Harowo.com

Beesha Ciise oo ka wayday Saylac Guri ay ku qaabilaan Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Iyo Xamasta Saylac ku murmaysa oo xidhe loo raadinayo

HAROWO.COM

Saylac(Harowo)- Wasiirka arimhaa gudaha ee Somaliland Mud. Maxamed Caraale Duur oo ku sugan magaalada Saylac ayaa wali ku mashquulsan sidii uu xal uga heli lahaa xiisada ka aloosan halkaasi, kadib markii xaalka uu degmada Saylac ugu tagay uu wax badan ka duwanaaday kii uu filayay.

Wasiirka ayaa wada kulano uu la yeelanayay dadka degaanka iyo xildhibaanada labada garab ee halkaasi laga doortay, waxana wasiirka oo markii hore la yaabanaa xildhibaano 4 ah oo garbka rabshada wada ah oo uu la kulmay qaabka ay cabashadoodu tahay iyo waxa ka maqnaysiiyay 3dii xildhibaan ee kale ayaa waxay wararku sheegayaan inay ku soo baxeen arimo la yaab leh oo ka fajiciyay.

Wasiir Duur ayaa kadib markii uu ka soo laabtay guriga Maayarka Aqlabiyada lagu doortay ee D/Saylac oo uu kulan kula yeeshay xildhibaanadaasi waxa uu u baqoolay dhinaca kooxda rabshada wada oo uu ka dalbaday inay gogol u dhigaan, kadibna si cad ay ugu marti qaadeen wasiirka iyo wafdigiisa inay kula kulmaan dugsiga sare ee Sacaada-diin ee Saylac oo xarun u ah kooxaha rabshada wada.

Wasiirka ayaa ku gacan saydhay inuu kula kulma xarinta dugsiga kadib markii uu u sheegay in aanu waxbarasho u iman Saylac balse uu wada hadal u socda, sidoo kale waxa ay tani badalkeeda u sheegeen wasiirka inay kula kulmayaan xarunta badhasaabka, waxana uu markale wasiir Duur oo yaaban ku yidhi “ Xarunta badhasabku waa xafiiskii W/Arimaha Gudaha ee I geeya meel dhexdhexaad ah oo aan arintiina ku gorfeeyo, halkaasi oo la waayay meel lagula kulmo.

Dhinaca kale wasiir Duur ayaa kulamo la yeeshay odayaasha beesha Ciise ee Saylac ku sugan, balse waxa ay u sheegeen in arinta uu kala hadlayo aanay xidhe ka noqon karin meel marinteeda, beesha ciisana ay arinteedu laba qof ka go’do kuwaasi oo kala ah AABO GEELE iyo UGAAS MUSTAFE, oo labaduba aanan xaq u lahayn inay gorfeeyaan arinta Somaliland maadaama aanay ahayn muwaadiniin reer Somaliland ah.

Sikastaba ha ahaatee Wasiir Duur oo arinta uu u socdaa ay ka cakiran tahay dhinaca beesha Ciise ayaa waxa uu dalbaday in 24tan saac gudahood loogu keeno 2 arimood oo ay mida koowaadi tahay, cid uu kala hadlo arinta Saylac oo xidhe u noqota dadka xiisada ka wada Saylac iyo tan labaad oo ah 3da xildhibaan ee ka maqan Saylac tiradana ugu jira Somaliland ee arinta Saylac lagu tirinayo.

Wararkii u dambeeyay ee Saylac ka imanayana waxa ay sheegayaan in baabuurka badhasaabka Salal lagu doonay 3da xildhibaan ee maqan oo ku sugan ilaa hada magaalada Djibouti.

Lughayanews


This post has been viewed 58 times.

camud

Posted by on Jan 16 2013. Filed under Harowo News - Wadan Iyo Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

2 Comments for “Beesha Ciise oo ka wayday Saylac Guri ay ku qaabilaan Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Iyo Xamasta Saylac ku murmaysa oo xidhe loo raadinayo”

  1. Maxey guuri ku yaal jabuuti uu geyn wayeen hhhhhh

  2. abu said

    Waxii meeshaa ka yimaada Salaadiinta Gadabuuri ayaan u haysanaa wa’yo, in ay maanta ka maqnaadaan ma’ ahayn Saylac, mar hadduu Minister Duur ka waayey xidhaa Ciise, jawaabta inuu ka helo Salaadiinta Gadabuursi ayey ahayd, ka maqnaan shahoodi dhibaatadaa ayey leedahay, sida iiga muuqata arintu arin dawladeed ma’aha ee waa arin qabiilo shaqada qabiil kana waxaa iska leh Suldaanada, meesha ha ka toosaan.

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH