Beesha Ciise oo diidday inay ka hadhaan maayarnimada saylac iyo wasiiradii soomaaliland ee halkaa tegey oo dib ugusoo laabtay Saylac
Jabuuti (Harowo) – Wararka ka imanaya shir maanta Magaalada Jabuuti ay ku yeesheen Wasiirradii xukuumadda Somaliland u dirtay xalinta khilaafaadka ka taagan Saylac iyo odayaasha beesha Ciise, ayaa ku waramaya in shirkaasi aan la isku afrgaran isla-markaana uu ku dhamaaday khilaaf iyo hadalo taagtaagan.
Wararka shirkaasi laga helay, ayaa sheegaya in odayaasha beesha Ciise shirkaasi ka baxeen ka dib markii wasiirradu u soo bandhigeen fikir odhanaya inay ka tanaasulaan xilka Maayarnimada ee ay ku doodayaan isla-markaana qaataan Maayar ku xigeenka, lana siin doono xilal kale oo dheeraad ah.
Warka ayaa intaa ku daraya in odayaasha Wasiirrada la shiray oo ay ku jiraan golaha dhaqanka Ciise oo Diridhaba khilaafkan uga yimid ay shirkaasi maanta cadho kaga baxeen, sheegeena in aanay beel ahaan ka tanaasulayn xilka Maayarnimada, ilaa Maayarnimada lagu soo wareejinayana ay arintani taagnaan doonto.
Wasiirada soomaaliland ,ayaa inta kaddib beesha Ciise u sheegay inaan loo joojinayn shuruuradaha ay soo jeediyeen ,isla markaana soomaaliland ka qaadanayso wixii danteed ah .
Dhanka kale, Wasiirrada ayaa la sheegay inay markaa ka dib kulamo la yeesheen xubno ka mid ah masuuliyiinta xukuumadda Jabuuti, kuwaasi oo ay kala hadleen inay kala qayb-qaataan xalinta khilaafkan, iyagga oo maanta galinkii dambana ku soo laabtay Magaalada Saylac.
Harowo
This post has been viewed 95 times.













Yana loo joojin maxey sameyn karan?
Marka horeba qalad iyey aheyd in
arinkan la bunbuniyo,ee habar awal
iya (agenda) ka wadata. agendahasina
wuxu fashilmey malinti borama tostey.