Harowo.com

BAAQ TAAGEERO OO KU SOCDA SALAADIINTA GADABUURSI. Bye MAXAMED SANCA

Anagoo kala ah qurba-jooga Samaroon ee ku dhaqan wadakana nederlads ( Holland) waxaanu halkani kasoo gudbinaynaaa baaq taageero iyo tacsi isugu jira oo u dhigan sida tan:
Marka hore waxaan tacsi u diraynaa qoyskii, qaraabadii iyo dhamaan dadwaynaha Beesha Gadabuursi ee uu ka geeriyooday Marxuun Jimcaale (Halgamaa, muwaadin iyo shahiid naftiisa u huray xoraynta dhulkiisa (Saylac) ee duulaanka lagu hayo). Allaha u naxariisto Jimcaale oo janatu fardawsa Illaahay ha ka waraabiyo.
Marka xiga waxaanu taageeraynaa go’aankii geesinimada lahaa ee ay qaateen Salaadiinta Beesha Gadabuursi kaasi oo ay gaashaanka ku dhufteen taladii xaaraanta ahayd ee ay soo jeediyeen ergaydii Beesha Dhexe.
Marka xiga waxaan halkan ugu tacsiyaynaynaa dhamaanba dadwaynaha reer Somaliland burburka ku yimi hanaankii dumiqraadiyeed ee ka soo hirgalay wadanka ee xukuumada talada haysi masuulka ka tahay. Taasi oo ay tusaale u tahay faragalinta qaawan ee xukuumada Ahmed Siilaanyo ku hayo doorashadii xalaasha ahayd ee ka dhacday degmada Saylac. Faragalintan oo shuruucda iyo qawaaniinta dalka u taalo ka soo horjeeda, khaasatan xeerka doorashoyinka.

 

Wa bilaahi towfiiq

Maxamed cumar cali ( sanca )


This post has been viewed 1490 times.

camud

1 Comment for “BAAQ TAAGEERO OO KU SOCDA SALAADIINTA GADABUURSI. Bye MAXAMED SANCA”

  1. FAYSAL GAIDH

    SAYLAC AWDALBAA LEH
    AWDAL SAMAROONBAA LEH

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH