Harowo.com

Maanso la baxday “Janno gal Jimcaale”

JA’LAYDA GABAY IYO HADAAN JAAHA KA QAADO
JAWIGIISA MUUQIYO HADAAN DIB U JALEECO
JUGGLAYDA SOCODKIYO HADAAN DABA JIBAAXO
JIRI QAALE SIDIIS IYO HADAAN WEEDHU JUUQIN
JALOWGA QURACIYO HADAAN GEEDU ISJIIDHIN
JARMAADAY MAANSADAN JAHADEEDA LA WAAYEY
JANNA GALLE JIMCAALAAN DUNIDA JOOGINNE’
MA JIHAADAY MAALINKUU DUULKA JABINAAYEY
JABHADIYO MAKA XOREEYEY JIRRE DHULKENIIYE
JILIBKIYO MA U DHIGAY JALBISKEEDA RAASEEDE’
JEEROY HALBOWLIYO JARTAY WADNA JIREEDKA
JIHAADAY INNA CABDI WAA JANA GALLE ILLAAHE’

JAANTUSKA NOLOSHIYO JIRITANKIISA AADMIGA
JAHWAREERKA DUNIDAAN RUUXNA JOOGAYNE’
JILAABTAY NIMUU JAREY ILLAAH JAAWIGIISE’
JILIC-SANAANTA DUMAKIYO JACAYLKOODA ABID
QORAANSI JALEECIYO JAMALKOODA QURUXDIYO
WALEE KAAMA JOOGAAAN JEEROY KU JIITAANE’

JERBO CIYAREED IYO HADDAAN DEGAY JARLAY YE’
JIBIL DHIGAADIYO HADDAAN SOO JABIN JAALLOWE’
JARKA AAN DEGIYO HADDAD JEEXDO JIIBLAYDA’E
JIRIICIYO KU LEEFTAY DHAXANTEEDAJIILLAALE’
JABTAY XEEDHADAAD DHEX JIIFTAA JAAHILOWE’
JILICSANAANTIYO WAXAAD EEDAY BIIXIYO JAANE { MUUSA BIIXI}

JAQAFSIGA WAAYEELIYO HADAAD JAANTA QADAY
AMA JEEGAAN CIREEDKIYO KU JIITAY CAADKUYE
JABTAY MAANTIYO JEEROOD SUGTAY SULDAANE
JIR-JIRROOLE SIDIISIYO HADBA GEES U JEEDKA
JIILKII DALKAYGIYO MAKAA TUURAY JAR DHEER
MA KU JIIDHAY JIIBTIYO JARO TIBAAXLAYDUYE

JANNAALE DHULKAYGIYO JAAHIISA WANAAGA LE’
JAANTUSKA MUUQIYO JAMAALKIISA DOOGA LE’
JAWHARAD LA MODKIYO JAWIGIISA MIDABKA LE’
JEERUU DAMAC JIIDHAY JAAHILKAAN LA JAARAYE’
JEEBLAYDA TUUGIYO MAKA TUURAY JARO DHEERE’
JIHAADAY MAANSADAAN JILIBKEEDI AASAY GELOW. {ISMAIL CUMAR CEELE}

 

wixii talo iyo tusaale ah kala xidhidh curiyaha tixdan Maano

 

Eng Mohamed Ali Hussein

30 Walmer Road
Wood Stock
Cape Town. South Africa
Cell: +27 71 777 0713Jimcaale


This post has been viewed 359 times.

camud

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH