Harowo.com

Dekadaha Berbera, Boosaaso, Xamar iyo Kismaayo waa hanti qaran maamul-goboleed iyo degaan gaar u sheegan karaa ma jiro

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyay Telefishinka qaranka intii uu ku sugnaa Istanbul ayaa sheegay in Soomaaliya ay leedahay Afar Dekadood oo waaweyn iyo garoomo, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Dekadda Berbera, Boosaaso, Muqdisho iyo Kismaayo, isla markaana ay yihiin hanti qaran oo aysan jirin maamul goboleed gaar ah ama deegaan gaar ah oo sheegan kara.

Soomaaliya Afar Dekadood oo waaweyn ayey qabtaa, waa Berbera, Boosaaso, Muqdisho iyo Kismaayo, Berbera iyo Boosaaso xaalkooda waa garaneysaa, yacni Dowladda Federaalka hada tallo badan kuma laha, Muqdisho waxaa loogu kulansan yahay waa meesha kaliya ee dowladda gacanta ku hayso, Kismaayana hadey gacanta soo gashay iyadana maamulkeeda waa la sameyn doonaa, sida axdiga qaranka tilmaamayana waxaasi waa hanti qaran, deegaan iskama laha iyo dowlad goboleedna ma lahan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh,Wuxuuna sheegay Madaxweynaha in aysan jirin xumaan balse ay jirto daruufo gaar ah, waxa Dowladda Soomaaliya ay u taagan tahayna ay tahay in la xaliyo wixii jiro.


This post has been viewed 269 times.

camud

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH