Harowo.com

Cambaarayn Ku Socota Dhammaan Siyaasiyiinta Gadabuursi kaga Jirta Maamulka Somaliland

HAROWO.COM
Nuxurka Maqaallo badan iyo Magac faro-badan oo naga soo gaadhay Bulshada Gadabuursi “Rag iyo Dumarba” oo aan soo koobnay

condemned 1Guud ahaan bulshada Gadabuursi Gudo iyo Dibadka waxay dhaliilsanyihiin Hab-dhaqanka Siyaasiyiinta u metela maamulka Somaliland iyo Habrashada aan xadka lahayn Ee ka muuqata.

Guud ahaan bulshada Gadabuursi Dal iyo Dibadba waxay saluugeen kartida,  miisaanka iyo Saamaynta siyaasadeed ee ay leeyihiin xubnaha ugu jira siyaasada SL ee uu u sareeyo Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici.

-Waxay Ku Cambaaraynayaan sida ay uga hadli waayeen xaalad abuurka uu Siilaanyo ka wado goboladooda

-Waxay ku Cambaaraynayaan sida ay u aqbaleen inay socodsiiyaan oo ay gadhwadeen ka noqdaan wax dadkooda iyo degaankooda lagu duudsiyayo

-Waxay Ku Cambaaraynayaan gufufka Boorama iyo Saylac ay ku qaadeen si ay bulshada isku duuban ee diidan gardarada badheedhka ah u kala daadiyaan

-Waxay Ku Cambaaraynayaan sababta ay uga hadli waayeen dilkii badheedhka ahaa ee askarta SL u gaysatay caruur aan hubaysnayn oo dareenkooda hadal iyo socod ku cabbiraya.

-Waxay Ku Cambaaraynayaan sababta ay uga aamuseen mashaqada intaa le’eg Ee Ay Qeybta ka yihiin Ee Dhawr maalmood ka taagnayd Borama ilaa Saylac.

Waxa si aan kala hadh lahayn bulshada Gadabuursi ay u cambaaraynaysaa siyaasiyiinta ugu jira sadexda gole ee Somaliland.

Waxay Tacsi u dirayaan geesiyadii shahiiday, Waxay u ducaynayaan inta dhaawaca ah.

Waxay hambalyaynayaan Dhalinyarada suldaanada ku sandulleeyay inay sutida u qabtaan Siilaanyo iyo Gacanyarihiisa iyo Gulufkii Hargeysa ka yimid. Waxay Hambalyaynayaan Xildhibaanada Casharatul Mubashiriinta ah Ee Muujiyay Isku duubnimada Ee Ka Adkaaday Dilaaliintii Siilaanyo usoo diray

 

 


This post has been viewed 12 times.

camud

Posted by on Jan 1 2013. Filed under Harowo News - Wadan Iyo Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH