Harowo.com

Muuse Biixi oo ka badheedhay arinta Saylac, Craxmaan Saylici oo afka ka xidhay Iyo Dhagarta ay maleegayaan xubnaha Saylac loo diray

Nin maal leh iyo nin fara-madhan,  Aroos loo mashxaradiyo Mayd lagu baroortaa muska reerka wada yaal iyagoo mataana ah isla maalin galinkeed.
 dignin
 Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ee talada Somaliland haya Muuse Biixi ayaa si badheedh ah uga soo horjeestay doorashada deegaanka ee ka dhacday degmada Saylac ee Aqlabiyada ay ku heleen beelaha Samaroon, mar uu ka hadlay xaalada doorashada ka dhacday degmada Saylac wuxuna yidhi ” Qadiyada Saylac ka taagan ee ka dhalatay doorashadii, marka hore waa mid Qaran oo u baahan in si qaran loo xaliyo, ta kale qolada walaalheen ah ee reer Jabuuti, waa kuwii wakhtigii la iskugu keen tegay iyagu inoo hiilyay, waxaanay maanta inooga baahan yihiin Abaalkii ay inagu lahaayeen in aynu u gudno ayuu yidhi gudoomiye Biixi, isaga oo ka hadlayay Tvga ay maamusho xukuumada Somaliland, xili uu ka hadlayay dareenkiisa ku aadan in mar kale xisbiga Kulmiye noqdo xisbi qaran.
Sida aan la soconno waxa Magaalada Saylac socdaal ku jooga wasiiro iyo xildhibaano isku jira oo kasoo jeeda Awdal, kuwaas oo halkaa u tegay qorshe laga soo abaabulay Hargeysa oo la doonayo in lagu baab’iyo doorashadii Maayarka iyo kuxigeenka isla markaana xilka maayernimo loogu magacaabo nin kasoo jeeda beesha Jabuuti.
Wararka aan ka helayno Saylac ayaa sheegaya in Waftiga hargeysa iyo tobankii Xildhibaan ee Samaroon ay maanta yeesheen fadhi, kadibna waftigu xildhibaanada usoo bandhigay inay maayernimada uga tanaasulaan beesha Ciise, kadibna la is diiday oo arinkii lagu kala kacay.
Waftiga hargeysa ka tegay waxay usocdaan gar iyo gardaraba inay fuliyaan fariinta uu Siilaanyo u dhiibay, si ay u meel marto ballantii uu kasoo qaaday madaxweynaha Jabuuti.
Sida aan ka hellay ilo xog-ogaal ah, oo ay hoos hoos ugu xog warrameen qaar ka tirsan xubnaha Hargeysa ka tegay, Qorshayaasha ay wataan waftiga Hargeysa ka tegay Wuxu leeyahay labo weji, wejiga hore waa plan A, haddii kaasi socon waayo waxa loo gudbayaa Plan B-ga.
Plan “A” -Inay xildhibaanada Samaroon ku qanciyaan inay ka tanaasulaan Maayernimada oo ay aqbalaan inay u codeeyaan nin Ciise ah , haddii qorshahaasi socon waayo waxa loo gudbayaa
Plan “B”- Xildhibanada waa la dhaarrinayaa kadibna waxa loo sheegayaa in doorashadooda sharciga la waafajinayo oo imika la samaynayo kal-fadhigii koowaad ee ay ku dooran lahaayeen Maayer iyo kuxigeen. Waxa lasoo sharaxayaa xubin beesha Ciise ah,  Samaroonkuna waxay soo sharaxayaan musharaxiintooda.
Shirku inta aanu furmin waxa dibadda loo saarayaa gabi ahaanba Saxaafada, Waxa dadka madasha isugu yimid laga wada damminayaa Mobilada, marka codku dhaco, waxa saxaafadda la hadlaya wasiirka waftiga afhayeenka u ah ama arrinka loo soo wakiishay, inkasta oo la filayaba inuu wasiirka arimaha gudaha laftiisu yimaaddo Saylac.
Wasiirkaasi wuxu saxaafadda u sheegayaa Natiijo ka duwan tii madasha ka dhacday , guusha maayernimana waxa loo qorayaa musharaxa Ciise, kadibna xukuumadu waxay ku socodsiinaysaa awood, qofkii amarka ka horyimaadna waa la xidhi doonaa. Inta qorshahaasi fulayo nimanka waftiga ahi waxay dadka u sheegayaan Been, sida wasiir kuxigeenka Waxbarashada oo kale oo wareysi lala yeeshay gabi ahaanba dafiray qorshaha ay Saylac u joogaan, balse waxyar ka iftiimiyay inay wasaarada arimaha gudaha usii sallaxayaan qorshihii loo soo diray.
Waxa laga yaabaa in dad badani u haystaan in Saylici faraha wax ugu jiraan oo ay sahashanayaan waxa meesha ka socda, warbixintanna ay u arkaan mid garashada ka fog, wayse arki doonaan haddii aanay ka gaashaaman.
Qorshahani waa qorshihii Berbera lala damacsanaa ee Ramaax ku hagoogtay, kursigiisii badhasaabnimana uu u sadqeeyay. Ka Berbera Siilaanyaa doonayay, sidii uu rabay markay u dhici waydayna badhasaabkiibuu ku cadho fur furay laakiin qorshahan saylac intaa uu ka sal dheeryahay. Waxa la fulinayaa rabitaan dawlad kale oo dano kaga xidhanyihiin Siilaanyo iyo SL-ba.
Siilaanyo iyo Madaxweynaha Jabuuti waxay ka wada hadleen sidii uu Siilaanyo Saylac ugu celin lahaa gacanta beesha Ciise, Geellana uu Madaxweynaha Soomaliya ugaga dhaadhicin lahaa qaddiyada Somaliland. Dhiilka meesha yaali waa kaa. Waxa suuro-gal ah in xataa arrintan Ay xilalkooda ku waayaan dad reer Awdal ah oo xilal ka haya Selel.
Musue Biixi warkiisana si fiican u dhuuxa, Craxmaan saylicina hurdadiisa u fiirsada

This post has been viewed 3526 times.


camud

4 Comments for “Muuse Biixi oo ka badheedhay arinta Saylac, Craxmaan Saylici oo afka ka xidhay Iyo Dhagarta ay maleegayaan xubnaha Saylac loo diray”

  1. WAAR RAGOOW HORAA LOO YIDHI COL HORTII SII HUB SAMAYSO, AAWAY ISKU XIDHNAANTA AAD KU DAGAAL GALAYSAA, HOGAAN MIDAYSANA MA LIHIDE, CIISE IYO ISAAQBA MAANTA KAA AWOOD BADAN, OO DHIB KASTA OO LAGUU GAYSTO WAXBA KAMA QABATID OO AWOODAADU WAXAY NOQOTAY HANJABAAD AFKA AH OO IDAACADAHA AAD LA SOO FADHIISATO, SAYLAC HADII SIDAA LAGU QAATO, LAGA YAABA INAY , WAKE UP CALL, NOQOTO OO LA IS ABAABULO, OGAADAN MAANTA NIN QORI SIDAN CIDI WAXBA KA QORI MAYSEE, KA KACA MEESHA OO HOGAAN SAMAYSTA OO ISKA DAAYA FADHI BAAN WAX KU RABAA, IYO AMAAN GADHKA AAD U LUSHO, OO XAQAAGIINA AAD KU WAYDO.

  2. waalayaal maxaa inagu dhacay hadii aynu nahay samaron. somali inaga ayaa uguliidana manta iyo waligeen. ma dad wax udhimanyihiin baanahay. ilahow nadil oo hana dorin. sowtan dhulkeni aan hibo ugu wada bixinay sowtan laysk keen wadasheegay ee cidwaliba halkii ay inaga sogadho uun ina gosatay. samaroonow sidan iskudhama oo hur dada kakaca. wad hurudiine toosa oo duliga ka kaca.

  3. jibril

    Haddii ay taasi dhacdo oo Bahabar Celi ay lumiso Saylec waxaan u sheegayaa Mr. Zaili (Saylici) iyo Ina Xaamud Jibriil, Maxamed Case meel ha uga raad shaan Jabuuti.
    In badan ayuu Samaroon ku qatanaa Jabuuti, waxaa laga rabaa Maxamed Case in uu heshiis la samaysto Ciise oo xilka Mayer xigeenka Lughaya ba weysiiyeen Ciise, Maayerka iyo ku Xigeebka Zaila (Saylac) na hasiiyaan, tani waa mid ay waligeed be Wallaalaheen Maxamed Case ay ku dheqmi jireen oo Jabuuti ayey Ciise uga Tanaasuleen. Ninka Faransiiska wax la saxeexday nin Bahabar Celiya ayuu ahaa, maxay maanta ka hayaan. Wallaal heen Qaxooti ha ka noqdaan Cali Cado bal in uun inay isbadalaan.

  4. GADABUURSI WAXA MEESHA KA DHACAYAA WAA INAAD DAGAALANTAAN AMA AAD IS DHIIBTAAN SU AASHU WAXAA WEYAAN NIMAN DAGAALAMAYA OO DARXUMADA KA DHIIDHI YAYA MATIHIIN OO KA JAWAABAYA BADHEEDH KA AY SOO BADHEEDHEEN IDOOR IYO CIISE WAX AAN GARAN LA AHAY CABSIDA INTAN LEEG EE AANAY WAXBA KU QABIN IDOOR LAND IYO WAXA AY DHAWRANAYAAN MADAAMA AAN DAAWANAY DADKEENI OO DARIIQYADA LAGU GAWRACAY OO AYNAAN WAXBA KA GAYSAN JAWAABNA AYNAAN KA BIXIN TA LABAAD DHULKEENI OO NOQDAY TIMIR XABAALOD OO AAD MANTA ARKAYSAAN WAXA SAYLAC KA DHACAYA QORSHAYAASH INAGU SOO FOOLE HADAYNAAN ISKA GAADHIN LABADA REER IYADOON CIDI INA TAAGEERIN BAAN ISKA CELIN KARNA SHALAYNA WAAN ISKA CELINAY MAANTANA HADAYNU DIYAAR U NOQONO WAAN AWOODNAA WALAALAYAAL AAN EEGNO HAREERA HEENNA MA DHULBAHANTAAN KA ITAAL YARAANAY WAAR WAXAYNU NOQON QAAR SHARAFTOODA DFAACA NABADAAN KA SHAQAYNA WAX KAA SOCANAYA MAAHA WAXAAD OGAATA IN FAYLAL BADAN LAGUGU SOO FAQI DOONO SOMAALIDU WAXAY TIRAA NIN AAN SHANTAADU KAA QABAN SHARCI KAMA QABTO WA BILAAHI TAWFIIQ

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH