Harowo.com

WAR DEG DEG AH : Wafti Uu Horkacayo M/ Xigeenka Somaliland Oo Soo Gaadhay Borama iyo Mudaharaad Balaadhan Oo lagaga Hortagay Iyo Rasaas Ciidanka ilaaladu Ku Ridayaan Dadweynaha .

Borama (Harowo)- Wafti Ergo ah Oo U Socda Dhaxal-wareejinta Magaalada Saylac iyo Maamulka Degmada oo uu horkacayo Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland  Cabdiraxmaan saylici ayaa soo gaadhay  daqiiqado ka hor magaalada borama .

Waftigan Madaxweyne ku xigeenka waxa ku wehelinayaa sodomeeyo salaadiin ah oo iyo gudoomiyaha kulmiye muuse biixi iyo odayga guurtiga ugu da’da weyn xaaji cabdi waraabe .

waftigan markay soo gaadheen magaalada oo mudaharaad balaadhan ka socdo ayaa loo galbiyay hotelka Rays ee ku yaala galbeedka magaalada borama .

Dadweyne aad u fara badan oo dhalinyaro u badan oo mudaharaadayay ayaa mar kaliya ka dul dagay hoteelka la dajiyay waftiga halkaasi oo qas iyo qalaase xoogan ka bilaabmay . ka dib ciidamadii ilaalada ee waftiga iyo madaxweyne ku xigeenka ayaa rasaas ku furay dadkii mudaharaadayay.

Rasaasta Wali way socotaa lamana oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay.

Waftigan oo uu ka mid yahay gudoomiyaha xisbiga kulmiye muuse biixi ayaa la sii ogaa maanta inay imanayaan borama taasoo sobobtay  mudaharaadkan saaka bilowday ilaa hadana socda . waftigu gabalka ayay u ridayeen taasoo ay filayaan in dadweynaha mudaharaadaya ee cadhaysani kala hoydaan.

Waftigan salaadiinta ah ee madaxweyne ku xigeenka somaliland hogaaminayo ayaa kasoo wada kicitimay madaxtooyada somaliland halkaasi oo uu kusoo dardaaray madaxweyne siilaanyo isagoo una xil saaray inay soo afjaraan buuqa xukuumadii ka aloostay golaha deegaanka ee degmada saylac

isha ku hay Harowo.com daqiiqad walba.

 

 


This post has been viewed 636 times.

camud

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH