Harowo.com

Deg deg: Waftigii Saaka baaqday oo sugayay inta dadka banaan-baxayi ay kala hoyanayaan oo soo dhaqaaqay iyo Salaadiin usii gogol xaadhaysa

booramaKooxdii qawlaysata ahayd ee uu hor socday Saylici oo saaka hakatay, kadib markii ay dadweyne gadoodsani xidheen wadooyinka Boorama laga soo galo.

Warar sugan oo aan ka hellay safarka Craxman saylici iyo kooxdiisa ayaa Harowonews u xaqiijiyay inay galabta soo galayaan Boorama oo ay sugayeen inta dadku kala hoyanayo, taayirada wadooyinka lagu shidayna damayaan.

Wararka naga soo gaadhaya Boorama ayaa iyaguna sheegaya inay jiraan odayaal ku jira sidii ay dadka u suuxin lahaayeen, kuwaas oo dadka u sheegaya been iyo wax aan jirin.

Odayada dhalinyarada iyo dadweynaha isku duuban kala daadinaya waxa ka mid ah Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar iyo Suldaan Dhawal.

Mar aan isku daynay inaan ogaanno sababta Cabdiraxmaan saylici ugu soo dhiiraday inuu maanta Samaroon la horyimaad inuu yiraahdo Saylac bixiya, ayaa la noo xaqiijiyay inay ka dhalatay

1- Hanjabaad kaga timid siyaasiyiinta iyo ganacsatada beesha Isaaq qaarkood. Saylici waxa lagu yiri ” Adigu Samaroon madaxweynexigeen uma tihid Somaliland oo dhanbaad u tahay, dadkana waad u dhexaysaa, inaad cid gaara la safato maaha, hawshanina waa hawl qaran oo innoo wada taalla markaa waad na raacaysaa hawshana waxad ka noqonaysaa xubin fir-fircoon, waxanan kaa doonaynaa inaad tolkaa ku qanciso inay ka tanaasulaan lahaanshaha Saylac.

Cabdiraxmaan saylici wuxu odhan kari waayay ” Axmedsiilaanyo waa madaxweyne qaran  gobolada SL oo dhanbaa laga soo doortay,  Ciise iyo Gadabuursi way u simanyihiin, Inuu Ciise dhinaca saaro maaha, Degmada Saylacna waxay la xuquuq tahay degmooyinka dalka, uma baahnin boorama inaan tegno, saylac aan tegno, xildhibaanada halla dhaariyo kadibna siidhiga halloo qabto ciday doortaanna aan aragno innaguna aan goob joog u ahaanno.

Saylac maxay kaga duwantahay degmooyinkii doorashadu ka dhacday? waa su’aasha jawaabta u baahan

Markasta waxan isku dayaynaa inaan idiin soo gudbino warar xaqiiq ku salaysan oo ka madaxbanaan buun buunin iyo mala awaal.


This post has been viewed 271 times.

camud

1 Comment for “Deg deg: Waftigii Saaka baaqday oo sugayay inta dadka banaan-baxayi ay kala hoyanayaan oo soo dhaqaaqay iyo Salaadiin usii gogol xaadhaysa”

  1. gamadiid

    Asckm
    Waxaaad iga gudoontaan salaan bahda harowo news iyo dadweynaha ku xidhan wararkeeda.

    Intaas kadib saylac waxay leedahay taariikh soo jireen ah,Ma aha mid hadda lahaanshaheedu bilaabmayo sidaas darteed haddii dad dhul loo doonayo waxa habboon in laga siiyo dhulka isaaqa waayo iyaaga madax ah magacna ku raba!!!

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH