Harowo.com

Dabo Dhlifkii Awdal oo Quus Ka Taagan Xukuumada Siilaanyo + Xukuumada oo Amar Ku Bixisay Inaan Cidna Tegin Boorama.

Waxa la yidhi “Nin Makhaxaayad iibsaday Hadii Loogu Iman Waayo, Mar Hadii Albaabada La Xidho Waa Afkala Qaade”. Tii baa maanta ka dhacday Boorama, waxaana meel madhan oo uuna hal qof oo masuul ahi joogin isugu yimid dobo dhilifkii Boorama oo keliya, kuwaas oo oohin iyo tacsi isla agtaagnaa!

Wixii Gedabuursi dabo dhilif lahaa ee Hargeysa ku sugnaa xabdi kama ay imay.  Waxa la sheegay hal xidhibaan oo dhuumasho ku yimid. Xataa wasiirkii dib u dejinta oo Kormeer ku soo maray meelaha ay abaaruhu saameeyeen wuu ka muquurtay inuu wixii uu soo arkay war bixin ka siin dabo dhilifka Boorama ee la soo dhoobay guriga madhan ee sadaqada beenta ah lagaga yaboohayay.

Waa yaabe Xagee lagu arkay meel la leeyahay dawlad ayaa ka jirta oo hadana shacabkii tabaalaysnaa dhawrto loogu yaboohayo oo la leeyahay nin walbow ku soo rid karaankaaga. Wax la kala dhuun dhuuntaba maana waa la iska soo hor baxay, waxaana meesha ka dhacday ceeb Allaha asturo.

Dobo dhilifkii reer Awdal, oo qaawan, oo keligii ah, oo aan dhar xidhnayn, oo aanay kuwii ay dabada u leefayeen-na la joogin, ayaa keligood iyaga oo faro nadhan, oo uu midkoodna caantayn haysan iska soo hor baxay. Waad arkaysiin foolxumada ka muuqata iyo hataataca ay ku hadlayaan!

Maqnaansha dhabo dhilifka Hargyesa, ayaa waxay ka dambeeyay xukuumada Siilaanyo oo amar ka soo saartay inaan la tegein Boorama, cidii tegtana kalsoonida lagala noqon doono.

Kagaa Darane xildhibaanadii Sunaamiga, oo ka soo jeeda degaanada ay abaaruhu sida xun u saameeyeen ayaa ku dhici kari waayay inay yimaadaan Boorama.

Waxa maanta cadaatay oo aan cidna muran ka keenayn in Gedabuursi la haysto oo xataa aanay xor u ahayn inay iska kaashadaan si ay wadajir uga gaashaantaan aafooyinka abaaraha.

Cidii isdiidsiinaysaa yeelkeed, laakiinse tan maanta dhacday waa marag madoon. Wakaa dhawalba ka qaylyaya.


This post has been viewed 696 times.

camud

51 Comments for “Dabo Dhlifkii Awdal oo Quus Ka Taagan Xukuumada Siilaanyo + Xukuumada oo Amar Ku Bixisay Inaan Cidna Tegin Boorama.”

  1. asc wali gay ismaan lahaydh samaroon siciid ayaa fadhi ku dirirka inta leeg isku kala qaayada siyaasadii ahayd qaybi oo xukun ayaa wadadee dii haysan dhalin yaro idinka manta awdal salal dadkeda midayn lahaa dadka aaburuhu hayana wax u qabanlaha ilahayna talo sarta haday din idinku wax qabsan yad waxka sugaysan

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH