Ayaa U Hiiliyay Saylac Ayaase Hagraday
HAROWO.COM
Anigoo ah Cilmi montekarlo waxaan halkan maanta rabaa inaan dadkeena aan xasuusiyo iyaa saylac u hiiliyey oo cadowga ka riday ayaase hagraday.
Runta hadaad sheegto qaar badan ayaa kaa hor iman doonaa laakiin runta sheega baa la yidhi sidaas ayuu ilaahay inigu jeclaaniye.
Doorashooyinkii aafeeyey somaliland waxay ka tegeen raadad noocyo badan oo kala duduwan hadaan markaa u soo laabto ujeedada qoraalkaygan waa mahadnaq iyo canaan,tacsi,taageero,talo,.
Waxaan rabaa inaan tacsi u diro qoyskii iyo dhamaan beesha gadabuursi in ilaahay samir iyo iimaan ka siiyo mujaahid jimcaale cabdi maxamed,isagana janaddii macaaneyd ilaahay geeyo aaaammmiiii.
Waxaan u mahadnaqayaa dhalintii kacdoonka xaqa ah ka sameysay awdal,waxaan u mahadnaqayaa salaadiinta reer awdal gaar ahaan mujaahid suldaan saleebaan cali ilaahay ha ku dhowro jir oo joog.
Waxaan u mahadnaqayaa madaxweyne ku xigeenka oo diiday inuu iibsado tolkii.waxaan mahadnaqayaa qurbajooga gadabuursi gaar ahaan dumarka iyo ururka samafalka ee samasons.
Waxaan u mahadnaqayaa saxaafadda gadabuursi oo halganka iyo midnimada qayb weyn ka qaadatay anigoo siinaaya kaalinta koowaad HAROWO NEWS, CADCEED , BORAMA NEWS, IYO LUGHAYA..
Waxaan canaan dusha uga tuurayaa xildhibaanada gadabuursi kaga jira labada golle oo aan codkooda xataa shimbiruhu maqal,iyagoo aan mid ka mid ah laga maqal hal eray oo ku saabsan xoreynta saylac.
Waxaan hiil iyo hooba la garab taaganahay tobanka xildhibaan ee ehlu janada ah ee taariikhdii tolkood labada cadow ee iskaashaday ka xoreeyey.
Talo waxaan ku soo jeedinayaa laba arin oo kala ah in shirweyme gadabuursi lagu qabto dal kasta oo lagaga hadlayo midnimada iyo ugaaskii gadabuursi sidii iyadoo loo dhan yahay saylac loo keeni lahaa si uu ugu duceeyo xildhibaanada saylac.gadabuursi midnimadaa maanta ilaahay inoo keenay waa mid inaga maqnayd 50 sanno,ee ha lagu fara adaygo.
Cilmi montecarlo
London
This post has been viewed 44 times.
Related Posts via Categories
Posted by haro3468
on Jan 16 2013. Filed under Harowo News - Wadan Iyo Warar.
You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0.
You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.













waa guul, waa taariikh lama iloobaan ah, waana wax mar uun in ay dhacdi doonto cadayd.
Cilmiyaw;
Ninka magaca Gadabuuri sheegta ee ka hadli waayey arinta Zaila, waa nin ee ganaya guna Siiraanyaanyo oo ka baqaya in laga gooyo oon isku kalsooneen markaa haku daalin waayo intii badneed ayaa maanta Illaahay waafajey dariiqii toosnaa.
Lakiin gunaanad ka hadal kaaga aniga oo sii xoojinaya waxaan leehay Gadabuurisyaw Ugaas kaa ku xidhnaada ka ducaysta waa inaa ducadaasi ka dhacdaa Zaila (Saylac)
oo dhammaan Saladiinta Gadabuursi iga oo is dhan ay ka fooqaygalaan arintaa.
Illaahay sidii kharleh ha ina waafajo.
Hassan.