Harowo.com

Beesha Tumaalada oo Loo Diiday Raashinka Gar Gaarka ah ee ay Beesha Caalamku Bixiso

Waxa baryahan ay kasoo yeedhaysay cabasho xoogleh xaafada hawlwadaag ee magalada Hargaysa oo ay badi dagan yihiin dadka danyarta ah ee kasoo jeeda beesha tumaalada, kuwaasoo ka cababnayay inaan habayaraatee lasoo gaadhsiin raashinada gargarka ah ee ay bixinayso beesha caalamku kuwaasoo loo qaybiyo guud ahaan dalka oodhan, tuulooyin , magaaloiyiin iyo xaafadaba marka laga reebo xaafada hawlwadaag oo beeshaasi dagan tahay.

Waxa ay odayaasha beeshaasi sheegeen in ay dhawr jeer codsadeen in laga qayb galiyo deeqaha caalamiga ah balse aan dhag jalaq loosiin.

Waxay odayaashu sheegeen in gar gaarka beesha caalamku bixiso laga maamulo guriga madaxtooyada balse aan iyaga loo ogolayn inay galaan mana jirto cid dawlada nooga wakiila oo arointaa kala hadashaa markaani isxil qaano odayaal ahaan waxa naga horyimaada caqabado badan oo naga hor istaaga inaanu xuquuqdayada raadsano.

Xaafada hawlwadaag kama duwaana degaanada kale ee deeqaha raashinka looqaybiyo hawlwadaag kama duwana qorilugud, caynaba, iyo meelaha kale ee deeqaha gar gaarka ah loo qaybinayo timir se lafbaa kujirta.

Waxaanu ka codsanaynaa hadaanu odayaashi beesha nahay xukumadu inay wax kaqabato cadaalad darata lagu samaynayo deeqaha caalamiga ah.

Waxa kale oo aanu kacodsanaynaa oo aanu ugu baaqaynaa hadii ay inuun dareen leeyihiin qurba joogta beesha tumaaladu inay arintaa ka hadlaan oo ay caalamka gadhsiiyaan sida loo duud siyayo xuquuqda dadkooda ee lo diidan yahay deeqaha uu caalamku bixinayo

cabdi, Email: dube33@hotmail.com


This post has been viewed 162 times.

camud

Comments are closed

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH