Harowo.com

Reer Awdal kalsoonida ha kala noqdeen Maamul gobolleed Somaliland.Bye Mohamed F Yabarag

Reer Awdal kalsoonida ha kala noqdeen Maamul gobolleed Somaliland

Marka hore waxaan tacsi tiiraanyo leh halkan uga soo tebinayaa qoysaskii, qaraabadii iyo guud ahaan dadweynaha reer Awdal ee ay ka baxeen labada shahiid ee argagixisada SNM ku dishay magaalada Borama iyagoo ku guda-jira debad-bax saliim oo ay xaq u leeyihiin.

 

INAA LILAAHI WA INAA ELEHI RAJICUUN

  • Naagahaan dhankii loo rogiyo dhinacna diidayne
  • Dheddigaanshahaa lagu arkiyo dhiigga caadada’e
  • Haddayan dhiilka caanaha lahayn laguma dhaarteene
  • Wax ka dhigan gobtii dhawrsataan ceeb ka dhiidhiyine

Tuducyadan kor ku xusani waxay ka mid ahaayeen tix gabay ah oo uu tiriyey gbayaagii weynee ee Cali Dhuux Aden muddo iminka laga jooga qarni ku dhawaad. Cali dhuux maalintaa wuxu la hadlayey beesha Ogaadeen oo uu ku guubaanayey inay heeryada Isaaqa iska tuuraan oo haybadii lagu yiqiinay soo ceshadaan, iyadoo weliba dhibaatuda sidaa uu Cali u buun buuninayey aanay u wada jirin.

Illaa iyo xilligii ciidan-beeleedka SNM la wareegay gacan-ku-haynta gobollada woqooyi ee Soomaaliya kadib markii xukuumadii dalka ka talinaysay ee Siyad Barre burburtay, reer Awdal waxay u ahayd uun yuus iyo cabasho aan kala go lahayn, iyo iyagoo markay xoogaa gadood ah muujiyaanba lagu sabaaleeyo: reer Awdaloo idinkii Somaliland dhidibada u taagee ha innaga duminine.  Waa yaabe ayaa wax duminaya ayaase wax dhisaya? Kadib markii xukuumadda Silanyo ku guul darraysatay inay dhaariso xildhibaanadii ku guulaystay doorashadii golaha degaanka ee Saylac iyadoo si badheedh ah oo qaawan ugu hiilinaysaa beesha Ciise oo iyadu ku hanjabtay in aanay Gudoomiye degmo wax ka yar aqbalayn doorasho iyo doorasho la’aanba, ayaa waxa soo baxaya warar sheegaya in reer Awdal laga xayuubinayo Gudoomiyaha Golaha degaanka ee ay sanduuqa cod-bixinta ku heleen.

Su’aasha meesha taallaa waxay tahay: maxaa keenay in reer Awdal mar walba la yidhaa u hiiliya dal iyo dad ka shaqaynayaa baaba’ooga iyo dibindaabyadooda? Jawaabta runta ah ee su’aashan waxa laga helayaa tixda gabayga ah ee kor ku xusan. Silanyo iyo Muuse Biixi midkoodna naf uma haya reer Awdal; way ku awr-kacasanyaan uun. Muuse Bixi, oo ku caan-baxay isku dirka beelaha oo aad moodo in aanu weli qorigii dhigin, isaga wuxu ku baaqayba in beesha Ciise gar iyo gardaraba loo hiilyo maadaama ay gargaar balaadhan isla garab taagtay beesha SNM xilligii ay qaran-dumis ku jirtey. Hadda garoo habka loogu hiilaanyo beesha Ciise wuxu liddi ku yahay nidaamka beelaysan ee dawlad-ku-sheega iyo xukun qarqooshka Hargeisa ka jira. War anagaa wax aragnay!

Mudahaaradada ka dhacaya magaalada Borama iyo kuwa kale ee ay ku qudh-baxeen ubixi reer Awdal waa in aanay noqon hal bacaad lagu lisay, oo aan dhiigooda lagu duugin rooga hoostiisa. Qajeelaa intaa la hanjabay oo dhaar kitaabka quraanka baalaha lagu jaray haddana halkii laga soo qaadi waayo.

Saylac iyo Salayc la’aanba waa in reer Awdal ayahooda ka tashadaan iskana kor qaadaan heeryada maamul gobolleedka SNM ee ku dhiiraday inay hadh cad boobaan Gudoomiyaha Golaha degaanka Saylac ee ku yimid sanduuqa cod-bixinta (ballot box). Ninkaa taa maanta ku dhiiraday muxuu samayn doonaa berri ka maalin? Haddii wixii cod-bixinta lagu helay la rabo in lagaa fara-maroojiyo, waxayaabaha kale ee kaa maqan sidee loo heli karo? Wax badan bay reer Awdal dhaar iyo hanjabaad madhan ku baaqeen, oo ay gaadhay in la yidhaa waar waa waxoodii kuwani waxba samayn maayaan inaga dhaaf.

 

Guntii iyo gebagabadii, reer Awdal hadda waxa u furan hal dariiq oo keliya oo aan labo iyo saddex toona lahayn: inay kala soo baxaan xildhibaanadooda iyo cid kasta oo ugu jirta maamulka dhanka keliya ka raran ee Hargeisa ka jira. Ninka waxa maanta jooga garan ma kasi karo waxa berri soo socda.

 

Mohamed F Yabarag

myabarag@gmail.com

 


This post has been viewed 823 times.

camud

1 Comment for “Reer Awdal kalsoonida ha kala noqdeen Maamul gobolleed Somaliland.Bye Mohamed F Yabarag”

  1. samaroon

    geesi samaroon yabarag cimrigaa ha jiro tolkeen waad u taabatay xaqiiiqada waana wada ogyihiin

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH