Harowo.com

Dahabshiil oo lagu eedeynayo inay u kala eexatay ciyaartoydii kubadda cagta, Halkan ka akhri Warbixintii Shabakada Oodweyne ay laaluushka uga saartay


Shirkada Dahab Shiil oo Qaab Eexasho Ah u Bixisay Gaadhigii Ay Sheegeen Inay Siinayaan Laacibka Ugu Goolasha badan Iyagoo Meesha Ka saaray Amiin Yare oo Daadmadheedh ahaa oo 4 Gool Dhaliyey Halka Ay Gaadhigii Siiyeen Cabdi Riyaad oo Maroodijeex ah oo Isna 4 Gool Dhaliyey | Oodweynenews.com






|

Shirkada Dahab Shiil oo Qaab Eexasho Ah u Bixisay Gaadhigii Ay Sheegeen Inay Siinayaan Laacibka Ugu Goolasha badan Iyagoo Meesha Ka saaray Amiin Yare oo Daadmadheedh ahaa oo 4 Gool Dhaliyey Halka Ay Gaadhigii Siiyeen Cabdi Riyaad oo Maroodijeex ah oo Isna 4 Gool Dhaliyey

Shirkada Dahab Shiil ayaa ciyaarihii gobolada ee kusoo gaba-gaboobay magaalada Hargeysa waxay soo bandhigtay gaadhi ay sheegeen inay siinayaan ciyaartoyga ku guuleystay gool dhalinya ama goolasha ugu badan dhaliya inta ay socdaan ciyaaraha goboladu, Laacibiinta khadka hore ee weerarka uga ciyaarayey goboladii kasoo qeyb galay ciyaarahan oo dhan ayaa mid walba ku dedaalayey inuu isagu dhaliyo goolasha ugu badan si,uu gaadhigaa u qaato,

 

 

 

Tartanka koobka gobolada oo uu dhinac socday tartankan goolasha ay ku tartamayaan laacibiintu ayaa waxaa jiray dhalinyaro badan oo soo bandhigay ciyaar wanaag kuwaasoo weerarka uga ciyaarayey goboladooda, Dadweynaha ayaa isha si gaar ah ugu hayey laacibka ugu goolal badan doona isla markaana qaadan doona gaadhiga ay soo bandhigtay shirkada Dahab Shiil,

 

 

 

Hadaba marka laga hadlayo goolal dhalinta waxaa jiray sadex laacib oo mid waliba uu dhaliley afar gool kuwaasoo kalla ahaa Amiin Yare oo u ciyaarayey gobolka Daadmadheedh (Oodweyne) oo ahaa nin aad u da, yar isla markaana soo bandhigay ciyaar aad loola dhacay, Amiin Yare oo qaabka uu u ciyaarayey uu ahaa mid farsamo aad u sareysa ay ku dheehan tahay ayaa ahaa nin marka uu kubada qabto si fudud ula dhaafa difaaca kooxda kasoo hor jeeda isagoo shabaqa ku hubsaday afar gool in badana ay ka dayacan tahay ama uu sigay, Ninka labaad ee afarta gool dhaliyey ayaa isaguna ahaa Laacibka weerarka uga ciyaara gobolka Maroodijeex ee Cabdi Riyaad oo isaguna ah nin waayo arag ah isla markaana in badan soo ciyaarayey isagoo ahaa laacibkii u dhaliyey xulka Hargeysa goolkii ay koobka ku qaadeen sanadkii hore ciyaarihii lagu qabtay magaalada Burco ee gobolka Togdheer, laacibka sadexaad ayaa ahaa sikaawi oo u ciyaarayey gobolka Sanaag oo isaguna dheliyey afar gool iyadoo labada laaciba la reebay ee sikaawe & Amiin yare,

AMIIN YAR & CABDI RIYAAD OK

 

 

Iyadoo labadan laacib & laacibka sadexaad ee Sikaawe ee qiimaha ka mudan dalkoodu ay isku goolal ahaayeen ayaa shirkada Dahab Shiil ay si indho la,aan ah ay u siisay gaadhigii ay soo bandhigeen Cabdi Riyaad oo u ciyaarayey gobolka Maroode jeex iyadoo ay joogaan inamadii kale ee dedaalay ee afarta gool dhaliyey oo ah Amiin Yare,& Sikaawe, Lama garanayo qaabka ay u xulatay shirkada Dahab Shiil maadaama waxa gaadhiga lagu bixinayey ay ahayd laacibka dhaliya goolasha ugu badan ee aanay ahayn kooxda finalka u soo baxda ama koobka qaada, Shirkada Dahab Shiil oo ah shirkad qiime & magac weyn ku leh bulshada dhexdeeda ayay arintan ku noqon doontaa waji gabax & eex & fadeexad ay ku kacday iyadoo si,indho la,aan ah ugu kala hiilisay laba inan oo ciyaar yahano ah oo u kala ciyaarayey laba gobol oo dalka kamida, Hadaba arintan waxay fadeexad ku tahay shirkada Dahab Shiil iyadoo shirkada looga fadhiyto inay sheegto qaabka ay gaadhigan ku bixisay,


This post has been viewed 2788 times.

camud

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH