Baaq Taageero Oo Ku Socda Dadka Reer Awdal
HAROWO.COM
Baaq Taageero Dadka Reer Awdal
Aniga oo ku hadlaya afka dhamaan shacabka Somaliland, kayga iyo cid kasta oo jecel dadnimada
waxa si buuxda u taageerayaa Xaqa Shacabka reer Borama ee xalaasha ah iyo dhallinyarada
ah difaacayaasha qarannimada iyo jiritaanka somaliland ee lagaga soo duulay Jibouti ee ay
horkacayaan koox yar oo dhuuni qaatayaal ah oo waxoogaa beesado ah ka qaata Ismaaciilka
Jibouti.
Waxba kama jiraan Hadalka ka soo yeedhay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, mana jiro cid heshiis
ku geli karta ama cid siin karta taako dhul ah oo ka mid ah ciidda somaliland haddii ay Zaylac tahay
iyo meel kale toona, suura galna ma noqon doonto in ay keli ku noqdaan shacabka reer Awdal
difaaca qarankan iyo ciidiisa, waxa loogu baaqayaa cid kasta oo jecel jiritaanka iyo qarannimada
Somaliland inay kala qayb qaataan dhallinyarada reer Awdal difaaca dalka iyo dadnnimada.
Waxa aan si gaar ah halkan Tacsi u marinayaan dhamaan shacabka Somaliland xasuuqii ka dhacay
magaalada borama, waxa aan si gaar ah oga tacsiyadaynayaa qoyskii iyo qaraabadii ay dhallinyartaasi
ka shahiideen, ciidankan ku dhugtamaya dhallintana waxa aan leeyahay waa la idinla xisaabtami doonaa
Xukuumadda Somaliland ha u hiiliso shacabka ay xilkooda hayaan halka ay nin aan dan dal iyo mid dad
toona wadin la safanayso.
Golaha degaanka ee Zaylac waa la mid Golayaasha kale ee daaya waxii ku soo baxay doorashada
Madaxweynaha waxa aan leeyahay madaxweyne doorasho ayaad kursiga ku fadhidaa ee sharciga
u hiili oo faraha ha laga qaado golayaasha shacabka codkiisa ku soo baxay.
Ibrahim Duale Sulaiman somaliland44@hotmail.com
This post has been viewed 47 times.
Related Posts via Categories
Posted by haro3468
on Dec 31 2012. Filed under Xulka Qoraha.
You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0.
You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.













sxb si wanaagsan baad u hadashaye jisaakala khayr waana loo wada dhan yahay difaaca somaliland
AAAD AYAAN U TAAGERAY INAY BESHA GADABURSI HESHO MAYARKA IYO KU XIGENKABA ANIGO AH BESHA CISE MUSE