Harowo.com

An salaanno Ubaxa Bilaabay Bildhaankaa Baxaya “Gadabuursigu waa inuu akhristaa labada sadar dhexdooda”

HAN SALAANO UBAXA BILAABAY BILDHAANKAA BAXAYA
Penguins
In badanbaa Gadabuursiga mashkax lagu baadhay.  Waxa u dambeeyey kan dhalinyarada soo saaray ee dhimashadaa iyo dhaawaca sababay.
Ilaa malintii SNMtu soo gashay Borama ee ay ku xasuuqeen dad aan waxba gaysan ilaa dhacdadan ugu dambaysay, dadkii la laayey waxay noqdeen dad dameer dilay. Ilaa maantana iska daa’ wax kale eh raalina kama hayno dadkii ka masuulka ahaa dilalkaasi. Kulba giishka aad tolato ayuunbaa wax laguugu rida. Majiro cid dadkii xasuuqaa ku dintay  xaqoodii u raadisay.  Cid xusta oo hadalhaysina majir.
Marka laga soo gudbo dilalkaa xaqdarada ah, SNM halkaas kuma joogsan. Hujoomkaas xasuuqa sabay wuxuu ahaa mid lagu baadhaayey waxa u gadabuursi ka samaysanyahay.  Waxay ogaadeen inuuna Gadabuursi aarsan karin oo u duli kasta ugu dulqaato nabad aan loo ogayn. Waxay gaadheen in sidii ugaadha loo ugaadhsado. Waxay marayaan meel cidhiidhi iyo cidla ciirsi ah: Mar wado loo fadhiisto oo la qalo, mar beeraha loogu tego’ oo la toogto, mar iyaga oo horda jaarkoodu gowraco, mar shirqool siyaasadeed loo soo maleegu. Intaas oo dhan mar u gadabuursi ka gilgilshay majirto. Sidii waraabe libaax eryanaayo ay muska dabada geliyaan. Wali ri’ gees kama ridin, sharcina ma raadsan.
Mashkaxan ugu dambeeyey ee lagu dayayey  Gadabuursi wuxuu soo qaaday wax wixii hore ka duwan. Wuxuu soo qaaday dad cusub oo da’yar oo ka duwan kuwii hore ee SNMtu  u baratay. Wuxuu soo qaaday dhalinyaro daristay taarikhda madow ee dadkoodu ku jiro. Wuxuu soo qaaday dhalinyaro ciilku ku gadhoodhay. Bixii oo u bartay macal ayaa la kulmay macalool. Ilaahay magacooda kor ha u qaado, madaxoogana ha raajo e ee dhalinyarta maanta xoreesey Gadabuursi ee ka badalay nooci hore waxay mudan yihiin ammaan iyo taariikhdoo qorta, iyo iyagoo la tixgelio.
Badbaadada ilaahbaa iska leh. Hase yeeshe dhalinyarta ka gadooday dar xumadda haysta Gadarbuursi ee soo dhicisay wixii lagu helay cod iyo dimoqraadnimo ee distoorka Somaaliland ku qeexan. Waxa kacdoonka dhalinyarto qaawiyey muaamaratka lagu soo maleegey Madaxtooyada Soomaliland ee ka jawaabaaysa culays kaka yimid wadanada jaarka. Waxa layaab ku noqotay Dowlada Somaaliland waxan ay la kulmeen ee ayna uga baran Gadabuursi. Waxay la yaabtay Dowlado dhalinyartan is miidaaminaysa ee ku soo talagashay dimasho ama xornimo.
Waxay dhalinyartu  gadabuursi u furtay safxad cusub. Waxay ku bilaabeen safxada cusub Magaca Mujaahidka Jimcaale iyo Mujaahidada yar ee siqiirtay. Waxay dhacdadani kaga dowantahay dhacdooyinkii hore Isbadalka Cusub ee ay keentay iyo da’yarta cusub ee soo baxday. Waxay badashay khadkii toosnaa ee Gadabuursigu haystay mudada dheer ee an isbadalka lahayn( straight line graph does not represent change).  Wax kasta oo muddo dheer soo jiray marbuu si dhaqsa ah oo lama filaan isku badalaa.  Waqtigii isbadalka ayaa yimid, waxana keenay dhalinyaro fahamtay bukaanka soo hayay Gadabuursi mudada dheer. Waxa soo baxday da’ cusub (Jiil al jadiid) oo gartay siyaasad xumihii, kala qaybihii, dilaal siyaasadeedkii, iyo calooshooda u shaqaysatayaashii.
Gadabuursi waxa lagu xariiraa oo ay ku bararaan waa reer tacliimeed. Tacliintu waxay qiimo leedahay marka ad wixii jira ad runta ka sheekto ee qoraal iyo hadalba ku gudbiso. Mutacalimku wuxuu qiimo yeeshaa marka u taarikhdiisa ku faano ee u ka sheegeeyo.  Gadabuursi wuxuu leeyahay dad badan oo heer sare ka gaadhay waxbarasha, caamna ka ah Somali dhexdeeda iyo aduun waynaba. Nasiib darose waxay noqdeen dad dhuumanaya oo dhabarku muuqdo. Waayo Somalido waxay u arkaan dad Gadabuursi ah. Waxa lala yaabanyahay mussibada ku habsatay ee habaca ka dhigtay.  Waxay shandada ku wada haystaan taariikhda Gadabuursi iyo wuxii dulmi ah ee loo gaystay oo qoraal ah. Waxa la garan laayahay goorta ay toosayaan ee Ummada Somaaliyeed wax la qaybsanayaan.
Inta hadda Gadabuursi ka soo gaadhay jaararka waxan qabaa in ay tahay yar yare. Waxaan qabaa in aan wali fari ka qodnayn. Arintan Borama hadda ka dhacday haddii dadka qaarkii u haystaan in tahay tii u dambaysay, waxan leehay wali fari kama qodna oo waa bilow. Kii waxa jooga garanaynini  waxa soo socdna ma garto ee ilaahay ha garansiiyo Gadabuursi wuxuu ku badbaadilahaa.
Dhalinyarta badashay khadkii Gadabuursi haystay ee baabi’iisa ahaa umma baahna hub ee waxay u baahan yihiin wada jir iyo iyaga oo kuwa calooshooda u shaqaysta ee danta Gadabuursi ka iibinayaa cadowga ay ilaashaan oo ay runta u sheegaan. Waan in ay iska ilaaliyaan kuwa qaybsanaanta Gadabuursi ku nool.
Gadabuursigu waan in u gartaa ilayskaa baxaaya ee dhaliyartu u dhimatay inaano baqti’in ama damin. Si loo xoojiyo dhalinyarta waxa loo baahanyahay in la abaalmariyo dhalinta ku dhimatay iyo kuwa ku dhaawacmay. Waa in loo mahadceliyaa dhilinyarta midaysay dhamaan ummda reer awdal khaasahaan Salaadiinta, cuqaasha, iyo Siyaasiinta.
Ta kale ee u baahan in dadka Gadabuursi garto ama ogaado waxay tahay: Qaxootigii ugu horeeyey ee soo gala Awdal wuxuu dhacay lixdamaadkii iyagoo ka soo bara kacay Ayshaca oo dowladii Somaalia soo dejisay Cabdulqaadir. Waxa halkaas looga furay Dugsi hoose/dhexe oo lagu masruufo. Ardaydaasi markii ay dhamaysteen dugsiyadaasi waxa la kala geeyey Dugsiyada sare ee Amoud, Sheikh, iyo Kuwa Muqdisho ku yaala. Markii ay dugsiyada sare dhamaysteena horbaa shaqa lagasiiyey ama waxbarasho bilaasha ayaa laga siiyey dibeda. Dadkaasi Djibouti bay u kicitimeen xoriyadii ka bacdi.  Kuwiiba maanta Dowlada Djibouti ay u adeegsanaysaa in ay dadkooda dejiyaan Salal. Tusaale ahaan waxay dowlada Djibouti iyada dadkaas aan soo sheegay adeegsanaysa ka dhistay Dugsi magalada Saylac. Markii arday Ciisa ah looga waayey Salal ayaa waxa Dowlada Djibouti amartay in laga dhigo Dugsi loo hooydo (Boarding School) si looga keeno arday Djibouti iyo Ethiopia.Marka la fasaxana loo qaado Djibouti.  Waxa nasiib dara ah in kuwii Somalia bilaashka wax soo bartay iyaga oo qaxooti ah in ay maanta diidaan ardayda aan Ciise ahayn. Waxay diideen in mid kaliya oo Gadabuursia  ay u ogalaadaan. Ujeedado waxay tahay waa la garan karaa laakiin dadka reer Awdal badidiisu ma oga aritaas.
Gadabuursigu waa in uu akhristaa labada sadder dhexdooda ( Read between the lines). Ama garo ama ha garan labadaba adaa isku haya. Beentii iyo runtiibaa Gadabuursi la isku waydaarshay
Mohammed Mouse

This post has been viewed 2148 times.


camud

2 Comments for “An salaanno Ubaxa Bilaabay Bildhaankaa Baxaya “Gadabuursigu waa inuu akhristaa labada sadar dhexdooda””

  1. Walaal aad baad ugu mahadsantahay war bixintan iyo waanadan qiimaha badan eed soo jeedisay. Fikir ahaan, waxan qabaa in la badalo sidii gadabuursi u fikiri jiray ee ahayd, wadani (nationalist)iyo daacadnimo lagula dhaqmo beenta iyo khiyaanada dadka aan wax la wadaagno ee Ilaahay inala dajiyay. Waxan qabaa inay tahay himilada ummada in la helo wadaniyad (nationalism) iyo technocrats daacad u ah waxay qabanayaan, lakin ta gadabuursi siyaasigiisa iyo aqoonyahankiisu ku dhaqmayeen waa sidii nin dhooqo dhex taagan oo sabuun is marmariniya. Waxan muddaba soo darsayay xaalada ka jirta gayiga soomaaliyeed. Waxan kusoo gabagabeeyay sidatan; Inuu gadabuursi yahay runtii cidda ay soomali oo dhami u baahantahay “qualities” ka iyo qiyamka, “values” ay iyagu ilaaliyaan ee wali ku dhex nool shakhsiga gadabuursi. Waxase taas baabi’iyay oo ciida ku aasay ninkii xaqa yaqaanay ee uu ahaa qiyamkiisa oo cid xaqdaro u socota inuu daacad noqdo raba. Gadabuursi maanta talaabadan cusub ey dhalintu hormoodka ka yihiin waa inuu hore u qaado. Shalay Gadabuursi baa soomali land dhisay, maantana waa u dhintay distuurkeedi oo la afduubayo. Gadabuursi dagaalka uu ku jiraa waa xaq…waana badbaadada dadka la jaarka ah iyo cadaalada. Gadabuursi ma doorto nin aan xaqa lagu oqoon, mana uu soo xukumin ee xikmad iyo caqli baa waligoodba hogaanka u hayay. Qabiilada inagu wareegsan midna siiranyaa hogaan u ah oo la yaqaan midka kalena Ismaciil Cumar oo la yaqaanbaa baa talooda maamula. Halgankani waa ku lagu badbaadinayo cadaalada iyo sinaanta.
    Mohamed Ali

  2. waad kumahad san tahay sida balaadhan eed ugu iftiimainayso waxa kamaqan waxanan kuleehay halkaa kasiiwad haw sha insha alaah waan guulaysan doonaaa isam ka ale marlabaad waadmahadsan tahay

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH