Harowo.com

Dib usixid: Nala Daawo Dam Faasid (Dam Jadiid) allow yaa inoo diga waxbaa naga dahsoonaaye!!!

Dam Faasid (Dam Jadiid) allow yaa inoo diga waxbaa naga dahsoonaa ee!!!
Allow yaa inoo diga waxbaa naga dahsoonaa ee, waa tix ku jirtay gabaygii dibu-heshiisiin ee abwaankii waynaa Abshir Nuur Faarax (Abshir Bacadle) Allaah ha u naxariisto ee, wuxuuna isagu maalintaas kaga hadlaayay tixdaas, jabhadihii cunsuriyada qabiilka ku dhisnaa, ee dalka burburiyay, sidii ay markii hore u soo dhowayeen, oo ugu faraxsanaayeen, uguna durbaana
Tumayeen, in badan oo Soomaali ah, iyaga oo ka abaal dhacaayay wadcigii wanaagsanaa, ee ay markaas ku sugnaayeen, ee ahaa amaan dal iyo shacaba sugan, biyo iyo koronto sugan, caafimaad sugan, waxbarasho sugan, dhaqaale, adeegyadii bulshada oo dhamaan wada sugan, iwm, iyo wixii markii dambe dhacay, oo ay sababeen jabhadahaasu, ee ahaa hooga iyo halaaga
Aynu ilaa maanta ku suganahay, kaas oo in badan oo maalintaa ku farxaysay jabhadahaa qabiil, ee uu cadawgu dabada ka riixaayay, ay maanta yihiin wax qabri u galay sababtooda, wax darxumo iyo tiiraanyo ku nool, iyo wax yar oo iyagu u haysta in ay ku liibaaneen, bal se darxumooyin ifka iyo aakhiroba ahi ay sugayaan, laakiin se aan hada dareensanayn taas,ayna
Muuqato in aynaan ka baxayn waqtiga dheer ee soo socda, wixii dhibaato iyo burbur dal iyo shacaba ahaa, ee ay sababeen jabhadahaasu, waaba hadii uu sii jiro dal Soomaaliya la yidhaahdaa ee, wixii ka dambeeyay markii uu abwaanku tiriyay tixdaa, oo ka mid ahaa waqtiyadii ugu adkaa dhibaatooyinka badan ee dalka Soo maray, in kasta oo uu abwaanku Allaah ha u naxariistee,
Isagu uu ummada ku baraarujinaayay in ay is daba qabtaan, oo xaalka gudohooda ah hagaajiyaan, hadana marna taasu ma dhicin, oo arimuhu waa uun ka sii darayeen, oo wixii laysku dayaaba waxay uun ahayd, ka dar oo dibi dhal, siduu isagu isla gabaygaa, tix ka mid ahayd ku tilmaamay jabhadahaa, markuu Lahaa: “ka dar oo dibi dhal baan aragnay iyo furqyo daacuune”,
Haa! mar walba oo wax laysku dayoba, waxay noqonaysay ka dar oo dibi dhal, waayo waxaa inagu dhex jiray, oo saamaynta ugu wayn ku lahaa ka talinta aayaheena, gacma shisheeye oo cadaw ah, oo aan iyagu doonayn marnaba, in ay Soomaali wax u hagaagaan, waxa se ugu sii darayd wixii ina soo maray oo dhan, isku daygii ugu dambeeyay ee lagu khasaaray, ee ay ka
Dhalatay dowlada Dam Faasid, iyagu se isugu yeedha Dam Jadiid, ee hada ka talisa villa Soomaaliya, xisbigaas oo isku sheega inuu yahay urur diineed, bal se aanay xaqiiqadu sidaas ahayn, ee ah laba garab oo is bahaystay, oo ka mid ah ururada cunsuriga ah ee SNM, HAG iyo xubna yar oo maqaar saar ah, kuwaas oo loo geshay shaadh diini ah, si ay ummada ugu marin
Habaabiyaan, oo ah tan dhacday ficil ahaan, tusaale ahaan Dam Faasid waxaa xubnihiisa ka mid ah Duur Caraalaha SNM, iyo xubno kale oo isla maamulkaas iyo taageerayaashiisa ah, ma ii sheegi kartaa aqristow meesha uu Duur, oo ah daydayga ay Soomaali wada taqaano, ka soo galay diinta, wax walba oo mabda’yadooda ah, waxa cadaynaaya ficiladooda, maalmahan waxaa ku
Sugnaa magaalada London, oo shir uga socday, laba ruux oo ah kuwa u ololaya SNM iyo kala dhantaalida midnimada Soomaaliya, oo ka wada hadlaayay dejinaayayna ajandayaasha iyo qorshaha, dib loogu bilaabayo wada hadaladii hore ugu bilowday dowladii Shiikh Shariif iyo maamulka SNM!!! Kuwaas oo kala ahaa islaanta kala gownta Soomaaliya u ololaysa ee Fowsiyo
Iyo Maxamed Atoorka SNM!!! Miyaanay arin murugo leh ahayn, ilaaliyihiisu waa isla tuuga!!! Miyaanay taasu ahayn ihaano iyo sharaf dhac, loo gaystay qaranimada iyo midnimada Soomaaliya, marka sirtii iyo aayahii ummada gacanta loo geshay, kuwii iyagu kala dhantaalaayay, ma jirto cid wax ka qabanaysaa dhibta iyo hagardaamada lagula kacaayo,
Qaranimada iyo midnimada dalka iyo ummada, haya’adii keli ahayd, ee ka hortegi lahayd dibindaabyada dalka lagu hayo, waa baarlamaanka ee, waa laaluush qaatayaal jeebka ugu jira Xasan Culusow iyo kooxdiisa, waanaba kuwii inoo keenay, in kursiga qaranka ugu sareeya uu ku fadhiisto, nin aan la aqoon mabda’iisa iyo siyaasadiisa toona, oo inagu celiyay maanta
Saansaankii taagnaa 1991kii, ee ahaa isbahaysiga qabiil ee cunsuriyada iyo xalaalsiga dhiiga walaalaha ku salaysnaa!!! Iyadoo lagala dhex baxay, oo laga doortay rag badan oo sharaf, karaamo, sumcad wanaagsan iyo miisaan culus ku dhex leh ummada Soomaaliyeed, oo aan ka tilmaami karo Xaji Maxamed Yaasiin, oo aanu shaki ku jirin in uu ahaa kii ugu mudnaa, ee
Ugu haboonaa, in uu kursigaa ku fadhiisto, haday footayn lahaayeen dad dalkooda u damqanayaa, waa oday, wadaad, daacad,aqoonyahan, wadani iyo nin hawl kar ah oo degan, waa nin lagu kalsoon yahay in uu wax badan ka bedeli lahaa xaalada aynu maanta ku jiro, sidoo kale waxaa ka mid ahaa Cabdullaahi Cadaw, oo ahaa oday Soomaaliyeed, siyaasi mudo dheer ku soo
Jiray siyaasada, arimaha Soomaaliya iyo aduunkana wax badan kala socday, waxa isna ka mid ah Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ahaa nin dhalinyar, oo wadani daacada ah, horena wax qabadkiisa loo soo jitaabiyay, waxaa kaloo ka mid ahaa C/Raxmaan Baadiyow aqoonyahan wadani ah iyo nin ahlu diin ah, oo ay damqayso dhibaatada dalkiisu iyo kuwa kaloo badan, oo
Aynaan halkan ku soo koobi karayn magacyadooda, waxaas oo dhan waxa laga dhex doortay Xasan Culusow, oo aanay jirin cid Soomaali ah, oo hore u maqashay magaciisa, mabda’iisa iyo siyaasadiisana aanay cidina aqoon, waxaasu maxay ku dhaceen, waa lacag laaluush ah, oo ay dowlado ajnebi ah, oo aan wanaaga Soomaaliya doonayni ay baxsheen, oo loo qaybiyay
Baarlamaankii wax dooranaayay, waxay se tahay raga doorashadaa ku khasaaray, ee aynu soo xusnay iyo qayrkoodba ma khasaarin, ee waxa khasaaray waa dalka iyo shacabka Soomaaliyeed, oo waayay wax qabadkooda, Xasan Culusow iyo kooxdiisuna faa’iida badan la tegmaayaan laftoodu, aan ahayn hagardaamo ay dalka u gaystaan, waxayna ku dambayn halkii ay ku
Dambeeyeen dhamaan kuwii dalka hagardaamada u gaystay, oo uu ugu dambeeyay Shiikh Shariif, oo maanta qaxooti ku ah Ugaandha, oo la il daran xanuun maskaxda ah, shacabka Soomaaliyeedna hadaanay Allaah tacaalaa u noqon, oo xaalka gudahooda ah hagaajin, waxa uun ina sugaaya door walba tixdii Abshir Bacadle Allaah ha u naxariistee, allow yaa inoo diga waxbaa naga dahsoonaa ee.
Wabillaahi atowfiiq

Halkan ka daawo oo maqal mid ka mid ah raga ay khasaartay Soomaaliya oo waraysi lala yeeshay, waa Xaaji Maxamed Yaasiin, wax badan baad ka korodhsan ee.

Ciise Maxamuud Aadam
almutawaadic@yahoo.com


This post has been viewed 3988 times.

camud

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH