Harowo.com

Cabdilaahi Dheere oo Soo Rogaal Celiyay, Kana Guulaystay Axmed Muumin Seed Iyo Kuwiii Lahaa Waa “Laam Gaab”.

Ruug Cadaaga Cabdilaahi Dheere (xoghayaha golaha Guurtida Somaliland), ayaa si lama filaan ah uga guulaystay Axmed Muumin Seed inuu noqdo siyaasiga kowaad ee ardaayada beesha Habar Cafaan, Isla markaana uu ahaado ninka ay ka go’do talada beesha Habar Cafaan ee dhinaca siyaasadda iyo cida ka mid ah beelaha dhexe ee Habar Cafaan xulafo la noqonayso hadii ay doorasha ka dhacdo Somaliland.

Guusha lama filaanka ah ee uu gaadhay Cabdilaahi Dheere, ayaa ka dambaysay dadaal xoogan oo uu ka galay Hargeysa iyo beelaha dhexe, gaar ahaanna kooxda xukunka Somaliland qabsatay ee uu hogaamiye wasiirka madaxtooyada Xirsi Gaab, dadaalkaas oo ugu dambayntii keenay inuu Cabdilaahi Dheere ku adkaado loolan qadhaadh oo aan waxba la iskula hadlin oo waayadanba ka hoos shanqaqdhayay siyaasadaha guracan ee Beesha Habar Cafaan.

Tan iyo intii xukuumada Siilaanyo ogolaatay in la furo diwaan gelinta ururuada siyaasada, isla markaana uu dibedda u soo baxo nin kasta oo damac siyaasadeed lahaa, ayaa waxa cadaatay in labada nin ee Cabdilaahi Dheere iyo Axmed Muumin Seed ay sii kala fogaadaann, iyada oo aad moodo in mararka qaarkood la isku soofaynayo, loona kala dab qaadayay si loo sii huriyo colaada u dhaxaysa. Waxaan dhacday in xubnaha firfircoon ee Habar Cafaan ku kala dabo faylaan kolba kii u muuqda inuu gacan sareeyo ama soo baxayo.

Hadabada, iyada oo goolaaftankii iyo hoos ka tuurkii u dhexeeyay labada nin hakiisii ka sii socdo, ayaa waxa la soo gaadhay xiligii ururada siyaasadda la kala reebi lahaa, shacabkuna kala dooran lahaa midka ay la hayaan. Cabdilaahi Dheere oo ka soo jeeda Jibraacin, ayaa waxa dhacday in loogu xoog sheegto Boorama, iyada oo ay taageerayasha Axmed Muumin Seed (Muuse Fiin) ay ku tilmaameen Cabdilaahi Dheere “Laan Gaab Aan Meel Fog Gaadhayn”, sidaa darteedna aan la isku masquulin in la teegeero.

Cabdilaahi Dheere, ayaa markay taasi dhacday “Dabinta Ganiinay, guntigana dhiisha iskaga dhigay”, waxaanu sidii caadada u ahayd ka hawl galay magaalada Hargeysa, halkaasi oo an laga aqoonin Axmed Muumin Seed. Cabdilaahi Dheere oo mudo labaatan sano ah ku sugnaa magaalada Hargeysa, isla markaana hormood ka ahaa qorshe kasta oo beelaha dhexe wataan, kuna wajahan Awdal, ayaa ka mid ah siyaasiinta faro ku tiriska ah ee ay aaminsan yihiin beealaha dhexe, taasi oo uu maanta midhaheedii guranayo, sida ka muuqatana u suurto gelisay inuu ka adkaado Axmed Muumin Seed.

Axmed Muumin Seed oo marka Boorama la joogo u eg “Libaax aan la Loodin Karin”, ayaan gebi ahaanba laga aqoon Hargeysa, sidaa darteedna aanay beelaha dhexe isku halayn karin. Guusha Cabdilaahi Dheere Kaga Gacan Sareeyay Axmed Muumin Seed, ayaa waxay ka marag kacaysaa in sida Boorana loogu kala muhiimsan yahay aanay qiimo badan ka lahayn Hargeysa. Hargeysa Waxa kaliye ee shaqeeyaa waa: Beelaha Dhexe Kalsoonsi Buuxda ma kugu qabaan inaad arrimahooda fulin doonto.?Sida la ogyahay beelaha dhexe ma kala jecla hebal baa “Laan Dheere ah, Hebalna Waa Laan Gaab”.

Marka Hargeysa la Joogo, la isma barbar dhigo karo Cabdilaahi Dheere iyo Axmed Muumin Seed, midna waa laxam suqaar (Axmed Muumin Seed), midna waa nin meel loogu soo hagaago leh oo la ogyahay talooyinka uu qaadanayo (Cabdilaahi Dheere). Waana waxa kaliya ee hargeysa Ka Socda.

Dhinaca Kale Cadilaahi Dheere oo mudo ku soo jiray siyaasadaha Somaliland, ayaanay waxba ka qarsoonayn, sidaa darteedna wuxuu markiiba shiishka saaray urur siyaadaseedka la hubo inuu soo baxayo, kaaso oo ah Nasiye, oo sida la sheegay uu ka dambeeyo wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Gaab. Ururuka Nasiye ee uu Xirsi Gaab ka dambeeyo, waxa cadaatay in aanu u baahnayn taageero laxaadle oo gobolada uu ka helo. Kor iyo hoosba waa kii soo baxa.

Urruka Wadani ee Axmed Muumin Seed lacagta Badan Geliyay, oo lagu xanto inay xukuumada Siilaanyo ka Dambaysa, ayaan marka dhinac walbaba laga eegoo la barbar dhigi karin Nasiiye, madaama oo uu Xirsi Nasiye Ka Dambeeyo, halkaana waxa laga dheehan karaa khibrada siyaasadeed ee u dhaxaysa labada min ee ku tartamaysa hogaanka siyaasadeed ee Habar Cafaan.

Sida aan ka helnay ilo wareedyo xog ogaal ah, Xirsi Gaab, ayaa aad uga xanaaqay in beesha Habar Cafaan hor wadwado, isla markaana sanka ka marmarso Wadani iyo Axmed Muumin Seed, waxaanu sida la sheegay ka codsaday wasiirka Beeraha somaliland Faarax Geedoole oo ay Gacal yihiin inuu sharaxaad ka bixiyo mowqifka runta ah ee Beesha Habar Cafaan, isaga oo waliba ku hanjabay in hadii uu war cad dhakhso ugu soo celin waayo uu go’aan kama dambayn ah ka gaadhi doono siyaasadaha jaah wareersan ee Habar Cafaan.

Wasiir Geedole, oo bowdyihu gariirayaan, ayaa sida la sheegay iskugu yeedhay waxgaradkii Habar Cafaan, waxaanu soo dhex Dhigay su’aal keliya, taasoo ah: “Xirsi Wuxuu Yidhi Isa Soo Cadeeya, ee Maxaa Talo ah?”

Habar Cafaan, ayaa markii ay xisaabtan badan gashay, mustawaheedana eegtay, waxay go’aansadeen inay marka ay eegaan xaaladaha iyo duruufaha taagan aanay awoodi karin inay ka hor yimaadaan wasiirka madaxtooyada Xirsi Gaab, wixii uu doorbidana ay yeelaan, iyaga oo “Candhuuftoodana Dib u Liqaya”.

Halkaasina waxa ku adkaaday Cabdilaahi Dheere, oo mudo badan Habar Cafaan Ku Waaninayay inay dobo socdaan Xirsi Gaab.

Harowo Desk, Boorama


This post has been viewed 198 times.

camud

Comments are closed

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH