Harowo.com

Maxay Tahay Ujeedada Dhabta ah Ee Ka Danbaysa Faro-galinta Magaalada Saylac?

Maxay Tahay Ujeedada Dhabta ah Ee Ka Danbaysa Khilaafka Magaalada Saylac
Doorashadii ka dhacday ismaamul goboleedka Somaliyeed ee Somaliland 28kii bishii aynu soo dhaafnay waxay ahayd mid guud ahaanba khal khal galisay nabad galyadii iyo xasiloonidii dadka deeganadaa ku dhaqan ka dhexaysay. Nabad galyada oo ah shayga qudha ee la taaban karo ee kajira goboladaas ayaa hada umuuqata mid faraha ka sii baxaysa oo lagu kala dhaqaaqi doono hadii aan waxlaga qaban sida xaalku manta yahay.
Doorashadu waxay ka dhacday dhamaan dagmooyinka hoosyimada ismaamul goboleedka Somaliland, siday doontaba ha udhacdee waxaa lagu dhawaaqay natiijadii lagu shaacinayey dadkii ama ururadii guulaystay.Waxaa sidoo kale lagu dhaariyey guud ahaan xildhibanadii dagmooyinka isla markaana kala wareegay xilalkii maamuladii ka horeyey iyadoo la dada jinayo si aanu u dhicin wakhti ka daayacma danaha bulshada dagmooyinkaas..Dagmada Saylac waxay kamid ahayd dagmooyinka ayka dhacday dorashada golaha deegaanku,hasa yeeshee xildhibanadii ku guulastay dorashada dagmada Saylac wali lama dhaarin ee wali waxay fadhiyaan banaanka.
Hadaba xildhibaanada Saylac maxaa dib u dhigay dhaarintooda kana reebay xildhibanada lamidka ah ee dagmooyinka kale? Qormadan waxaan kaga jawaabayaa su’aasha kor kuxusan oo ah maxaa loo dhaarin waayey xildhibaanada ku guulaystay dorashada golaha deeganka ee dagmada Saylac?.Buuqa iyo kujiqsiida haday kuu martada kataagan magalada Saylac islamarkana sababtay dhimashado iyo dhaawac loo geestay dad muwaadiniin ah oo ka istaagay xaqdarada boobka cad ah ee lagu hayo dhulkooda waa maxsuulka ka soobaxay dhibaatada muda dheer soo socotay ee lagu hayo dagmada Saylac iyo degaano kale oo la jaara.
Dhibaatada kataagan deeganada xeebta waxaa sabab u ah dhowr arimood kuwaas oo mudo aad u dheer soo socday sonamaray marxalado kala duwana hada kujira marxaladii ugu danbaysay ee lagu soo gaba gabayn lahaa dhibatada ka taagan deeganada xeebta gobolka Awdal. Dhibaatada ka taagan deeganada xeebta waxa isku bahaystay budhcad sharwadayaal ah oo xukuumada Jabuuti gadhwadeen katahay taas oo kale qorshe siyaasadeed beelaysan oo aad u qotodheer.
Madaxweynaha dalka Jabuutu si uu u gaadho qorshahaa siyaasaday san ee uu ku hananlahaa deegana xebta gaar ahaan magalada Saylac wuxuu u maray jidad kala duwan inkasta oo uu hada maraayo kii ugu danbeyey. Ismaciil Cumar wuxuu dhamaadkii sagaashameedyadii isku dayey inuu deeganada xeebaha gobolka Awdal soo dajiyo qaxootiga reer Itoobiya eeku xeraysan xeryaha qaxootiga Jibuuti,hasa yeeshee arintaa waa gaashaanka ku dhuftay Ina Cigaal oo cadaawad iyo nacayb shaqsi ahaaneed ka dhexeeyey Ismaciil Cumar Geele.
Ismaciil wuxuu qaaday wado kale wuxuuna ku talaabsaday inuu shir dib u heshiisiineed u qabto dawlada Somaliya kaas oo ka dhacay tuulada Carta sanadii 2000.Ina Geele iyo beeshiisu halkaa waxay ku heshay 8xildhibaan oo abaalmarin loo siiyey loogana gooyey saamigii beelaha Gadabuursi.Markii uu dhintay ina Cigaal 2001 waxa markaliya isbadalay xidhiidhkii u dhaxeeyey labada maamul ee Hargaysa iyo Jabuuti.Ina Geele wuxuu bilaabay siyaasad labo aflay ah oo uu kula dhaqmo Somaliya iyo Somaliland si uu u gaadho hami siyaasadeedkiisa ku salaysan dhulboobka.
Ina Geele isagoo ka faa iidaysanaya xidhiidhka wanaagsan ee abuurmay wuxuu dib ugu soo noqday siyaasadii dib u dajinta ahayd ee ka dhicisowday taas oo u meel martay aadna uu ugu fududeeyey socod siinteeda maamulkii ina Reyaale.Ismaaciil Cumar intaa ku muu eekaane wuxuu aad lugaha ulasii dhexgalay siyaasada dalka Somaliya wuxuu marti galiyey markale ergooyin iyo siyaasiyiin ka socda Somaliya kuwaasi oo soo doortay SHeekh shariif, wuxuuna ku yaboohay ina Geele inuu ciidamo udiro dalka Somaliya si uu utuso shacabka Somaliyeed inuu yahay nin daacad u ah Somaliya oo marwalba diyaar u ah inuu u shubo dhiigiisa.
In Geele waxa kale oo uu ku talaabsaday inuu ugaaska beeshiisa ku caleema saaro magaalda Saylac taas oo iska horkeentay isla beeshiisa kadib markii maxad dhaqameed beeshiisa ahi ka diideen ina Geele inuu ugaaskooda ku caleema saaro meel aanay waligeed beeshu ku caleemasaarin ugaasyadoda,taasina ay tahay mid qadhankii beesha burburinaysa,hasa yeeshee ina Geele oo ayka go’antahay siduu gacanta mar uun ugu dhigalahaa Saylac wuxuu oday dhaqameed yadii ka soo horjeeday ku qanciyey in arintani waxweyn utarayso beesha ciise farina na aan ugudirayaa dadka Somaliyeed si ay u ogaadaan Saylac cida iskale.Sikastaba ha ahaatee caleemasaarkii wuu ka dhacay magalada waxaana fulinteda lahaa maamulkii ina Reyaale.Magacabidii lamagacabay gobolka Salel ayaa markaliya hamigii beesha ciise kor u sooqaday kadib markii laga dhigay nin Ciise ah gudoomiyaha gobolkaas cusub oo ay magacowday xukuumadii ina Reyaale.
Ismaaciil Cumar geele waxa uu aad uga naxay markii uu maqlay dadkii dhulka lahaa ayaa deeganadoodii waxka qabanaya oo dakad ka dhisaya magaalada Lughaya taas oo dhabar jab ku ah halgankiisa dhulboob waana waxyabaha ciise manta kasii ooyayo ee uu la yuusayo. Hadaba hami siyaasadeedka ina Geele oo socday tan iyo intuu kursiga ku fadhiyey taas oo isaga iyo beeshiisuba iska dhaadhiciyeen una haysteen siyaasad qarsoon oo aanu Gadabuursi fahan sanayn siyaasadooda guracan ee maan gaabnimada ku dhisan.
Waxaad qarsataaba qaaxuu kugu noqdaayee fiixdii ina Geele iyo tolkii qarsanayeen waxay dilaacday markii ay maqleen dorashadii golohii deegaanka dagmada Saylac inay dadkii degaanka u dhashee Gadabuursi ku guulaysteenWaxaa isweydiin mudan muxuu Ciise Isaaq iskugu dhadhajinayaa ee ka dhaxeeya? Ciise iyo Isaaq waxaa ka dhexeeya heshiish siyaasadeed dhul boob oo labada beelood qalinka ku duugeen 1989 magaalda Diridhaba ee dalka Itoobiya.Heshiisku wuxuu dhigaya in beelaha Gadabuursi dhulkooda laga kiciyo oo laqabsado taasoo ay labada beelood oo wada socdaa isku dayeen inay qori caaradii ku qabsadaan dhamaadkii sideetameed yaadkii ilaa horaantii sagaashameeyadii islamarkana Gadabuursi layskugu keeno Borama iyo agagaarkeeda,Ilahay mahadiii taasi way socon wayday oo isbaahaysigii sharwadayasha waxa ujilib dhigay musharafiintii Gadabuursi oo dhulkooda ka difaacay Ciise iyo Isaaqii wada socday.
Hasayeeshee labada beelood oo manta maamul haysta waxaa ka go’an inay meel mariyaan heshiish yadii dhicisobay ee meel mariwaayey kuwaas oo manta la rabo in uu dhaco dhulboob aanu dhiig ku daadan oo siyaasadaysan.Isaaq manta waxa ka go’an in ciise oo ayka dhaxayso abtirsiin huuhaayi abaalkii ay ugaleen loo gudo lana meel mariyo heshiiskii qabyoobay sidii loomeel marin lahaa,Isaaqna badallooga dhigo dhisida wadadan ay wadaan ee ayleeyihiin Jabuuti bay nagu xidhaysaa.
Waxyaabahaas oo dhan marka laysku dhufto waxay sawir buuxa kaa siinayaan dhibaatada manta Saylac ka taagan halka ay salka ku hayso,waxa Isaaq oday iyo islaanba ka siiyey Gadabuursaw Ciise uga tanaasula duqa magalada Saylac iyagoo la shiryimid shukaansi aad uriqiisa sida “maadaaba aad tihiin aqlabiyad duqa magalada siiya Ciise ha inaga aamusaane labo biloodka dibna goluhu dib ha u fadhiisto oo haka xayuubiyo xilka duqa mid cusub oo Gadabuursiyana hala doorto” waa fakir aad u hooseeya ninragana aan loola iman.
Khatarta qadiyada Saylac manta ay ku sugantahay waa mid aad uxasaasiya oo ubaahan in meel qudha looga soowada jeesto inkastoo manta ay midaysay qadiyadani Gadabuursi kana simanyihiin dufaaca ciida iyo sharaftoodaba, hadana waxaynu ubaahanahay inlasii xoojiyo oo laga diyaar garobo cadowga u heshiiyey dhulboolka deeganada Gadabuursi.Hamiga Ciise iyo Isaaq maaha mid iskii isku taagaya hadaan la dhirbaaxin.
Abdifatah subane <subane02@hotmail.com>

This post has been viewed 1695 times.


camud

Comments are closed

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH