Harowo.com

17 Degmo oo doorashadii SL Natiijadooda lagu dhawaaqay iyo laba urur oo calamaantii dabaal-dega sii toshay

17 degmo oo ka mid ah 19 degmo oo doorashada Deegaanka Somaliland ka dhacday, ayaa waxa aqlabiyaddooda ku guulaystay xisbul-xaakimka Kulmiye oo hoggaaminaya 13 degmo, halka kaalinta labaad uu ku jiro urur-siyaasadeedka Wadani, balse aan weli si cad loogu kala bixin kaalinta saddexaad oo ay tirooyin aad isugu dhaw dhaw ay isu daba-fadhiyaan Xisbigada UCID iyo ururada Xaqsoor iyo Rays.

Hadaba, 17 kaas degmo oo magacyadoodu kala yihiin; Ceerigaabo, Boorama, Burco, Berbera, Laascaanood, ,Lughaya, Balligubadle, Oodweyne, Saylac, Baki, Sheekh, Caynabo, Ceel-afweyn, Qorilugud, Gar-adag, Sallaxley iyo Xudun waxa isugaynta kuraasta dawladahooda Hoose ee ay kala heleen todobada urur/xisbi kala yihiin sidan:

  1. 1.    KULMIYE wuxuu haystaa 82 kursi
  2. 2.    Wadani wuxuu haystaa 55 kusri
  3. 3.    UCID wuxuu haystaa 31 kusri
  4. 4.    Umadda Wuxu helay 27 Kursi
  5. 5.    Rays Wuxu helay        27
  6. 6.    Xaqsoor wuxuu helay 26 kusri
  7. 7.    Dalsn wuxuu helay 11 kusrsi

Inta aan ogahay Waxa la sugayaa Hargeysa iyo Gabiley


This post has been viewed 4002 times.

camud

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH