Dabka Ina Geelle Zaylac Ka Shidayaa armuu Jibouti gaadhaa. bye Ibraahim Saleebaan Ducaale (Tallaabo)
HAROWO.COM
Dabka Ina Geelle Zaylac Ka Shidayaa armuu Jibouti gaadhaa
Xukuumadda Kulmiye waxa loo doortay inay qaadaan xilka dadka iyo dalka Somaliland,
Kana difaacaan cid kasta oo ku xad gudubta dhulka somaliland iyo shacabkaba.
Ka dib markii guuldaradii doorashadu ka dhacday dalka kuma koobnayn Zaylac oo
keli ah, dhamaan wadanka oo dhan waxa ka dhacay fashil iyo guul darro uu masuul
ka ahaa Kulmiye iyo xukuumadiisu, kulmiye oo sababay in doorashadii degaanka ee
dalka ka qabsoontay lagu tilmaami karo fawda aan xad lahayn oo kulmiye sababay.
Arrinta Zaylac maxaa gaar ka dhigay???????????????????????? ???????????????????????
Zaylac iyo xeebaha galbeed ee somaliland waa riyo muddo dheer ka soo jirtay dhinaca
jibouti oo ahayd ina ku fidiyaan maamulka jibouti dhulka somaliland, cid walibana way
la socotaa isku daygii Xasan Guuleed iyo Ismaaciil ee waqtigii Dawladii somaliadii haligantay.
Waxa kale oo lala socday sagaashamadii bilawgiisii in Calanka Jibouti laga taagay Geerisa
oo dhulka somaliland ka mid ah.
Laba kaclaynta Ina Geelle waxa maanta sabab u ah, maamulka Kulmiye oo ah xukuumad
itaal daran oo aan wax go’aan qaadasho ah lahayn waayo hore ayay oga dhacday in
gudaha somaliland lagu qabtay shirkii Taleex oo xukuumadda lafteedu lug ku lahayd
arrintan Zaylacna waxa maanta dabada ka riixaya xukuumadda oo aan marka horeba
mawqif cad ka qaadan oo iyadu wiiqday dimuqraadiyadii soo jireenka ahayd kana
gaws qabadsaday doorashadii ka dhacday Zaylac, waxa kale oo xoog dabada oga riixaya
koox reer Somaliland ah oo mushahar ka qaata Ina Geelle difaacana wax kasta oo Ina
Geelle ka dhan ah oo Somaliland Ka dhaca waana kuwa shacabka reer somaliland
u afduubay danaha Ina Geelle
Ugu danbayn haddii Xukuumadda Kulmiye waxba ka qaban weydo arrinta ciidanka
Ina Geelle soo abaabulay, waxa khasab noqon doonta in shacabka somaliland
isu taago difaaca dhulkooda iyo dadkooda.
Waxa kale oo xukuumadda iyo cid walba waajib ku ah in la xalliyo khilaafka iyo
is fahmi waaga beelaha somaliland wada dega iyada oo aan xalka ka raadin
Jibouti iyo dirirdhaba toona.
Ina geelena ha ogaado hadduu faraha kala bixi waayo arrimaha Somaliland
guud ahaan iyo tan Zaylac gaar ahaan waxa hubaal ah inaanu dabku ku ekaan
doonin xaaebaha galbeed ee somaliland ee uu kulaylku soo gaadhi doono
kursigan kartoonka ah ee uu ku fadhiyo.
Ibrahim Duale Sulaiman Talaabo
<somaliland44@hotmail.com>
This post has been viewed 169 times.
Related Posts via Categories
Posted by haro3468
on Mar 7 2013. Filed under Xulka Qoraha.
You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0.
You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.













Ina geele Batalow,kaligii taliyaha dawlad ku sheegga Djibuuti miyaan la ogeyn in qayb weyn ka qaatay dumistii Soomaaliweyn,siduu uga qayb qaatay siyaasiintu way ka warhaysaa,marka uu leeyahay Soomaali baan isku keenayaa wuxu ku fushanayaa ajanda iyo dan uu leeyahay,inta aan hore u ogeyn haatan ha ogaato,taa waxa markhaati ka ah sida gardarada ah ee faragalinta qaawan u ku hayo dhulka Soomaaliyeed qayb ka mid ah(Saylac) ,taas ooy ku hesheeyeen kaligii taliyaha kale ee ku amar taagleeya dalka la magacbaxay (Soomaali land).kaligii taliyaha dalkaasi waa kuwii ugu horeeyey dumista haykalkii dhismeed ee dawladdii Soomaaliyeed,dhawaan waxa cadaatay in Hargeyso tahay meelaha ugu waaweyn ee dalka laga dumiyo,sababtoo ah kuwa argagixisada u madax ihi waxay ka soo jeedaan maamulka uu xakumo,run ahaan abaabulka kharibaata iyo isqarxinta iyaga ayaa ka danbeeya.Indhaw waxay ku heshiiyeen in qabiil ku dhaqan dhulka u dhaxeeya Hargeysa iyo Jabuuti in si cad ay dalkooda dagaal sharis ah ay ku soo qaadeen iyaga oo ka dhandhansanaaya in dadkaasi ay himaladoodu tahay in lahelo Soomaaliweyn oo dawladeedii dib ugu soo noqoto,ujeedada laba kaligood taliye oo ah kala fogeynta iyo kala jarka ummadda Soomaaliyeed.