Harowo.com

Dhoohanoow Ogsoonow: Bye: Maxamed Cumar Muude

HAROWO.COM

Dhoohanow Ogsoonow:

In dhawaydba waxa taagnayd muran ay xukuumada somaliland ka dhalisay gobolka Awdal gaar ahaan degmada Saylac, taasoo sobob u ah inay ka dhacaan kacdoono isdaba jooga degmooyinka Boorama iyo Saylac oo asal ahaan kasoo jeeda Boqortooyadii Adal oo ay dhamaantood madax ka ahaayeen maamuladii Adal iskasoo daba maray Ugaasyadii Beelaha Gadabuursi.

Shalay oo ay taariikhdu ahayd 30 – December – 2012 ayaa niman hawaawi ku jira oo kasoo kici timay magaalo madaxda Gobolka Waqooyi Galbeed ee Hargeysa waxay soo dhexgaleen Kacdoon dadweyne oo ku jihaysan Farigelinta Beesha dhexe iyo xukuumada SNM ay ka wado magaalada Saylac.

Weftigan oo la socday arin Qarow ah oo laga soo aloosay Madaxtooyada Somaliland waxay sababtay dhimasho iyo dhaawac ay si taxadar la’aana oon inaba Caqli banii aadam ku jirin loogu geystay da’yartii ku dhaqnayd magaalada Boorama.

Hadaan nahay waxgaradka iyo aqoonyahanka kasoo jeeda Gobolka Awdal waxaanu ku baaqaynaa

1)       in si degdeg ah weftigu uga baxaan magaalada Boorama.

2)      In ay madaxa u saran tahay dhimashadii iyo dhaawacii sida axmaqnimada ah loogula kacay d’yartii aan waxba galabsan ee magaalada

3)      In arinta Saylac lagu dhameeyo sida dastuurku dhigayo lana mid tahay degmooyinka dhigeeda ah

Hadii la yeeli waayo waxa iman doonta halheyskii ahaa “Soomaaliya iyo Kala tega”

 

Waxan kaga baxayaa Tixdan oo aan ku cabirayo dareenkayga. Isla markaana fariin aan ugu dirayo cid kasta oo iska dhego tiraysa xaqiiqda.

Saylac waa dhulkaygii

Waana dhalashadaydii

Kudhaqnaa awooegeey

Aankudhaadanaayee

Dhoohanoow ogsoonow

Saylac waa dhulkaygii

 

Soo dhici haddaad tiri

Waan waxaa dhaceenoow

Aniga horteed dhiman

Dhoohanoow ogsoonoow

Saylac waa dhulkeygii

 

Imadhaafikareysee

Dhalanteed hamoodin

Dhabtii waxay kutaalaa

Dhabarka iyo feeraha

Naftu meel aykadhawdahay

Dhoohanoow ogsoonoow

Qore: Maxamed Cumar Muude

 


This post has been viewed 78 times.

camud

Posted by on Dec 31 2012. Filed under Xulka Qoraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH