Harowo.com

Badiba Dadweynaha Reer Awdal, oo Ka Xumaaday Sida Xisbiga Kulmiye Ula Dhaqmay C/raxaan Cabduqaadir.

Badi dadweynaha ama aqlabiyada dadweynaha reer Boorama, oo an iyagu cod ay u calaacalaan xisbiga Kulmiye siinin doonin doorashooyinkii xisbigaasi keeenay kursiga dalkan ugu sarreeya, ayaa dhinaca kale waxay weligoodba Siilaanyo ka saadaalin jireen dagaallo siyaasadeed, kuwa beeleed iyo kuwa kooxeedba, iyagoo aaminsanaa in haddii Siilaanyo xukunka dalka qabsado u dhamaan doono masiirka siyaasadeed ee G/awdal Hargeysa iyo Berbera, isla markaana dawladnimadu anay soo dhaafi doonin siyaasiyiinta degaanada uu kasoo jeedo.

Waxa kaloo ay sadaalin jireen, kuna sheegi jireen Siilaanyo in haddii uu kursiga madaxtinnimada fuulo anu cidna u aabo yeelayn sidaa darteedna ay 80 codkooda u siiyeen xisbiGII udub.

Sidoo kale ayaa markii xisbiga KuLMIYE xukunka dalka u qabsaday ,siilaanyana looga dhigay madaxweyne ayaa sidoo kale guud ahaanba waxa bilowgiiba gobolka gilgilay bannaanbaxyo lagagasoao horjeedo dawladdiisa, bannaanbaxyadaasoo qaarkood ku slaysanaayeen soomaaliland diidn imo an looga baran reer Awdal.

Waxyaahgaasi ay reer Boorama ka arkayeen xisbiga Kulmiye ,ayaa aakhirataankii lagu fuliyey qaybo ka mid ah masuulyiintii xisbiga Kulmiye ugu sarraysay ,ama hoggaankiisa ahayd intii anu axmed siilaanyo xukunka dalka qabsanin.

Waxyaalo badan ayaa ka dhacay dhinaca siyaasadda ,dhaqaalaha iyo xukuumadda xisbiga Kulmiye kuwaasoo ay ka amid yihiin haybaddii laga sugayey dhinaca caddaaladda, aqoonsiga, horumarka, dhaqaalaha iyo amniga guudba.

Rag badan oo magac ku lahaa xisbigaasi waagii ololaha ayaa durba daaqadda ka baxay halka kuwa kalena lala maagganyahay xadhig iyo cagajuglayn kaga timaadda xukuumaddii ay ku xiiqeen xisbigeeda, kuwa ka mid ahna ay u dhinteen , halka kuwa kalena dhaawacyadii kasoao gaadhay weli la ildaranyihiin.

Ragga maanta abaaldarada xisbiga Kulmiye ku dhacday ayaa waxa ka amid ah guddoomiyekuxigeenkii xisbigaasi, maxamed Cabdulqaadir, oo daafaha dunida soomaalida joogtaayi la yaabantahay waxa ka qabsaday xisbgii uu dhabarka kagaoo jabay.

Cid kastoo joogtay ama daawanaysay waxa ka dhacay shirweynihii xisbulxaakimka wakhtigani ku qabsaday Hargeysa, cid kastaana ogtahay in fivilada caynkaasoo kala ah an loo quudhin qof soomaali ah ,ama muslin ah ama ajnebi ah, gaar ahaanna an laga filayn inay waxaasoo kale ku dhacaan qof reer soomaaliland oo ka tirsanaa masuulyiinta xisbi siyaasi ah, oo uu ka tirsanaa masuulyiintiisa sarsare.

Dadweynaha Boorama, oo an sidaan hore u sheegnay an wax naxariis ah ka dhaxayn xisbulxaakimka Kulmiye, iyaguna anay ka filayn wax wanaag ah ,ayaa siyaalo kala duwan uga hadlay siyaasiga maxamed Cabdulqaadir, qaarkoodna ku tilmaameen anay ahayd tallaabo waxashnimo ah.

Xuseen Cabdi oo ka mid ahaa dadkii xalaydaawanayey shaashadaha ayaa yidhi “runtii waan ka naxay ina Cabdulqaadir ,sida laga yeeleyna isma lahayn waxa laga yeelayaa nin reer kulmiye ah ,maxaad ka sugaysaa kuwa kale ee sacabka usoo tumi jiray”.

Nin Kale ayaa yidhi “ina c/qaadir wuu kasbaday magacdilka, waayo wuu yaqaannay ragga Kulmiye iyo siilaanyo inaysan abaal lahayn,waxanse la yaabanahay waxa ku dhici doono kuwa reer oorama ee weli rajo ka sugaya xisbigaasi iyo siilaanyo”, gabadh kale ayaa tidhi “imisaan lahayn kulmiye iskaga hadha ,bal ragiisii reer Hargeysa ayuu sidaa u geleyaayi maxay kuwa beelaha kale ah ka filayaan ,in…..”.

Nin kale oo oday ah ayaa yidhi “runtii waa wax laga naxo, kuna wanaagsnayn anshaxa siyaasadda ,ninkii an ogeyn e xisbiga kUlmiye haldoorkiisii ahaa, ee weliba reer Burco ahaa, ee weliba u dhabarjabay Siilaanyo ma wax la qaataa …haddayse kuwa garab fadhiyaa odhan lahaayeen diidnay, bixin maynno ninkani, dee xaalku halkaa ma gaadheen, soomaalilandna ceebowday, kulmiyena ceebow, arrintaasi haddii sidaa uun looga tego siilaanyo iyo xisbgiisa, dee wax kalaa la arki oo tanibaa ciyaar noqoqn”.

Si kastaba ha ahaatee badi reer Booramaha ka xumaaday tallaabada xisbgu ka qaaday masuulkaasi ayaa ka damqashadooda ficilkaasi sii xoojiyey dareenkoodii ahaa inaan siilaanyo abaal ninb guda anu looga baran, isla markaana ku tusaysa tallaabooyinka dawladdiisu kaga hor imanayso cid kastoo xisbigaasi soo taageertay ama u hiilisay wakhtigii ololaha.

Harowo Deska, Boorama


This post has been viewed 149 times.

camud

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH