu gawrgawracay kala baydh.

    ma waxa lagu heshiiyey dheeftii oo dhan in iidoor qaato adigu aad sidii bisadda quuddo oo aad nooowda ka ag hayso.

    Ma waxa lagu heshiyey in bada iyo bariga lagaa xidho.

    ma waxa lagu heshiiyey in beeraha lagaa qaato.

    ma waxa lagu heshiiyey in awooda dawlada oo dhan la qaato, maxaa lagu heshiiyey waa la inna qabsadaye.

    Anigu waxan doonayaa su’aal aan commentigayga hore idinku waydiiyey in la iiga jawaabo.
    su’aashu waxa weeye waar maanta maxaa isbedelay, shalay hadii la ina legday maanta wax ma iska celin karnaa? dooda anigu intaasaan kaga qeyb qaadanayaa lakiin jyonis iyo reer nuur sheekadu ma taagna.

  23. Malag

    Darbiyow qoraalku wuu ka gun-dheeryahay reer nuur iyo siilaanyo oo geedka Dila ku yaal hoos fadhiistay. Hadalkaaga waxa ku jira Daahir oo tolkey ah marna seedigay ahaa ayaan mucaarad ku ahaa siilaanyo oo snm ahaana geedka Dila hoostiisaan ugu niikiyey sida naagaha.Hadalkaaga waxa ka muuqda nusqaan.
    Ninka SXB-kaa ah ee qoraalka soo saaray haduu hadalkaaga ka jawaabayo isagay u taal LAAKIIN INAGU DOODA AAN SI FIICAN UGA QEYB QAADANO, HADALKAASINA TOLKAA KAAMA QABTO EE ISKU XISHOO DARBIYOW

  24. salma

    xasna gabdha sidata ee fikirkeeda soo bandhigtay kolay gabadh samaroon siciida oo indrtay ah bad tahay balse ha laguugu dhaarto inuu jyoonis yahay tolkaa oo aanad la aanti waxba noqonayn Gadabuursina waxa ugu badan jyoonis marka indrtayeey reerka ha inaga eryin daaqad dhanbaa ina banaanaysa hadaynu banaanka iskaga saarne iyagaaba qabiil dhan noqonaya sidaan aaminsanahay oo aan cidba u baahnayn Ragii horena waxay odhan jireen Gadabuursi maalinta uu god ku dhaco Raga jyoonis baa waligood u gurman jiray maanta mugdigaa aan ku jirno waa jyoonis cida inaga saari kartaa oo illaahay kaashanaya marka viva Midnimada Gadabuursi yaa xasna

  25. Aad baan kuu salaamayaa sxbkay JAWHAR waanad ku mahadsantahay qoraalkan fiican ee aad soo bandhigtay oo noqondona taxane waxaanad ka mid tahay dadka faro ku tiriska ah ee aniga igu dhiirigaliyay in aan marmar wax qoro.

    Qoraaladaadii hore hadaan dib ugu noqdo waxaad ahaan jirtay muxaafidka ugu weyn Dahir Rayale aniguna waxaan ahaan jiray mucaaridka ugu weyn Dahir Rayale sanado ka hor lkn aad baan uga xumahay inaad soo ambabarto 21 sano kadib goor ay xeedho iyo fandhaal kala dhacay.

    Samaroon iyo Isaaq way heshiiyeen waana la dhaafay xiqdigii ka dhashay dagaaladii sokeeye,Sxb anaga oo ah reer Nuur bari kaliya ayaa dagaal kula jiray Isaaq waliba SNM kadib burburkii Dila ee aad gadhwadeenka ka ahaydeen JYoonis ahaan siiba Cabdiraxmaan Tolwaa

    Waan iska saamaxnay hadaan nahay reer Dila oo waranka ninka kugu dhufta waxaa ka daran kan kugu dhaqdhaqaajiya sxb ugu horeyn anagu waxaan saamaxnay tolkayo Jibriir Yoonis oo noosoo horkacay dhibta dhan ee na gaadhay sxb hadaba maanta way dhamaatay sheekadaasi ee hanagu dhaqdhaqaajin arimahaasina waan ka heshiinay sxb oo maanta wax colaad ahi ma jirto wayna dhamaatay oo Axmed Siillanyo soo hoos kambadhuudhsaday Geedaha waaweyn ee Dila ku yaal halkaasi oo ay duqayti iyo siyaasiyiinba uu kula tashaday colaadiina way dhamaatay maanta ee dabka ka daa basiinka sxb horumarka wadanka aan ka shaqayno.

    Somaliland hanoolaato oo ha hesho ictiraaf buuxa.

  26. Malag

    Su’aasha hoos ku qoran hala iga qanciyo.

    Doodani waa mid xalaala oo ku haboon in si hufan looga doodo qoraaguna wuu ku mahadsanyahay.

    Qodobada dooda ku jira ee qoruhu soo daliishaday aniguna aan macquulka u arkay iyo duruufihii samaroon dagaal ugu dhiiran waayay waxa ka mid ah kuwan.

    Xukuumadii Somaliya ka talinaysay Oo Meesha Ka Baxday Kadib Markii Jabhadii USC ee Uu Hogaaminayay Jenaral Ceydiid Ay Muqdisho Qabsatay.

    Taliskii Mingiste Oo Guud ahaan masuul ka ahaa bur-burkii Somaliaya Oo Qeyb Ka Ahaa Dagaalka Lagu Soo Qaaday Degaanadan isagoo baadigoobayay Oromo mucaarad ku ahayd Oo SNM ka dhaadhicisay inay Borama sal-dhig ku leedahay.

    Xukuumada Jabuuti iyo qeyb ka mid ah Shacabka reer Jabuuti Oo Taageero siin jiray SNM, kadib markii jabhada SNM ay beesha Ciise la gashay heshiis dhigayay in Gadabursiga marka la tir-tiro dhulkiisa iyaga la siin doono.

    Shakhsiyaad Reer Awdal Ah Oo Jabhada SNM La Socday Oo Ka Shaqeeyay Sidii Xukunka SNM Loo Ayidi Lahaa.

    Odayadii iyo Hogaamiyayaashii Wakhtigaa Oo Xal u arkay isku dhiibidda SNM.

    Mar hadii xaalku sidaa ahaa maanta maxaa isbedelay? ta aan doonayo dooda inaan kaga qeybgalo waa su’aashaa

    Maxaa isbedelay bal ila lafo gura su’aashaa

  27. S n m ninka diidaa isga ayaa cirka roob ku og. Raga qurubaha ka calaacalaaya waxaan leeyahay s n m waxaa laga dhawaaqay qurubaha waxaaana loo dhoofiyay wadankii ka dibna waxay u badheedhay in ay la dadagaalanto dawladii awooda badaynd ee ina bare. waana ay ka fara maroojsay dalkii waxaanay ku dhawwaday in somaliland ka goday somaliya inteeda kale. Hadaba awood ma u leenaahy inaan u badheedho xaaladaaa awood ma uleenaahy inaan ku khamaarno dhalinyarda awood ma uleenaahy inaan dagaal dheer la galo somaliland oo aan issaaaq ku qasabno Somali wayn waxaa soo dhan markaan eeegay waa maya hadaba maanta wax dhibahi inma ahyso waaa inaan ka fikrnaa mustaqbalkeen waad arakysaan wax ku dhacay dhulbahante inaanay ka soo waaqsan karin waxiii la gaadhiisay
    qurba jooga samaroon waxay ku fashilmeen inay wax la qabtaan dakooda gudha jooga waxay daba joogaan khaatumo iyo dhulbahanaty oo aan meel gaadhiisnayn waxaana wax u yeedhiya islaamaha dhulbahnate waar aqoontaan sheegnaynay meeday waar ma sidan ayaa idiin dambay
    tolaay waar dadka wax la qasda

  28. S n m ninka diidaa isga ayaa cirka roob ku og. Raga qurubaha ka calaacalaaya waxaan leeyahay s n m waxaa laga dhawaaqay qurubaha waxaaana loo dhoofiyay wadankii ka dibna waxay u badheedhay in ay la dadagaalanto dawladii awooda badaynd ee ina bare. waana ay ka fara maroojsay dalkii waxaanay ku dhawwaday in somaliland ka goday somaliya inteeda kale. Hadaba awood ma u leenaahy inaan u badheedho xaaladaaa awood ma uleenaahy inaan ku khamaarno dhalinyarda awood ma uleenaahy inaan dagaal dheer la galo somaliland oo aan issaaaq ku qasabno Somali wayn waxaa soo dhan markaan eeegay waa maya hadaba maanta wax dhibahi inma ahyso waaa inaan ka fikrnaa mustaqbalkeen waad arakysaan wax ku dhacay dhulbahante inaanay ka soo waaqsan karin waxiii la gaadhiisay
    qurba jooga samaroon waxay ku fashilmeen inay wax la qabtaan dakooda gudha jooga waxay daba joogaan khaatumo iyo dhulbahanaty oo aan meel gaadhiisnayn waxaana wax u yeedhiya islaamaha dhulbahnate waar aqoontaan sheegnaynay meeday waar ma sidan ayaa idiin dambay
    tolaay waar dadka wax la qasda

  29. SHUKRI AWDALSTATE

    XAAL KALEY MA JIRTOO!!!WA INA LABA ”RAKET”LAGU TUURO BORAMA SIDEY SAMAROON UGA KALA DAREERAAN LABADAN BUROOD DHEXDEDA.OOY XEEBAHA UU DEGAAN.GADABURSI XAAL KALEY MALEEY WAXBA YANA BEEN LA ISU SHEEGIIN…..

  30. taa riikhda waa la ogatahay waa ali s cafiyay wax tagay taan dib loo baadh baadhin isaaqba samaroon waxbuu ka tirsanayay oo markii snm dawladii ziyaad barre ladagaalamaysay dakii layn jiray waxay ubadanaayeen samaroon ee xasuuqay maatidii iyo dumarkii masaakinnta ahaa ee aan dagaalka kujirin iyagoo ka faaiidaysanaya awwoodii ziyaad barre maanta in ay samaroon hadasho may ahayn iyagoo la ogaa waxay samayn jireen intay samaroon noogaysatay ziyaad baree noomagaysan maan waxa nool oday dhaqameedkii odhan jiray isaaqow ilaahay wuu idin nahay smaroon way idiin nacday oomaan ta xaadira oo jooga soomaalialnd …oomarkii snm guulaysatay lsoo qabtay iyagoo baxsanaya oo lagu yidhi is dajiya dhib ma wadnee nabad baan wadanaa waa waana y ogyihiin dadka waawayne ee wakhtigaa joogagay samaroon siday isaaq udabar gooyeen iyo sida isaaq ucafiyay walaalhood abaalkiina way ogyihiin waan ta maan lagu wada noolyahay ee lagu nabad qabo……. caruuurta yaryar ee mika soo kacaya is dejiya odoyaashiina waxba eeda hasaarina oo ha odhanina maxay nooga sheekayn waayeen dhibtii snm noogaysatay waxay ogyihiin xaqiiqda wixii isaaq loogaystay eedil iyo xasuuq iyo baaayo ahaa iyo sida wanaagu kujiro ee ay u cafiyeen ee wixii hore ilaaween ….

  31. Waxaan salaamayaa dhamaan dadka ku xidhan shebekada salaan kadib. Anigu waxaaan odhan lahaa inaan iska dayn qabiil cayga iyo xumah inag soo burqanaya waayo hore ayaa loo yidhi afxumo colaadna way kuu keentaa nabdana wax kaaga tarto waar hadaan gadabuursi naahy aan iska daayno qudada iyo xumaha inaga jitra waar maxaan uugu asoolanyaa dad aanaan is aqoon oo dadkoodii dagaal geliyay waar mxaaan wax uula aqbsanlaanahy beelha ina xiga sida beesha dhex ee awooda badan hadii ay na qabsadeen 91kii maanta maan iska difaaci karnaa suaashu waa amya walaalayaaloow meesha waxba kuma ahysaan dadkii ina dhinc karaaca

  32. ciise

    afkaaga caano lagu qabay, walee xasna waa fariid anigu xasna ayaan raacsanahay oo sidaa ay u sheegtay aan qabaa. waxa la yidhi wan weyn indhihiisu cirka ma arkaa ilaa la bireeyo. makaahiilow waa in dhegta dhiigga la idiin daraa markaasaad edebsan doontaane. walee ta la idinla maaganyahay ayeydaan ogeyn.
    waxa la yidhi afxumo nabadna way kaa kaxaysa colaadna waxba kaagama taro ee ina aw faaraxow waa waxaad ka heshaa, ha dheeraato amma ha fogaatee godobtaasi waa mid inta madaxaa saan leeyahay lagula sugi doono in ay qaadataba oo lagugu dhaafi doonin.

  33. Marka waxaan salaamyaa dhamaan bahda harowo meelkasata oo ay ka joogaan dunida dacaladeeda ,marka xigta waxaan salaamaya dadwaynaha. reer Awdal salal iyo Gabilay .Waxaan soo jeedinkaa figrad ah in la isku duubnado oo la iska daayo wax iska sheega beelaha samaroon ee inamada dhalinyara ahi ay ka qoraan kdadka wax magaratada ah ee aan ahayn indheer gara.Waxa kale ee aan ku dari lahaa in Aqoonyanka Odayaasha dhaqanka Culimaa,udiin Dhalinyada iyo Haweenkuba ay danta gaarka ah ka horaysiiyaan danta dadkooda baahan iyo dalkooda baa,basan oo ay u sameeyaan Dhaqaale ,jidad dakad iyo wax allaale waxay awoodikaraa ILAAHAYNA ay talo saartaan waan mahadsantiin

  34. mr makaahiil

    marka hore waxaan salaamayaa qoraaga noosoo gudbiyay maqaalkan aadka uquruxda badan leh
    waa runtii in anaga dhalinyaro ahaan nalooga sheekeeyo SNM oo ah kuwii dadkayaga xasuuqay oo nalooga dhigo inay naxoreeyeen oo ay cadaw naga rideen hadaba sitaasi looga tirtiro maskada dhalin yarada samaroon meelkastaba hajoogaane waan in shabakadaha lagu sooqoro sidii ay wax udhaceen 1991 ilaa 2012 hadba siday dhacdooyinku ukala horeeyeen ilayn waalidkayo noogama sheekayne hankafaa iidaysano cidii haysa macluumaad sida maqaalkan oo kala ah waayo hadda bulshu waxay kahelaan macluumaadka ubadan website dada oo dadku imika 90% wax way qoraan wayna akhriyaan

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH