Harowo.com

Breaking News:- Afhayeenka Ugaaska Beelaha Gadabursi Mudane Muuse Carab Dugsiiye oo Loo Xidhay Qaban Qaabada Xuska Xasuuqi Snm Ka Geysteen Gobolka Awdal

Boorama (harowo) Afhayeenka Ugaaska Beelaha Gadabursi Mudane Muuse Carab Dugsiiye ayaa saaka xabsiga loo taxaabay waxaana warkaasi noo xaqiijiyey Suldaan Abshir oo ah suldaanka guud ee beelaha bahabar muuse waxaanu yidhi “ haa waa la xidhay waxaanan ku soo arkay saldhiga dhexe ee booliska laakiin ma garayo sobabta loo xidhay waxanan ugu baaqa cid kaste oo ka danbaysa xidhitaankiisa inay sida ugu dhakhso badan u dayaan intayna wax kale la kulmin”

Dhinaca kale warar ka ag dhaw masuulkani la xidhay ayaa sheegaya in xadhigiisani uu ka dambeeyey isaga oo loo haysto qaban qaabada munaasibad baroor diiq loogu samaynayo 4 February 1991 dadkii reer awdal ee snm ku xasuuqeen Gobolka awdal.

Wixi warar ah ee ku soo kordha xiisadan kala soo halkan

Harowo desk


This post has been viewed 266 times.

camud

Comments are closed

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH