BAAQ KA SOO BAXAY BULSHA WEYNTA GADABURSI EE DEGAN CALIFORNIA, NEVADA, NEW MIXICO IYO ARIZONA.
BAAQ KA SOO BAXAY BULSHA WEYNTA GADABURSI EE DEGAN CALIFORNIA, NEVADA, NEW MIXICO IYO ARIZONA.
Waxaan aad uga xunahay dhibaatada dalkii ka dhacday ee keentay dhimashad iyo dhaawaca waxaan leenah intii ku dhimatay eebbe ha u naxariisto ehelkoodiina ilahay samir haka siiyo inta dhaawacana Ilahay ha caafiyo. Intaas kadib waxaan u sheegaynaa cidii ka danbaysay dhibtaas in masuuliyadeeda ay leeyhiin dadkii ka danbeeyay oo xukuumadu ugu horayso. Waxaan wada ognahay in aan dhulka hada la qaybsan ee dhulka aan kala leenahay laakiin wax inaga dhexeeyaa ay tahay keli ah magaca Somali land oo waajib ay inagu tahay in aan wada ilaashano laakiin waxaa iswaydiin leh waxaa SAYLAC looga reebay Somaliland-ta kale ee tartankii xaqa ahaa ee dhacay loo dafiraayo. Haddii aanahay aqoonyahano, waxgaradka iyo bulsha weynta ka soo jeeda Awdal Gabilay, Salal yeeli mayno in doorashadaa la afduubo.
Waxaan u aragnaa hadii xukuumadu deg deg wax uga qaban weydo in xukuumadu ka danbayso waxka dhacaaya deg mada Saylac oo ay qaadanayso masuuliyadeeda. Waxaan indho gaar ah ku eegaynaa talaabada ugu horaysa ee ay xukuumadu qaado, mana aqbalayno in doorashada Saylac ee xalaasha ah wax laga badalo haba yaraatee. Waxaan tageersanahay muuqifka ay iska taageen suldaanada ka hadlay qadiyadaa Saylac iyaga oo ka turjumaayaa runta Saylac ka jirta iyo doorashadii ka dhacday degmadaas waxaana ay guteen waajibaaka sarnaa. Nabada ha la dhawro oo dhulka iyo dadkaba nabad ha loo daayo. Labada beelood ee wada degan degmada Saylac ha ka wada tashadaan aayahooda oo idinkaa wada dhashay wadana degane dantiina garta oo nabada ka shaqeeya.
Baaqan waxaa waxa saxeexay:
1. Mohamed Hassan Duacle
2. Khadar Jama Tukale
3. Ali Abdi Hori
4. Hassan
5. Mahdi Mahamed
6. Abdishakur Dhidar
7. Abdikadir Mohamed
8. Omar Abdi Gele
9. Smail ali Guled
10. Ahmed ali Magan
11. Osman Deq
12. Prof. Ali Smail Yasin
13. Asha Ahmed Ali
14. Drs. Fadumo Osman Dhinbil
15. Nur Ahmed
16. Dr. Muse Yusuf Alimis
17. Deqa Hassan
18. Prof. Suldan Omar Deq
19. Abdiwahab Sh. Smail
20. Sumai Ali Abdikadir
21. Yusuf osman Yab,arag
22. Roda Gele Guled
23. Ali Sh. Ahmed
24. Dr. Yusuf Hassan Dhider
25. Yonis Rage Muse
26. Abdiaziz Sh. Smail
27. Ahmed Nur Gire
28. Safiya Muse Dadar
29. Gele Omar Arten
30. Samsam guled Osman
31. LAYLA Ahmed Qorshe
32. Hassan Yonis Galde
33. Isadin Yusuf Ibrahim
34. Yahye Bashe ELMI
35. Mohamed Abdi
This post has been viewed 68 times.












