Harowo.com

Allow yaa ku dooxoo hadana aan ku dilinoo waxaad damacsantoo idil dibadda ula soo baxa , Waar Mee Kuwii odeygan Shahaadada Siiyay?

Haysu dilin dad wada yaal oo ah ehel walaalo ah. Hana u dhuran dhurwaagii laftuu dhuuxay eersaday.

Dadweynaha Awdal Iyo Salel Oo Iswaydiinaya Sobobta Uu Siilaanyo Uga Muquurtay In Uu Tacsiyeeyo Dadkii Dhibaatadu Ka Soo Gaadhay Mudaharaadkii Borama Ee ay laayeen askartii uu Hargeysa kasoo diray

siilaa

Kadib isku daygii Siilaanyo ku fashilmay ee waxka badalka natiijadii doorashada Ee Saylac

ayaa wafti balaadhan Siilaanyo Soo diray oo socdaal ku yimiday Borama,isla markaana lagu

mudaharaaday oo dhimasho ka dhacday.

Waftiga waxaa soo diray Siilaanyo waxa ay u socdeen in waji kale loo sameeyo natiijadii

Saylac,balse bulshada oo badbaadinaysa Dimuqraadiyadii la sheegay in lagu doortay

xildhibaanada golaha deegaanka Somaliland ayaa ka horyimiday in meesha la soo

dhigo wax ka baxsan doorashadi lagu kala adkaaday,Balse Siilaanyo ciidan iyo xoog

ayuu shacab arday iyo ganacsato u badan rasaas hoos loogu dhigay,halkaasina waxaa

ku dhintay hal wiil waxaana ku dhaawacmay dad  badan oo la dhigay Cisbataalka.

Hadaba Madaxweyne Siilaanyo oo waftigii uu soo diray qirteen in ay ahayd fashil

safarkoogu ayaa dadweynuhu iswaydiinayaan waxa u diiday in uu tacsiyeeyo

eheladii dadkii ku dhintay mudaharaadkii xaq u dirirka ahaa ee Borama ka dhacay.

Siilaanyo wuu ka gows adaygayaa in uu muujiyo dhibaatada ay taladiisu u gaysatay

dad shicib ah oo danahooga haysta oo rasaas loola tagay.

Ilaa maanta Siilaanyo lagama hayo tacsi uu u diray dakaasi ku dhintay ama ku

dhaawacmay rasaastii ciidankiisa,dadweynuhu waxa ay iswaydiinayaan miyuuna

masuul ka ahayn askarigiisa iyo shacabkaba,maxaa u diiday in uu tacsiyeeyo?

Dad badan ayaa ku doodaya in Siilaanyo muujiyay coltooyo iyo Cuqdad uu qarsanayay

oo hore shiki laga qabay,sida hab dhismeedka xukuumadiisa oo uu ka dhigay mid ka

kooban beeshiisa dhexe oo kaliya,beelaha kalena uu dhigay kuraas cidla ah oo

waliba uu dhexdooda iskaga horkeeno oo uu ku sii kala fogeeyo sidii talaabadii

Xagla-toosiye.

Dadweynaha Goboladaasi galbeedku waxa ay iswaydiinayaan in Siilaanyo yahay

Suldaan beeleed aargoosi ku jira ama madaxweyne shacab doorteen oo ku dhaartay

in uu cadaalad sameeyo isagoo taasi u dheer tahay cimri ritay oo jooga xiligii xabaasha

laga fikirayay.

Hadaba isku soo wada duuboo dadku waxa ay quus ka joogaan xukuumada Siilaanyo,

oo maamulxumo,eex iyo qabyaaladi ridatay oo labo sano oo xukunka fadhido abuurto

Maamulo ka madaxbanaan Somaliland sida Awdalstate iyo Khaatumostate.

Cabdiraxman Xaaji

Xigasho; Boramanews, marka ciwaanka laga reebo


This post has been viewed 987 times.

camud

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH