Harowo.com

Reer Boorama Iyo Reer Saylac Ha Joojiyaan Taayirada ay gubayaan iyo caagadaha ay tumayaan oo ha qaataan qoriga


Boorama1

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Sidii aan horey u sheegnay reer Salal waxa loo dhigay shirqool sadex-geesood ah oo biyo col dhaanshay lagaga dhigayo codkoodii iyo dadaalkoodii ay u galeen doorashada Degmada Saylac. Qof kasta oo caqli leh wuxu garanayaa in Siilaanyo iyo kooxdiisu ay go’aan ku gaadhay in Saylac laga dhigo meel u gaar ah beel, dadkii aqlabiyadda ka ahaana afka ciidda loo daro.

Saylac taariikhdeeda iyo sidii reerka Ciise 50 sano ka hor loogu hadiyadeeyay isaga sheekayn mayno, sidii toban sano ka hor maamul ahaan gacanta loogu galiyay isaga warami mayno, tanina kuwaa hore uunbay dabo socotaa, waana wax laga arkay reerka Samaroon.

Maanta haddii odayada talada lagu daayo wadadii hore uunbay arintu qaadaysaa, balse haddii dhalinyartu la wareegto oo ay qoriga gacanta ku qaataan wax bay ka bedelayaan.

Siilaanyo iyo kooxdiisu waxay doonayaan inay Saylac ka dhigaan meel ka duwan dalka intiisa kale, lakiin is weydiintu waxay tahay Sidey ugu suurogalaysaa inuu Saylac maamulo qof aan umaddu raalli ka ahayn, Siilaanyo Saylac ma wuxu moodayaa gurigii madaxtooyada ee uu askarta beeshiisa ah isku wareejiyay.

 

 


This post has been viewed 390 times.

camud

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH