Harowo.com

Dacwaddii lagu soo oogay Siilaanyo iyo kooxdiisa oo meel xaasaasiya gashay

Taageerayaasha ururka Xaqsoor ee xubnaha sare ee ka tirsan xukuumadda Somaliland dacwadda kaga soo oogay carriga Ingiriiska ayaa walaac ka muujiyey war cusub oo ku soo kordhay ka dib markii ay lawyarada dacwada wadaa ku soo taliyeen in “ Haddii dadka dacwadda lagu soo oogayo maxkammad laga saaro halkan [carriga Ingiriiska], markaa waxaan wax idiin kala talin doonaa dariiqaddan oo faahfaahsan, laakiinse waa inaad ogsoonaataan in dacwadda denbigan la xidhiidha ay noqon doonto mid farahayaga iyo farihiinaba ka baxda, iyo gacmaha dhibanayaasha, markhaatiyada, ehelada dadku ka geeriyoodeen iwm. maadaama ay dacwadda gacanta ku qaban doonaan Adeega Dacwooyinka ee Boqortooyada Ingiriisku (Crown Prosecution Service) oo gacanta loo gelin doono dadweyne u doodayaasha (state prosecutors). Qodobkaas oo aanu ka soo min guurinay warqaddii [if the suspects are put on trial here, then I can advise you about the procedure in detail, but you should be aware that the criminal prosecution will be largely out of your and my control, as well as the victims, witnesses, relatives of the deceased etc. as it would be conducted by the Crown Prosecution Service (state prosecutors)”.Taas micnaheedu waxa weeye in aanay awood u yeelan doonin dacwo oogayaashu in haddii dacwaddu halkan ka bilaababto inaanay dib uga noqon karayn ee farahooda ay ka baxayso.

Arrinkan ayaa dacwo-oogayaashu labo aragti oo kala duwan ka kala bixiyeen hadda ka hor kuwaasoo kala ahaa in waaranka xadhiga (warrant of arrest) la soo jaro si markaas madaxweynaha loogu digo inaanu isku iman carriga Ingiriiska maadaama la xidhayo marka uu cagaha soo dhigo iyo aragtida kale oo ahayd inaan loo digin ee uu iska soo dego oo la qabto oo ah sida ay garyaqaanadu marka horeba soo jeediyeen, qaar ka mid ah dacwo oogayaasha ay la qabeen.

Kala duwanaanshaha labadaas aragti ayaa soo dedejiyey in garyaqaanadu tacliiq ka soo bixiyaan waxa dhici kara haddii la isku raaco in madaxweynaha aan loo digin ee loo qariyo waaranka taasoo marka la qabto uu hor imanayo maxkamad uu kaga jawaabo denbiyada dhacay ee lagu soo oogay taasoo markaas faraha ka baxaysa oo aan dib ula soo noqasho lahayn.

Inta lagu guda jiro soo jaridda waaranka, waxa kale oo dacwo oogayaasha la soo weydiiyey in si loo sii wado dhisidda kiiska ay soo gudbiyaan wixii markhaatiyo ah ee goob joog ka ahaa goobta denbigu ka dhacay, warbixintii dakhaatiirta (medical reports), haddii ay jiraan baadhitaan lagu sameeyey meydka (post mortem reports), sawirro iyo filimo wixii kale ee laga hayo dhacdadaas (films and photographs of the events and casualties) kuwaasoo qaarn la hayo kuwa kalena hawshoodii la soo dirayo.

 

Waxa kale oo la soo weydiiyey dacwo oogayaasha caddeyn ah in shakhsiga ama ashkhaasta denbiga lagu soo oogayaa ay deggan yihiin carriga Ingiriiska. Xeerka Maxakamadda Denbiyadda ee Caalimiga Ah 2001 (ICCA) sifaha oo degganaanshaha ku macnaynayo ayaa sida soo socota:

1) Qof haysta fasax abadi ah ee waddanka Ingiriiska.

2) Qof kasta oo codsaday in la siiyo fasax noocan oo kale ah (ama go’aan ha laga gaadho ama yaan go’aan laga gaadhine) balse weli ku nool Ingiriiska

 

Evidence that the suspect or suspects come within the definition of a UK “resident”. The International Criminal Court Act 2001 (ICCA) provides the following guidance in this respect:

 

67A Supplemental Provision about UK Residents

 

(1) To the extent that it would not otherwise be the case, the following individuals are to be to be treated for the purposes of this Part as being resident in the United Kingdom;

(2) Any other individual who has made an application for such leave (whether or not it has been determined) and who is in the United Kingdom;

 

Inkastoo Cali Xamari la isku raacay inuu haysto jinsiyad Ingiriis ah, waxa aan la hubin sharciga uu madaxweyne Siilaanyo haysto. Hase ahaate waxa la ogyahay inuu hanti ku leeyahay waddanka uuna deggan wuxuu doonaba ha haystee. Arrinkaas waxa lagu xalliyey inuu madaxweynuhu sharci uu ku deggan waddanka uu haysto.

 

Waxaanu idiin soo gudbin doonaa sawirrada qaar ay oggolaadeen lawyarada in haatan saxaafadda loo bandhigo karo. Kuwa dhintay ee ay qoorta iyo dhuunta kaga dhacday ee ay jarjartay waa la diiday in loo sii daayo saxaafadda


This post has been viewed 425 times.

camud

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH