Harowo.com

HADAL MURTI LAGA WAAYAY WAA HEES CARUUREED: JAWAAB U SOCOTA MOHAMED MUUSE BUCUL OO ZEILAC KA HADLAY

Bucul wucxuu yidhi “ Isagoon Madaxwaynuhu Hoos U Eegin Arintayadii Ayuu Amar Ku Soo Bixiyey….. Lagu Dhaariyo, ….halbeegnews 4tii bishan.

 

Ninkan waxa akhritayaashu ka sugayeen inuu sababo u sheego siday wax u dhaceen Oo ah dhacdooyin iyo caddayn (proof) hadduu wax ka sheegayo doorashada Zeilac. Inta badan waxabu ka hadlayaa wax mawduucaba ka baxsan oo ah dumarkiisa jooga Birmingham UK oo uu mahad u dirayo. Haddana wuxuu ku xoqanayaa nin aan meeshaba shaqo lahayn oo la yidhaa Cabdiraxmaan Zeilici. Maah maah somaliyeed baa ahayd, Nin daad qaaday xumbo cuskay.

 

Bucul iyo akhristayaasha garaadkooda iyagu iska leh, waxan halkan si kooban uga tusayaa madhnaanta hadallada Mohamed Muuse Bucul. Waana kuwan:

 

1. Doorashada Zeilac waxa majaraheega hayay oo madax ka ahaa niman ciise ah. Guddoomiyaha guddiga komishanka, Badhasaab, Mayor. Axsaabtii ku tartamaysayna way fadhiday. Cabdirahman Zeilici dadka intaa leeg oo ciise iyo cid walba leh xagguu ka soo maray?

 

2. Laba todobaad dad bay ka soo gurayeen Jabuuti, taambuugyo, booyado biyo ah, cunto iyo saad kaleba. Dadkii Jabuutidii ee la soo raray muxuu Cabdiraxmaan Zeilici ugua hadli waayay hadduu dadkiisa u hiilinayo?

 

3. Weli addunka meel ay ka dhacday miyay jirtaa in dad intaa leeg xuduud waddan kale lagu soo rogo si ay uga codeeyaan ? Jabuuti kala badh baa la soo raray oo todobadaa qof keenay, la’aantoodna maxay noqon lahayd?

 

4. Akhristayaasha waxan waydiinaynaa , arrimahaa markaan eegno, doorashada Zeilac ma Xaaraan jirtay bay Xalaal ka dhigtay? Mise iyadaa xaaraan ahayad?

 

Bucul waxa ka muuqata inuu yahay dadkii beenta loo sheegay ee da’da yaraa. Dadkaasi qaarkood waxay ku kureen mansabyo aanay xaqiiqdooda garanayn. Mansaybyada uu Bucul ku soo barbaaray waxay ahaayeen kuwo Xaaraan ah. Waxanay ka soo baxeen jeebkii Dahir Rayale. Hadal iyo dhammaantii taariikhda Zeiklac oo Kooban aan wax yar ka iftiimiyo:

 

1875kii, Khaliif Ismacil Basha oo Masar ah wuxuu Turkiga kala wareegay xeebaha somalida woqooyi ay ka mid ahaayeen: Zeilac, Berbera, Bulaxar. 1883 Masar dhaqaale xumo awgeed waxay go’ansatay inay xeebahaa dawladda Ingiriiska u wareejiso. Khaliif Ismaciil wuxuu ka maarmi waayay inuu arrinta Zeilac kala tashado Ugas Nur Ugas Roble. Markab buu u soo diray Ugaaska, ina adeerkii Elmi Warfa, iyo Suldaano kale oo Qahira arrinkan u tegay.

 

2. Zeilac waa xaruntii Boqortooyada Ingiriisku iyo Suldaanada Samaroon heshiiska kula saxeedeen markay taariikhdu ahayd Disambar 11, 1884 . wakiilkii Ugaska Gadabursi, Elmi warfaa iyo Salaadiinta Samaroon heshiiskii taariikhiga ahaa, The Gadabursi Treaty, ayaa halkaa ka dhacay? Halkuu Ciised joogay?. Taariikhdaa fog ilaa maanta waa xarun samaaroon.

 

3. Ragga xoolaha iyo ganacsiga baaxadda wayn ku leh waxay ahayeen; Haji Diide,Haji Kamal, Haji Khayre, Haji Kuul; Haji Boodhle; Haji Roble; Haji Cali Balool; Haji Cabdi; Haji Diini. Raggaasi dhammantood waxay ahaayeen Gadabursi tafiirtoodiina maanta wax badan baa ka nool. Guriga uu degenaa wakiilka Ingiriiska ee Zeilac waxa ka kireeyay Haji Diide. Lama illowsana Xaji Diide waa ninkii Djiboutida maanta jirtana dhidibadda dhisay.

 

4. 1959kii Gobanimdoonka Somalida Woqooyi ayaa bilowday. Samaroon wuxuu bilaabay in 33kii kursi si caddaalad ah loo qaybsado. Xisbigii USP ayay odayada Awdal beesha Ciise ku soo dhoweeyeen waxana loogu ballan qaaday 2 kursi oo ka mid ah 5tii kursi ee Awdal. reer Awdal iyagaa u gartay una gooyay reerka Ciise labadaa kursi oo Zeilac loo daayay.

 

5. Labada kursi weligood intii dawlad Somaliyeed jirtay looma codayn jirin laba sababood awgeed: 1. waa la ogaa inaan ciise cod bixin ku soo baxayn. 2. Dadka ciise ayaa midnimada somaliyeed lagu soo dhawaynayay. Ninka la yidhaa cumar cismaan weligiiba sidaas cod la’aanta ah buu barlaamanka ku iman jiray iyo kolba ninkii kale ee ciise soo dirto.

 

6. Sooryayntii iyo soo dhowayntii samaroon waxay keentay inuu Ciise sheegto dhul aanu weligiina degin. Maantana Siilaanyo oon dhul iyo dad midna garanayn bay hoos ordayaan, beenna u sheegayaan.

 

7. 2003 Geeridii libaaxa,Mohamed Haji Ibrahim Egal, Alla ha u naxariistee waxay albaab u furtay Ismaciil Cumar Ghelle oo bilaabay inuu iibsado Dahir Rayale. Dahir wuxuu Mayor iyo Badhasaab jeebkiisa ka sameeyay zeilac.

 

Mahamed Muse Bucul wuxuu ka mid ahaa maamulkii xaaraanta ahaa ee ka soo baxay jeebka Dahir Rayale ee doorashadani xalaalaysay. Haddaba mr. Bucul waxan kula talin lahaa inuu Dahir Rayale raadiyo. Dahir wuxuu degaa Qulujet halkaasuu hal bloodh oo dhul ka siin lahaa Bucul.

 

Osman Elmi elmi1949@hotmail.ca


This post has been viewed 6146 times.

camud

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH