Harowo.com

Cadaalad darro weyn oo aan cidna ka hadlin oo Awdal lagu hayo-bal akhri

Cadaalad darro weyn oo aan cidna ka hadlin oo Awdal lagu hayo 


Cadaalad darro weyn oo aan cidna ka hadlin ayaa lagu hayaa Awdal iyo shacbigeeda. Reer Awdal waxa lagu hayaa cadaadis siyaasadeed oo dhinac walba leh, hadii aad ogeyd midda saamiga ta cod-bixintana ku darso.

Shaxda hoose akhri oo halkaa ka dhugo habka cadaalad darrada iyo xad-gudubka ah ee loo duudsiyay xuquuqdoodii doorasho iyo codkii ay xuquuqdooda ku heli lahaayeen, marka doorasho timaad.

Gobolka Awdal waa kan ugu yar tirada sanaaduuqda iyo goobaha codbixinta marka laga dhaqaaqo gobolada ay isku darajada ahaayeen doorashooyinkii hore, halkii laga filayay in wax lagu kordhiyo ayaa wax laga dhimay, gobolada kalena waa loo kordhiyay sida ku cad shaxda ay soo saareen komishanka doorashada somaliland.

Gobolada iyo Tirada Goobaha ama Sanaaduuqda loo qorsheeyey.

1.       Awdal   = 256

2.      Maroodi Jeex = 616

3.      Saaxil = 109

4.      Togdheer = 379

5.      Sool = 189

6.      Sanaag = 295

7.      Tirada guud ee Goobaha/sanaaduuqda ee Gobalada kor ku xusan  = 1844.

Faahfaahinta oo aan kasoo diyaarinay wareysi uu Komishanku BBC-da siiyay waxa ka  soo dhex baxaya Tirada Codbixiyayaasha ee lagu talo galay inay ka codeeyaan 1844 goobood ama Sanduuq marka lagu saleeyo Waraaqaha Codbixinta ee Sanduuq kasta ku jira oo ah 525 Waraaqood.

Sidaa darteed Gobolada iyo Tirada Dadka ka codeynaya waxay noqonayaan sida hoos ku qoran. 

Eeg inta loo korodhiyay gobolada kale iyo sida Awdal loo bar-tilmaameedsaday iyo sida.................

1.      Awdal             =>256 x 525 = 134,400  Barbar dhig Doorashadii 2010 = 176,916.

2.      M. Jeex => 616 x 525 = 323,400  Barbar dhig Doorashadii 2010 = 361498.

3.      Saaxil => 109 x 525 = 57,225   Barbar dhig Doorashadii  2010 = 43096

4.      Togdheer=> 379 x 525 = 198,975 Barbar dhig Doorashadii  2010 = 243220

5.      Sool         =>  189 x 525 = 99,225barbar dhig Doorashadii 2010 =  98313

6.      Sanaag => 295 x 525 = 154,875 Barbar dhig Doorshadii 2010 = 146871

7.      Tirada Codbixiyayaasha la qorsheeyay Gobolada ee 2012 = 968,100 oo Qof.


This post has been viewed 368 times.

camud

2 Comments for “Cadaalad darro weyn oo aan cidna ka hadlin oo Awdal lagu hayo-bal akhri”

  1. war waxbaa ka dhacay meesha haduu doqon meel ka hadlo halkanbay isug timi kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk reer burcaan ahay kkkkkkkkkkkkkkk waxaad doonto ahoo koley qof caadiya ma tihidoo waad buktaaye

  2. Waan idin salaamay hawlwadenada harawo oo runtii aan aad ujeclahay ahna webka aan ugu horeeyo akhriskiisa.

    Waxaan ahay reer burco iyo hawd, waxaan qirsanahay in reer Awdal ama aan idhaahdee beelaha darafyadu aanad moodin inay dalka xaq iyo xuquuq kulahayn ama kabatirsanayn. Waxa sicad umuuqata cadaalad daro aan hore ugadhicin soomali aykadhacday somaliland.
    Isweydiintu waa dadkii lagudagaal geliyey caddaalad daro iyo eex laynagu samaynaayo, oo 21 sanadood iyagii sameeyey mid aan weligeed kadhicin soomali.
    Maanta waan kaxishoodaa inaan sheegto soomaliland waayo woqooyi wuxuu ahaa shan gobol, 2,50 waxaa dega beelaha darafyada, 2,50 beesha dhexe. Hadaba maanta waxaad arkaysaa 90% pre. maamulkii qaateen beesha dhexe, oo weliba intii ugu tunka weynayd ama ilihii dhaqaalaha. Tani maaha mid dadnimo iyo dal toona kusiijiri karo ama la eegankaro.

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH