Harowo.com

Sir Culus :Halkan ka kahriso Dukument sira oo ka marqaati kacaya Heshiiskii Beelaha Isaaq (SNM) iyo Ciise Ku Kala Saxeexdeen Diridhaba (25 October 1989), Kaas oo Ka Dhan Ahaa Beelaha Gedabuursi.

Sir Culus :Halkan ka kahriso Dukumant sira oo ka marqaati kacaya Heshiiskii Beelaha Isaaq (SNM) iyo Ciise Ku Kala Saxeexdeen Diridhaba (Ethiopia 25 October 1989), Kaas oo Ka Dhan Ahaa Beelaha Gedabuursi.

top secret

Heshiiskaan oo ay Isaaqa iyo Ciisaha Diridhabe ku wada galeen 25 October 1989 ayaa wuxuu ka dhashay kadib markii uu dagaal dhexmaray Isaaq iyo Gadabuursi.Degaanka Cali Sabiix ee Dalka Jibouti ,halka tareenka ka soo galo waxaa ka talin jiray Sarkaal u dhashay qabiilka Gadabuursiga ,iyadoo dhinaca kalena Loowyacadde ay ka talin jireen Gadabuursi iyo Dowladii Siyaad Barre taas oo ciriiri gelisay Isaaqa.

Isaaqa ayaa u tegay Ciisaha kadibna waxay u bandhigeen inay heshiis la galaan.

Ciisaha ayaa heshiis ay la galaan Isaaqa sharuud uga dhigay laba qodob oo kala ah:

1- In Isaaqa uu Ciisaha ku gacansiiyo sidii ay ula wareegi lahaayeen Saylac.

2- In Dowladda laga dhisi doono dhulka la isku yiraa British Somaliland laga siiyo qeyb saami xil.

Beesha Isaaq oo eeganeysay danteeda iyo marxaladii ay ku jirtay waxay aqbashay labada qodob ee Ciisaha ku xireen.

Beesha Ciisaha oo fulineysa heshiiska Isaaq ay la galeen waxay bilaabeen inay qabiilka Gadabuursiga ka barakiciyaan Jamhuuriyadda Jibouti,iyadoo shaqada laga eryay Saraakiishii beesha Gadabuursi.

Ciisaha oo ku guuleeystay inay ganacsatadii Gadabuursiga iyo waxgalkii barakiciyaan waxay sidoo kale bilaabeen in Ciisahii ku noolaa Ethiopia ku guraan banka Garyaadka iyo Magaalada Xadka saaran ee Xariirad.

UN-ka oo ogaa in qabiilka Ciisaha degin xariirad waa ay diideen in dadkaas qaxootiga ahaa u daad gureeyaan degaanka Gadabuursiga hasse yeeshee Xukumadda Jibouti ayaa dejisay.

Mohamed Xaaji Ibrahim Cigaal mar laga wareeystay BBC Somali wuxuu ku jawaabay “Dadkii asal ahaan deganaa Xariirad iyo Saylac deganaa waa kuwa qaxooti ku ah Dharwanaaje iyo Awbarre”

Maalqabeeno uu ka mid yahay Ina Boore ayaa markii uu Cigaal dhintay kadib ku guuleeystay inay qabiilka Ciisaha ku beeraan Banka Garyaadka iyo Xariirad.

Caruurta Ciisaha waxaa laga dhaadhiciyay inay leeyihiin dhulka Giriyaadka iyo Xariirad.

 

 

 

 


This post has been viewed 1216 times.

camud

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH