Harowo.com

Muuse Jabhad Safarkiisii Boorama Maxaa Ku Laamaanaa? Waar sowkaa C/raxman Awcali Muxuu Naaxay!!! Muuse Jabhad

Waar sowkaa C/raxman Awcali Muxuu Naaxay!!! Muuse Jabhad

biixiMagaaladu waa Boorama madashu waa Hutel Rays Gudihiisa bishu waa Diisambar 31keedii 2012kii, waa waxay saacado yari ka hadhanyihiin dhamaadka sanadkii 2012 iyo bilowga sanadka 2013.
Maalinkii dharaartaas ka horeysey ayuu safar ku yimid magaalada Boorama isaga oo xubin ka ah wafdi Hargeysa laga soo direy oo uu hogaaminayey madaxwene ku xigeenka S/land Saylici.
Dharaartaas hore wafdiga waxaa ku qabsadey wadooyinka Boorama dhibaatooyin badan dhagax lagu shiidey, Taayiro wadada Lagu gubey, wadooyinka qaar la gooyey, rasaas ilaalada madaxtooyadu fureen dad ku dhintey iyo kuwo ku dhaawacmeyba.
Maalinka labaad oo wafdigu ku go’doonsan yahay Hutel Rays waa maalin dhiilo iyo murugo leh xubno badan oo wafdiga soo hungoobey ka mid ah halka ay qaarka dhoolaha ka qoslayaan oo anay kama qasneynba, hogaamiyo dhaqameedkii ay is lahaayeen la kulma waa diideen oo dhiig baad daadiseen inta ay ku yidhaahdeen ayey meesha uga soo wareeg waayeen. Huteelka dhinac walba waxaa kaga meersan ilaalo xoog u hubeysan mid fudud iyo ku dhexdhead ah intaba. Dadka macmiilka u ah Huteelka oo noocyo kala duwan ah si teel teel ah ayey u imanayaan subaxdaas ha ugu badnaadaan qolooyinka wararka ka ganacsada, aniga iyo qaar ka mid ah saaxibadey ayaa camirtey miis meel cidhif ah yaala wixii shaley dhacey ayaan bilowney in aan falanqayno
Waxaa uu hadalku marba meel dar jiidhaba ugu danbeyntii gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi ayaa eedda badankeeda dusha looga tuurey oo la yidhi hadalkiisii uu dhawaan warbaahinta ka sheegey ayaa dhibkan oo dhanba dhaley, halkaa hadii xaal marayo ayaa nin Siciid la yidhaahdaa yidhi waakaas Muuse halkaas kaligii fadhiya.
Akhyaartan sheekeysanaysa waxaa ka mid ahaa sadex nin oo Suxufiyiin ah kuwaas oo kala ah Maxamed Sh. Cumar ( Heyne), Haashim Sh. Cumar Good iyo Xasan Ciise, hoos hoos ayey ugu kala duseen iyada oo Heyne hortaba u tagey gudoomiyaha kursi dhinaciisa ka banana wuu fadhiistey, Haashim ayaa ka dab tagey oo isana buuxiyey kursigii sadexaad ee meesha ka banaanaa Xasan baa ugu danbeeyo meel uu fadhiisto ma lahayn oo sadexdaas kursi ayuunbaa goobtaba yaaley salaam gudoomiyaha la salaamey ka dib waxaa bilaabmey wada sheekeysi ay sadexda suxufi is lahaayeen warar kagaga qaata Muuse Biixi.
Laakiin ninku maanta aad ayuu u diktoon yahay war in uu si dhib yar kaga baxana diyaar uma ah, ha yeeshee waxoogaa toocsi ah oo nimanka dhax marey ayaa sidan u dhacey ilayn inagu waxba kuma darsaneynin waxaan sheedaalinaayey marba waxa ka dhaacaya meesha la isla maraayo:
Heyne: Sheeko gaar ah ayaan leenahay gudoomiyaha ee maad noo yara baneysaan? Xasan baa u holadey in uu dhaqaaqo Haashimna kaameeradiisa oo Miiska saaran ayuu gacanta ku taagey sidii wax uu qaadanayo laakiin maxay?
Muuse: Ma jirto balan hore inagama dhaxeyn ajande horena ma aynaan lahayn markaa waa sheeko caadi ah maxaad dad ka kale iskaga kaxaynaysaa?
Haashim: shaley maxaa idinku dhacey markaad magaalada soo galeyseen?
Muuse: waa arin iska caadi ah walaalo ayaa is qoonsada wiil iyo aabihii ayaa isku dhici kara mar kasta xaalku sida aad filaneyso oo aad rabto uma wada dhacaan waa iska caadi ayuu mar kale ku soo celiyey.
Xasan: Hadal aad dhawaan ka tidhi warbaahinta yaa u sabab ah ayaa la leeyahay rabshadahan dhacey oo dhanba ee taas maxaad ka odhan lahayd?
Muuse: hadalkee? Oo muxuu ahaa kaasi?
Xasan: Maalinkii aad sadexdiina xisbi ee tartanka ku soo baxay uu idin marti qaadey madaxweyanuhu ayaa Jabuuti iyo arinta Saylacba ka hadashey taas ayaan u jeedaa?
Muuse: Haa waan idhi hadalkaas ilaa hadana sax baan u arkaa marka aan odayadiina la kulmana waan ku celinyaa !!!
Haashim: Intaasuun mar kale aan kaa duubanee noogu celi? Isaga oo diyaarsanaya Kaameradiisa.
Muuse: Maya wafdi Qaran ayaan xubin ka ahay waxaa na hogaaminaya madaxweyne ku xigeenka isaga uun baan warbaahinta la hadli kara ama cida u u igmado. Halkaa marka uu wada sheekeysigii marayo ayuu Muuse meel sheed ah ka arkey Cabdiraxmaan aw Cali Faarax, markaas ayuu yidhi: “ sawkaas cabdiraxmaan oo muxuu naaxey” Haashim baa markaas yidhi: sawdinkii eryey ma shaqo la’aanbaa lagu naxaa? Muuse ayaa ku jawaabey haa iyadaa ugu fiican oo waa nastey hada waa nastey hadalkaas dhuuxa oo maalinkaa la joogey bal ku fiirii iyo wixii dhacaayey.
Cabdiraxmaan ayaa nagu soo baydhey oo si fiican ayey isku salaameen ka dibna Cabdiraxmaan ayaa ku yidhi waar Muuse inankii yaraa ee hebal ma idinla socdey Muuse ayaa ugu war celiyey haa oo meelhaas ayuu taagnaa. Intaas markii ay nimanka wardoonka ay iyo gudoomiyaha kala gaadheen ayaa waxa isaga oo deg-dega u yimid Muuse Biixi, Cali Xuseen oo ah xoghaynta Madaxweyne ku xigeenka waxaanu ku yidhi: “ Gudoomiye kaalay Saylici baa kuu yeedhayee dhakhso” Waa naga kacey waa nin dheer oo hada maraya da’ dhexaadada lixdameeyada iyo kontamaadka dhaxdooda ayuu marayaa golxo ayaa ku soo fool leh hada in uu lahaan jireyna Ilaahyba iga og, maalinkaas surwaalka uu gashan yahayna waa ka balowsan yahay oo marka uu kacey suunka iyo shaadhka oo hoosta uga marsanaa ayuu hagaajinayey isaga oo socda, waxaa wali ka muuqata nolol askarinimo inkasta oo uu siyaasada mudo ku soo jirey jabhadeyntii iyo askarinimadiina waa hore ugu danbeysey.
Intaa kaliya kama akhrisan muuqaalkiisee waxaa dheeraa in luuqada Jidhkiisa ( body language ) uu tilmaamayey in uu aad uga xumaa waxa dhacaya maanta iyo shaley ama uu ugu yaraan is lahaa maxaaa maanta ku soo wadey? Cida kula talisay in Muuse Biixii wafdigaas qayb ka noqdo waxa ay rabtey in ay mustaqbalkiisa siyaasadeed mugdi galiso waaney ku guuleysatey isla waqtgaas uu naga kacaayey mudaharaadka ayaa suuqa ka aloosmay oo maanta askartii qoryaha shaley ridaysey e dhagax lagu shidaadeeyey waa is ag joogaan iyaga iyo dhalintan kacdooosan oo wax ay ku yidhaahdeen waar qorigan aad la soo maqiiqan tihiin iska laabta anagu Muuse Biixi uun baan rabnaa qof kale dan uma lihin, xataa Xaaji Cabdi waraabe o shaley la haystey maanta markii muuqaalkiisa sheeda lag arkey waa laga reebey oo waxaa malaha is yidhaahdeen waayeelkaas ha ku ceeboobina.
Wararka qaar oo noqon kara kuwo lagu kalsoonaan karo waxa ay sheegayaan in madaxwenen ku xigeenku Muuse ka codsadey in aanu wafdiga raacin maadaamo meesha kacdoon ka jiro laakiin waa ka diidey ayaa la yidhi ma runbaa mise waa been Ilaahay baa og.

This post has been viewed 2090 times.

camud

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH