Harowo.com

Hees la baxday “Ismaaciiloow ka daa” oo loo tiriyay madaxweynaha Jabuuti iyo ciddii ku luqeyn lahayd oo la sugayo

 ismacil
Abwaan Maxamuud Cabdilahi Rooble oo u dhashay gobolka Awdal ayaa hees canaan ah utiriyey Madaxweynaha Jamuuriyada Jabuuti Ismaciil Cumar Geele, oo Baryahan danbe damac weyni ka galay magaalada Saylac ee gobolka Awdal.
Qofkii  dibindaabyo wadi
Marbuu dibad soo baxaa
Dareen dadka wada galaa
Dibnaha lagu wada hayaa
Haduu mudo daaha saarey
Si aan loo wada dareemin
Dul iyo dacal wada daboolay
Sidii awr dibad wareega
Oo Dugaagu agtiisa marin
Wakaa ka dayaamiyoo
Ismaaciil Dabarka goo!
Dadkiisii oy gaajo dubatey
Dubatey oo diif la jiifa
Dalkiisii intuu xaraashay
Duduubka lacag ku qaatey
Baxreyn dahabkii uyaaliyo
Dubai daaraha kajeexday
Midhbaa iga degiba weydee
Miyuu Adal doonayaa??
Ismaaciilow ka daa
Hunguri damac waalanaa
Waxaan dabnahaba marayn
Daloolka kasii danbeeya
Hadaad dirqi mari tidhaa
Hunguri dadabuu noqdaaye
ismaaciiloow ka daa
Naftaadani damaca galay
Hadaad ka dabiibi weydo
Jabuuti ku deeqi weydo
kolaba duco qaadan meynee
Dagaalbaad nagu wadaaye
Ismaaciilow kadaa
Fircoonbaa dawga maray
Isaga  oo nabad ku daaqa
Dadkaba ugu wada sareeya
Darkuu doonaba helaaya
Durbaan shaydaan u tumaye
Ismaaciilow ka daa
Dardaaran hadaan kusiiyo
Ruuxii darisee wanaagsan
Dariiq isagoo maraaya
Daleeda intaad ka maagto
Hadaad dhegta daab ku goyso
Daloolkaa laga tegaaye
Ismaaciilow ka daa
Walee dundumooy warkaa
Hadaad darbi adag ismooday
Inaad dacalada ku saysid
Daruurtu markay hilaacdo
Mahiigaana soo darooro
Wixii dildilaac ku gaadha
Dadkuba wuu wada ogaan
Ismaciilow ka daa
Dabaylaha soo hufmaayiyo
Intaanu daad ku qaadin
Digniina hakuu ahaatee
Aboorkow sii daloosho
Doc kale ood kaga badbaadid
Duqyahow  naartaa daboolan
Daboolka hadaad ka qaado
Daqiiqad intaan la gaadhin
Armuu dhulku kula degaa
Ismaaciilow ka daa

This post has been viewed 1312 times.


camud

1 Comment for “Hees la baxday “Ismaaciiloow ka daa” oo loo tiriyay madaxweynaha Jabuuti iyo ciddii ku luqeyn lahayd oo la sugayo”

  1. samaroon

    waa in sida ugu dhakhso badan loogu dhiibaa fanaan iyo laxamayste wayn oo lagu luuqeeyaa waa hees macaan runtii nin kii sameeyay alle ha ka abaal mariyo wanaageeda iyo nasteexadeeda ismacilna ha ku qaboobo hadii kale ciise vs samaroon roobel afdeebyo kale waa inoo kaceen kac waysayso waaadigii kibirka waalnaaye ayaa loogu heesi doonaa

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH