Harowo.com

Beeshii Samaroon Ee Soomaali ugu aqoonta badnayd oo Gumaysi beel la mid ah ku hoos jirta, bal qoraalkan eeg………….

HAROWO.COM

Beesha Samaroon oo lagu tuhmo in ay tahay beesha ugu aqoonta badan gayiga Somaliyeed guud ahaan gaar ahaana Somaliland. Waa beesha ugu taariikhda badan dhamaan beelaha Soomaliyeed.

Waa beesha kaliya ee heshiis la gashay gumaystihii Ingriiska qarnigii 18aad,hishiiskaas oo gumaysiga lagu tusayey in ay jiraaan dad Soomiliyeed oo tahansan asheedooyinka dawladaha gumaysiga. Tan iyo intii Somaliland dib ugala soo noqotay xoriyadoodii Somaliya beeshani waxa ay ahayd hormuudki dhidibada u aasaay dawladnimada maanta la hadhsanayo faaadidadeeda.

Waa beeshi ka adkaysan kari wayday in dalku ku jiro maleeshiyo beeleed iyo budhcad jideed taasi oo markii danbe wafdi culus ay u so direen dhamaan magaalooyinka waaweyn ee dalka si seeska nabada,iyo nidaam dawladeed loo unko xididada loo siibo colaadaha,budhcad jideedka,maleeshiyo beeleedka iyo isbaarooyinka beelaysan.

Waxa ay ku guulaysteen in shirweynihii ugu cuslaa uguna miisan badnaa ay martigaliyeen,shirkan oo socday muda 6 bilood ah oo rag iyo dumarba reer Boorama dhabarka kaga jabeen martigalintiisii gabgabadii waxa lagu soo doortay dawlada uu hogaaminayey marxuun Cigaal iyo C.rahman Aw Cali.

Hadaba beesha Samaroon iyadoo sidaa laga wada dharagsan yahay sida ay ugu doorbiday waqtigeedii,caqligeedi iyo maalkeediba hadana maamulka dawladnimo dibada ayey ka joogta waxa ay u muuqataa inay magaca uun ilaalinayso.
Waxa jirtay cabashooyin ay salaadiinta iyo siyaasiyiinta beeshu wadeen ilaa dawladii Cigaal ilaa tan maanta ee Siilaayno oo cabashooyinkas oo u ekaaday waawayntii bariga dhexe ee dhamaadka iyo xalka lahayn.Hadaba iyada oo ay jirto saluuga talada dalka ayaa intii dawladan Siilaanyo talada dalka qabatay waxa soo ifbaxay sida maamulka Siilaanyo cadaawada ugu hayo beeshan galbeedka dalka. Dad badan waxa ay ku micneeyaan in uu Siiilanyo kaga aarsanayo dhibaatooyinkii uu ku hayey maamulkii Rayaale hisbiga talada haya ee Kulimiye waqtiyadii uu ahaa mucaaradka.
Madaxweyne Siilanyo waxa ugu horeeyey ee uu ku bilaabay cadaawada waxa ay ahayd markii uu ka siiyey golihiisa wasaarada 2 wasiir oo ah kuwii ugu liitay oo maqaar uun ah arinkas oo beesha galbeedku ama beesha Samaroon ka biyo diiday bilawdayna mucaaradnim.
Aargoosiga madaxweyne Siilanyo ku hayo beesha galbeedka ama beesha Samaroon waxa ka mid ah,
1-Isaga oo ka fogeeyey beesha Samaroon golaha fulinta dawlada.
2- Waxa uu ka sifeeyey shaqaalihii dhamaan wasaradaha marka laga reebo wasaaradaha liite ee ay iyagu maamulaan ee magaca uun ah.
3-Waxa uu magacaabay 17 safiir ama danjire Somaliland u jooga dalalka shisheeye hal safiir ayuu kaga daray.
4- Waxa beesha samaroon  kaga daray 3 sarkaal 50 sarkaal oo dawlada Ethoipa deeq waxbarasho u fididay.
5- Waxa uu aargoosigiisii gaashsiiyey in uu wasaaradihii 3da ahaa ee uu beesha siiyey tii ugu yara qoyanayd uga qaado beel kale isaga oo bahdilaad iyo sharaf dhac ugu wareejiyey wasiirkii magaca beesha lagu bahdilay hadana in loo dhiibo wasaarad bilaa xafiisa ah.
6-Waxa uu ka qayb qaatay khilaafkii beelaha Samaroon ee arinkii Ugaaska oo uu arinkii sii huriyey.
7- Waxa uu damac qotodeer galiyey beesha Ciise oo uu Rayaale iskugu daray maamulka degamada iyo gobolkaba ee Selel isaga oo ku qanciyey inuu magaca dowladeed wax ugu qaban doono kaalin weyna kulahaa shirqoolkii Saylac.
8- Markii ay qorshayaashii Saylac socon waayeen ayuu bilaabay inuu Saylici laftiisa meesha ka saaro isaga oo soo jeediyey in dastuurka dib loo furo si loogu daro qorshaha uu wato oo ah in dalka labo madexweyne ku xigeen loo sameeyo sii loo sii wiiqo awooda yar ee beesha Samaroon dawlada ugu hadhay.
8- Waxa uu soo magacaabay taliyaha qaybta ee degmada Borama oo uu ka dhigay nin beesha Isaaq ka socda,waana arin ugub ku ah in iyada oo aan taliyayaasha la isku badalin in taliye reer kale beel loo soo magacaabo.
9-Waxa uu soo magacaabay gudoomiyaha kastamka degmada Borama oo isna beesha Isaaq ka soo jeeda iyadoo laga wada dharagsan yahay in kumaanka kum ee jaamacada Camuud sanadkasta ka qalan jabiya ay bilaa shaqo suuqyada iska joogan.
waxa aan ku soo gabagabaynayaa dawlada Siilanyo cadhadii uu u hayey Rayaale ee uu kula duldhacay beel weynta Samaroon talow ma intaa ayaa aargoosi ugu filan mise wali waxkama dhawo oo waxa soo socda ayaa ka daran waxan hada taagan. Guntii iyo gunaanadkii waxa aan ku soo gababaynayaa xaqiiqooyin ay ka qoreen sida beesha Samaroon uga aradantahay maamulka gobolada Awdal iyo Selel.1. Badhasaabka Gobolka Awdal2-Taliyaha qaybta booliska ee Gobalka Awdal ( isaaq)3. Taliyaha cashuuraha bariga ee borama (isaaq)

4. Gudoomiyaha kastanka Borama (isaaq)

5. Gudoomiyaha Baanka borama (isaaq)

6. Badhasaab ku xigeenka Gobalka Awdal (ciise)

7. Badhasaabka Gobalka Salal (cise)

8. Xoghaya degmada saylac (isaaq)

9. Gudoomiyaha Kastanka Saylac (isaaq)

10. Gudoomiyaha maxkamada G.Awdal (isaaq)

11. Xeer ilaaliyaha Maxkamada G. Awdal (isaaq)

12. Taliya saldhiga lowyacado (isaaq)

13. Taliyaha ilaalada xeebaha saylac (isaaq)

14. Taliya laanta socdaalka ee Lowyo cado (isaaq)

15. Cashuur qaadaha iyo hubiye ee magaalada caasho-cado (isaaq iyo cise)

16. Iyo kuwa kale oo ah jagooyinka hoose.

17. Xisaabiyaha wasarada waxbarashada degmada saylac (isaaq)

18. Gudoomiyaha kastanka lawyocado (ciise)

19. Gudoomiyaha waxbarsha ee Gobalka salal. (cise)


This post has been viewed 168 times.

camud

Posted by on Feb 9 2013. Filed under Harowo News - Wadan Iyo Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

1 Comment for “Beeshii Samaroon Ee Soomaali ugu aqoonta badnayd oo Gumaysi beel la mid ah ku hoos jirta, bal qoraalkan eeg………….”

  1. Yasmina

    Shit waa doqoniimo walaahi sidani ee samaroonow sidani isku dhaama dhamaan samaroon ma wada zero baaaa

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH