Harowo.com

Xukumka shareecada Islaamka ee ka qayb gelista iyo tahniyadaynta dabaal-degyada ciidaha Gaalada.

Mahad iyo amaan Allaah ayaa mudan oo iska leh, Rabiga Caalamiinka, naxariis iyo nabad gelyona ha ahaato korkiisa Rasuulka Allaah, iyo Ahalkiisa iyo Asxaabtiisa iyo mid kasta oo maray Jidkiisii, oo ku hadaysma Hanuunkiisa ilaa iyo Maalinta Qiyaamaha.Intaas ka dib:
Walaalayaal iyada oo aynu ku jiro bishii ugu dambaysay, ee sanadka Nasaarada, waxa ku badan bishan munaasibadaha ay ugu dabaal degaan ciidahooda, taas oo ay dhacdo in dad badan, oo muslimiin ah kala qayb qaataan dabaal- degyadooda, iyaga oo aan is waydiin ama fududaysta, waxa ay ka qabto arintaa shareecadeena iyo diinteena suubani. Hadaba si ay taas u ogaadaan
 Intaan ogayni, waxa Allaah tacaalaa ii fududayay, in aan soo turjumo aniga oo soo koobay, qoraal dheer oo uu arintan ka qoray Shiikh la yidhaahdo Shiikh C/ Raxmaan Binu Naasir Albaraak Allaah ha ka abaal mariyee, waxana rajaynayaa in inbadan oo ah walaalaha bogan ku xidhani, ay ka faa’iidaysan doonaan qoraalkan kooban inshaa Allaah, waana sidan soo socota:
Wuxuu qaderay Allaah tacaala xikmadiisa darted, inuu ka yeelo dadka laba kooxood, oo ah mu’miniin iyo gaalo, siduu yidhi subxaanahu: { هُوَ الَّذِي خَلَقَكُمْ فَمِنكُمْ كَافِرٌ وَمِنكُم مُّؤْمِنٌ وَاللَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ بَصِيرٌ} {Allaah waa isaga kan idin abuuray, waxana idinka mid ah kuwa gaalo ah, waxana idinka mid ah kuwa mu’miniin ah, Allaaha wuu arkaa waxaad falaysaan}. Waxana xikmadiisa iyo
 Raxmadiisa awgeed ah, in uu dadka u soo diro Rasuulo, u bishaaraynaya una digaaya, si ay uga soo saaraan dadka mugdiyaalka, oo ugu soo saaraan iftiinka idankiisa ka dib, lagagana garto gaalada mu’miniinta, wuxuna ku kala soocay Allaah tacaalaa labada kooxood, xaga ka weli yeelashada iyo is adeecida, wuxuna ka yeelay mu’miniinta in qaarba qaarkooda kale adeecaan oo
 Weli ka yeeshaan, gaaladuna qaarba qaarkooda kale adeecaan oo weli ka yeeshaan, wuxuuna Allaah subxaanahu ku farad yeelay mu’miniinta, in ay ka berii noqdaan gaalada iyo diintooda iyo waxay caabudayaanba, wuxuuna Allaah kaga soocay muslimiinta wixii uu la yimi nebigoodu sharciyaalkii kiniisada iyo caadooyinkii, wuxuuna kaga maaran siiyay taas xaaladihii jaahiliyada,
Jaahiliyadii ahalul kitaabka iyo umiyiinta(kuwaan waxba qori waxna aqrin jirin) iyo caadooyinkii diiniga iyo caadigaba ee ummadaha ciidahooda, markaa muslimiintu waxay leeyihiin wixii Allaah u sharci yeelay iyaga, ee ah labada ciid, ee fidriga iyo adxahaha iyo maalmaha tashriiqda iyo maalinta carafo, wuxuuna kaga maaran siiyay taas ciidihii ahalka
 Jaahiliyada, wuuna kaga soocay taas iyaga, siduu yidhi Anas Allaah ha ka raali noqdee: (قدم رسول الله صلى الله عليه وسلم المدينة ولهم يومان يلعبون فيهما، فقال: ما هذان اليومان؟ قالوا: كنا نلعب فيهما في الجاهلية. فقال رسول الله صلى الله عليه وسلم: “إن الله قد أبدلكم بهما خيرا منهما يوم الأضحى ويوم الفطر”، وقال صلى الله عليه وسلم: “يوم عرفة ويوم النحر وأيام التشريق عيدنا أهل الإسلام”،) (wuxuu yimi Rasuulkii Allaah sala
Allaahu calayhi wasalam Madiina, waxayna dadkeedu lahaayeen laba maalmood, oo ay dabaal-degaan, wuxuuna ku yidhi: waa maxay labadan maalmood? Waxay yidhaahdeen: waanu ku dabaal-degi jiray waqtigii jaahiliga, wuxuuna ku yidhi Rasuulkii Allaah sala Allaahu calayhi wasalam: “Allaah wuxuu idiinku bedelay kuwa ka khayr badan, maalinta adxaha iyo maalinta
 Fidriga”, wuxuuna yidhi sala Allaahu calayhi wasalam: “maalinta carafo iyo maalinta naxriga iyo maalmaha tashriiqdu waa ciidkeena ahalal islaam”, ), marka waxa ku waajib ah muslimiintu, in ay ku kaaftoomaan wuxuu Allaah ku kaaftooyay iyaga, oo ay ku kaaftoomaan ciidahaa uu Allaah ugaga sharciyay ciidaha ummadaha, ee uu inagu amray in aan ku khilaafno sharciyadooda
 Iyo caadooyinkooda khaaska u ah, waxana ka mid ah ciidahooda, taasna waxaa ku sugan digniin ah, in aan loo dabaal-degin, oo aan ku kaaftoono ciideena, uu Allaah tacaalaa inoo sharci yeelay ahlalul islaam, u dabaal-degista ciidaha gaaladu waxay noqonayaan arimo ay ka mid yihiin:
1- ku farxis iyaga, iyo in laga yeesho munaasibad, iyadoo ay muslimiintu isugu tahniyadaynayaan qaarba qaarkooda kale, oo ay falayaan qaar muuqaalo farxadeed, sida ay tahay caadadu maalmaha ciidaha ah, taasuna waxay noqonaysaa tan ugu fooshaxun ee isu ekaysiinta iyo kaga dayashada gaalada ee ciidahooda.
2- gaalada oo lagu tahniyadayo ciidahooda, iyo in laga soo qayb galo dabaal-degyadooda, iwm taas, oo muujinaysa ka raali ahaansho.
3- in taas lagu soo koobo ku tahniyadaynta gaalada ciidkaas, taasna waxa ku jirta muujin ka raali ahaansho, ama qiritaan ciidkaas ah, iyo in uu yahay munaasibad badhaadhe ah, oo ay xaq tahay, in ay u dabaal-degaan, oo falaan waxa ay falayaan maalintaas.
Shaki kuma jiro in dhalashada Masiix ama Ciise calayhi salaam, iyo dhalashada nebigeena sala Allaahu calayhi wasalam, ay tahay nicmooyinka ugu waawayn ee basharka, waayo wuxuu Allaah ku soo diray iyaga, ee hanuun ahaa, ee uu kaga soo saaray cidii uu doonay mugdiyaalka jahalka ilaa iftiinka islaamka, taasuna waxay waajibinaysaa uga mahad celintiisa tacaalaa taas
Mar walbaba iyo goor kastaba, kumana xidhna taasu dhigeeda maalintii dhalashada sanad walba, faraqa u dhexeeya maalinta dhalashadiisa iyo dhigeeda sanad walba, waa in aan Allaah u sharciyayn adoomihiisa, in ay ka yeeshaan laba maalmood ciid sanad walba, oo ay ugag gaar yeelaan cibaadooyin iyo caadooyin maalmaha kale oo dhan, markaa dabaal-dega muslimiinta ee
Dhalashada nebi Maxamed sala Allaahu calayhi wasalam waa bidco (aan diinta ka mid ahayn), oo diinta lagu soo kordhiyay, waana isu ekaysiin iyo kaga dayasho Nasaarad ama Masiixiyiinta u dabaal-degistooda dhalashada Masiix ama Ciise calayhi salaam, taas waxaa ka sii fool xun muslimiinta oo u dabaal dega dhalashadaa iyo qayrkeed, oo ah ciidahooda diiniga ah iyo
 Caadigaba sida Nasaarada, hadaba ogolaanshahooda taasu waxay burinaysaa wixii Allaah ku waajibiyay ee ahaa khilaafistooda, ka berii yeelashadooda iyo diintoodaba, iyo wixii laga nahyiyay ama laga reebay iyaga, ee ahaa in aanay hawadooda raacin. Sidaas waxaa ku cad wixii aan soo sheegnay, in tahniyadaynta gaalada ee ciidahooda, ay tahay xaaraam, siday taas ugu
Fatwoodeen culimadu hore iyo dambeba, wuxuu yidhi Ibnu Qayim Allaah ha u naxariistee: (وأما التهنئة بشعائر الكفر المختصة به فحرام بالاتفاق، مثل أن يهنئهم بأعيادهم”،), (laakiin se tahniyadaynta munaasibadaha gaalada, ee u gaarka ah iyaga, waa xaaraam sida laysku raacsan yahay, sida in lagu tahniyadayo ciidahooda). Laakiin se arinta la xidhiidha, wixii ku yimi kitaabkii uu Hercules
 U qoray nebigu sala Allaah calayhi wasalam, waana Hadalkiisa: (سلام على من اتبع الهدى) (salaamu cidii hanuunka raacday), waa mid aan waxba ka jirin, waayo nebigu sala Allaahu calayhi wasalam, ma uu salaamin Hercules, ee bal wuxuu salaamay cidii hanuunka raacday, hadii uu salaami lahaana Hercules wuxuu noqon lahaa ahalka salaamtaas, taas waxa raacda faraqa wayn
 Ee u dhexeeya salaam la isku salaamo salaamta islaamka iyo tahniyada, waxa la baneeyay celinta salaamta ee ahalka kitaabka, iyada oo aan lagu bilaabin, siduu ku yidhi Rasuulka Allaah sala Allaahu calayhi wasalam, xadiithkii Abu Hurayra Allaah ha ka raali noqdee: (لا تبدؤوا اليهود ولا النصارى بالسلام، فإذا لقيتم أحدهم في طريق فاضطروه إلى أضيقه) (ha ku bilaabina Yuhuuda iyo Nasaarada
 Salaamta, hadii aad kula kulantaan midkood dariiqana ku cidhiidhya dariiqa), iyo xadiithka Anas binu Maalik Allaah ha ka raali noqdee, ee laysku waafaqayna wuxuu yidhi: (إذا سلم عليكم أهل الكتاب فقولوا وعليكم) (hadii ay idin salaamaan ahlul kitaabku, waxaad ku tidhaahdaan wacalaykum), hase yeeshee in lagu tahniyadayo ciidahooda, iyadu sinaba uma banaana, sidee
 Baynu ugu tahniyadaynaa dabaal-dega dhalashada Masiix ama Ciise, oo uu u ictiqaadsan yahay Ilaahnimo, oo ay ugu samaynayaan ciidkan cibaada ahaan, siday ugu samayaan muslimiintu ciidahooda cibaadada Allaah tacaalaa?! Waxaa mahad iyo amaan leh Allaaha inaga dhigay muslimiin, waxaana Allaah ka magan gelaynaa jidkii kuwii uu u cadhooday iyo kuwa lunsanba.
Wabillaahi atowfiiq
C/Raxmaan Binu Naasir Albaraak
T/ Ciise Maxamuud Aadam
almutawaadic@yahoo.com

This post has been viewed 1880 times.


camud

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH