Harowo.com

Khaatumo ma waxaad leedihiin Xasan Culusow baanu wuxuu rabay u rumaynay!!! Oo yaa idinkaga liita waa yaabee?

Khaatumo ma waxaad leedihiin Xasan Culusow baanu wuxuu rabay hadyad u siinay?!!! Oo yaa idinkaga liita waa yaabee?!!!
Madaxwayne Maxamed Yuusuf Indhasheel, madaxwaynaha kowaad ee maamulka Khaatumo state, oo shalay meel fagaare ah kula hadlay shacabka reer Buuhoodle, baa isaga oo ay ka muuqatay inuu ka qanciyo shacabka reer Khaatumo, in ay taageeraan dowlada fadaraha ah ee villa Soomaaliya, iyo weliba inuu ka qanciyo hadalkii foosha xumaa ee masuuliyad darada ahaa
 Ee ka soo yeedhay Xasan Culusow maalintii ay maamulka Soomaalidiidka ahi, weerarka gardarada ah ku soo qaadeen shacabka Khaatumo, kaas oo ahaa in uu ku hambalyayay sunta iyo dhunkaasha ay ku beerayaan Soomaaliya, iyo dagaalka gardarada ah ee ay ku hayaan shacabka Khaatumo, marka madaxwayne Indhasheel oo arintaa ka hadlayaa, wuxuu yidhi: “ waad
 Ogaydeen oo waa tii Madaxwaynuhu iyada, oo ay Xudun ka dhacayso xabadu, inuu ku tahniydaynayay maamulka Siilaanyo dimuqraadiyada iyo riyada dhalanteedka ah ee uu wado, laga wada hadal arintaas, si wanaagsan baa looga wada hadlay, hadaladiina waxa ka mid ahaa, hadaad adigu ku taageerayso kow iyo labaatan sano oo dambe, in ay wadanka kala gooyaan, uma
 Suurtoobayso, laakiin reer Khaatumo saacad bay wadanka ku kala gown karaan!!!”, waxaan shaki ku jirin markuu maqlay Xasan Culusow hadalkiinaa jilicsan, inuu idinkula yaabayo, aadna ugu farxaayo, oo dareemaayo in uu mabda’iisii cunsuriga ahaa guulaystay, waayo waa intuu rabay, oo hadalkiina macnihiisu waxa weeye, maamulka Soomaalidiidka ee SNM baan ku
 Biiraynaa, taasuna waa intuu rabo Xasan Culusow, oo hiil sir iyo caadba ah ugu muujiyay maamulkaa Soomaalidiidka ah, colaad aan qarsoonayna ugu muujiyay maamulka Khaatumo iyo shacabkiisaba, iyadoo awelba madaxdii soo martay dalka intii burburka, ay dhamaan taageera qarsoon iyo mid muuqataba la garab taagnaayeen maamulkaa Soomaalidiidka ah, ayaa hadana
 Maamulka Xasan Culusow ee hada Villa Somaliya ka taliyaa yahay kii ugu darnaa, iyada oo maanta aanay qarsoonayn in villa Soomaaliya looga arimiyo qasriga Gen.Maxamed Saeed Morgan ee Hargaysa, Xasan Culusowna waa nin xagjir ah oo la mabda’ ah SNM, bal waa nin SNM ah, waayo wuxuu ka mid ahaa golihii dhexe ee ururkii USC, ururkaasna waxaa dhashay oo
 Abuurtay SNM, dad badan baa la yaaba, marka madaxda SNMtu ku andacoodaan, oo ku faanaan, in ay iyagu rideen dowladii kacaanka, bal se hadalkaasu waa mid xaqiiqa ah, oo biya kama dhibcaan ah, waayo USC waxay ahayd aalad ay samaysay SNM, oo ay ugu adeegnaysay damacooda iyo danahooda guracan, ee Soomaalidiidnimada ah, iyo in beel wayn oo
Soomaaliyeed oo wadanka miisaan culus ku leh, la kala qaybiyo si awoodoodu u daciifto, oo aanay wax saamayn ah ku yeelan dhulka Soomaalidu ku nooshahay, waana kaa qorshaha uu wadaa Xasan Culusow, ee rabo in uu fuliyo maanta, wuxuu rabaa in maamulka SNM ee Soomaalidiidka ah, goosto gobolada woqooyi, wuxuu rabaa oo kale in maamulka Puntland, oo
Iyana ay awoodoodii noqotay uun, in ay had iyo jeer ku hanjebaan in ay goosanayaan hadaan siday  rabaan loo yeelin, ay iyana goostaan labadooda gobol, Soomaaliya inta soo hadhana ay markaas u taliso beeshiisu, oo ay noqoto awooda keli ah, ee looga dambeeyo, waa sidaas mabda’a, ujeedada, shaxda iyo bartilmaameedka Xasan Culusow, waana taas tan loogu koobay
 Dowladiisa gobolada dhexe iyo kuwa koonfureed, taas oo aan laga dareemi jirin maamuladii isaga ka horeeyay. Xasan Culusow wuxuu ku andacoonayaa, si uu qorshihiisa guracan ugu qariyo, in aan wadanka intiisa kale gacanta ugu jirin, waa yaabee ma hadaa Jubooyinka iyo Gedo baa gacanta ugu jira, mise Bay iyo Bakool, mise Shabeelooyin iyo Hiiraan, mise gobolada
 Dhexe!!! Bal adba, beeshan wayn ee shacabka Khaatumo ka soo jeedo, ee la doonaayo in la qayb qaybiyo, oo awoodooda la daciifiyaana, maaha mid jirtaba! Sidaas darteed maamulka iyo shacabka Khaatumoba, waxaa la gudboon in ay ku baraarugsanaadaan shirqoolada loo maleegaayo, dhisidii dowlada lagu khasaaray,iyo doorashooyinkii Muqdisho ka dhacay, shaki
 Kuma jiro in madaxdii iyo waxgaradkii uga qayb galay maamulka Khaatumo, ay khalad aad u wayn ku dhaceen, codkoodii iyo dedaalkoodiina ay siiyeen, kuwii iyaga mindiyaha u lisanayay. hadaba khaladku wuu dhacaa ee, waxa se wanaagsan in deris laga qaato, oo laga faa’iidaysto, khaladkii aad hore ugu dhacday, iyo wixii ku soo marayba, waxa se ah wax aad looga xumaado,
 In aanay weli taas dareemin madaxda maamulka Khaatumo, Khaatumo yaanay ku tiirsanaan, oo wax ka sugin, kooxo iyo maamulo aan qarsan colaada iyo cadwada, ay u hayaan shacabka iyo maamulka Khaatumo, bal waa in ay iyagu isku tashadaan, oo ku kalsoonaadaan awoodooda, oo ay u muujiyaan Soomaalida iyo caalamkaba, ayna wax la qabsadaan, oo safkooda ku xoojiyaan
 Soomaalida xalaasha ah, ee midnimada jecel, ee aanay aafaynin cudurka qabyaalada iyo aragtida gaabani, markaas ayaad qaderin iyo ixtiraamba ka helaysaan ee, aadna is hortaagi karaysaan shirqoolada laydiin maleegaayo, hadaad se wax ka sugtaan Xasan Culusow, oo aan qarsan, cadaawad uu u haayo shacabka Khaatumo, iyo Saacid oo maqaar saar ah iyo alaad uu ku
 Adeeganaayo Xasan Culusow, waydin khasaari, waydina sharaf dhici, shirqoolada laydiinku tala galayna way fulayaan, waxayna noqon mahadho aynaan mahadin, haa Saacid waa maqaar saar, weliba waxaa la yidhaahdaa: “Hasha kudna waa dilay, waxna waa u weheliyaan”, hada Saacid waa maqaar saar, waxna waa u weheliyaan sida muuqata!!! midnimada iyo isku duubnida
 shacabka Khaatumo maanta wuu wanaagsan yahay, wuxuuna marayaa halkii ugu saraysay, markaa waxaa haboon, in madaxdu taas ka faa’iidaysato, oo shacabkooda u horseedaan isku-tashi karaamo iyo sharaf, iskana daayaan ku tiirsashada qof, koox iyo maamul aan wanaag u hayn, lanaba doonaynin, hadii kale xaalku wuxuu noqon tixdii caanbaxday ee ahayd: “Nin dhirbaaxa quudheed dugsaday dhaqayadeed maalyee, dhashaaday  sugtaa xaajadaad dhowrsataa abid!!!”
Wabillaahi atowfiiq
Ciise Maxamuud Aadam
almutawaadic@yahoo.com

This post has been viewed 1624 times.


camud

Comments are closed

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH